SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Arday Soomaaliyeed oo ka qalinjebisay Jaamacad ku taal Indonesia
  • Magaalada Nairobi oo ay ka dhaceen qaraxyo geystay waxyeelooyin
  • Wasiirka Warfaafinta Puntland oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota
  • Kulan Dhaqaale loogu uruurinayay Dawlad Goboleedka Bartamaha Soomaaliya oo ka dhacay Birmigham
  • Shir aqooneedkii ardayda soomaaliyeed ee jaamacada Wuhan ee dalka China
  • Bandow lagu soo rogay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kadib markii…

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota

Habeenimadii Isniintu soo galaysey (June 14, 2010) ayaa magaalada Minneapolis waxaa jaaliayadda khudbad u jeediyey Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdixakiim Axmed Guleed....

Wasiirku waxa jaaliyadda u akhriyey khudbad uu soo qortay oo uu akhriyey: (Video)

Waxa uu xusay in Iskoolada Soomaaliya xilligan aan taariikh iyo juquraafi Soomaaliyeed aan lagu dhigin oo la cirib tirayo ama la suulinayo dhaqankii Soomaaliyeed. Waxana uu sheegay in Taariikhda Soomaaliyeed aan loo dhigin carruurta Soomaaliyeed.

Waxaa la dabar jaray buugaagtii Manhajka ahaa ee lagu dhigi jirey Soomaaliya, ayuu yiri.

Khudbadda C/xakiim HALKAN KA DAAWO

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA


Arday Soomaaliyeed oo ka qalinjebisay Jaamacad ku taal Indonesia

Md. Maxamuud Colow Barow, Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia oo ay weheliyaan Danjireyaal, qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Indonesia iyo martisharaf kale ayaa waxa ay ka qeybgaleen xaflad qalinjebin ah oo ay qabanaysay Jaamacadda Pasundan ee ku taala magaalada Bandung, ee Indonesia. Jaamacadan oo ka mid ah jaamacadaha ugu faca weyn gobolkaas, ayaa waxaa ka qalinjebinayay arday tiradooda gaaraysa 1037 arday oo dhameystay waxbarashadooda, lana gudoonsiiyay shahaadooyinka ay kala muteysteen sida: Diploma, Bachelorette, Master iyo PHD.

Ardayda maalintaas qalinjebinaysay ayaa waxaa ka mid ahaa dufcadii ugu horeysay ardada Soomaaliyeed ee wax ka barata Indonesia tan iyo markii ay si xawli ah u soo billaabmeen ku biirida Jaamacadaha Indonesia tan 2004-tii, labada arday ee ka qalinjebisay UNPAS ayaa kala ahaa: Cabdixafiid Maxamed Sheikh Aadam oo dhameystay Information Technology iyo Axmed Sheikh Maxamed Dahir oo dhameystay Industry Engineering, waxaana jira arday kale oo dhigata isla Jaamacadaas oo dhameystay waxbarashadoodii, qalinjebintoodana ay dhici doonto bilaha na soo aadan haddii Rabi idmo. Warkan oo dhan...

Halkan ka akhri Warbixinta Qarlin hejinta


OGEYSIIS: Al-Ansar Annual Conference Mutamarka Sandiego: Safarka Daarta Aakhiro
The Journey to Hereafter
July 2nd, 3rd and 4th, 2010
Friday 2:30pm-10:00pm
Sat- Sun 2:00- 10:00pm

Guest Speakers

Somali
1. Sh. Mohamed Kaariye (Portland, OR)
2. Sh. Abdirisaq Haashi (MPLS, MN)
3. Sh. Abdullahi Nuur (MPLS, MN)
4. Sh. Khadar Jama (San Diego, CA)
5. Sh. Mohamed Khadar ( San Diego, CA)
6. Sh. Abdulkhaliq Jama (San Diego, CA)

English
1. Sh. Mohamed Al-Jibay ( San Diego, CA)
2. Sh. Mohamed Kaariye ( Portland, OR)

Crawford High School
4191 Colts Way
San Diego CA 92115
More Info Contact: Bashir (619)564-2526


Shir aqooneedkii ardayda soomaaliyeed ee jaamacada Wuhan ee dalka China

Maalintii sabtiga 12-ka June waxaa hoolka weyn ee jaamacada Wuhan kadhacay shir cilmiyeed balaaran oo ey qabteen ardayda soomaaliyeed ee jaamacada Wuhan, shirka ayaa waxaa kasoo qeybgalay maamulka sare ee jaamacada wuhan, professors jaamacada wax kadhiga iyo marti sharaf kale oo aad ubadan.

Shirkan oo sanadle ah ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay oo ey qabtaan ardayda ajaanibta ah oo wax kabarata jaamacada wuhan, wuxuuna sidoo kale noqonayaa nuucii ugu horeeyay oo ey sameeyaan ardayda soomaaliyeed ee guud ahaan dalka China, shirkan wuxuu gabi ahaanba kaduwanaa xafladaha ey ardayda horay uqabsanjireen oo inta badana looga hadli jiray arima-hoosaad si gaar ah uquseeyo ardayda, balse shirkan ayaa waxaa lagusoo bandhigay barnaamijyo aad loosoo diyaariyay oo taabanayay dhinacya badan oo waxtar u leh guud ahaan bulshada soomaaliyeed.

Maamule kuxigeenka jaamacada Wuhan oo goobta kahadlay ayaa aad u amaanay ardayda soomaalida ah, wuxuu sheegay in ey aad ugu faraxsanyihiin nidaamka iyo kala dambeynta ey leeyihiin.

prof. dai oo kamida barafisoorada ugu waaweyn jaamacada ayaa goobta kahadlay, professor-ka wuxuu kahadlay mowduuca cinwaankiisu ahaa “Ardayga caafimaadka barta siduu kunoqon karaa mid dhinac waliba kadhisan” prof. dai ayaa aad uga mahad celiyay ardayda soomaaliyeed dadaalka balaaran ee ey galinayaan barnaamijyada waxtarka leh.

Dr.xuseen oo ah dhaqtar soomaaliyeed oo kusugan dalka china ayaa goobta kasoo jeediyay kalimad kubaxeysay afka shiineeska, wuxuuna si wadajir ah ugu mahadceliyay ardayda iyo maamulka jaamacada.

Gudoomiyaha ardayda soomaaliyeed ee jaamacada Wuhan Axmad Cumar ayaa asagana goobta kasoo jeediyay khudbad dhinacya badan taabaneysay asagoo uga mahadceliyay maamulka iyo macalimiinta jaamacada taageerada hagar la’aanta ah ee ey ardayda siiyaan.
Waxaa sidoo kale goobta kahadlay qaar kamida hogaanka ardayda oo ey kamid ahaayeen gudoomiye kuxigeenka Jamaal Aadan oo kahadlay “muhimada waxbarashada” iyo madaxa arimaha waxbarashada iyo wacyigalinta Axmed Caadle (xalaal) oo asagana kahadlay “kaalinta da’yarta kaga aadan bulshada”.

Barnaamijyo aad usoo jiitay kasoo qeybgalayaasha ayey soo bandhigeen ardayda sida wareysiyo iyo warbixino macna badan xambaarsanaa, kalimaad lasoo diyaariyay iyo bandhigyo lasoo turxaan bixiyay.

Waxaa dareenka maamulka iyo macalimiinta soo jiitay markii ey hogaanka ardayda uyeereen qaar kamida barafasoorada jaamacada si ey u gudoonsiiyaan hadiyado iyo shahaado sharaf, macalimiinta ayaa waxey sheegeen in arintaa ey kunoqotay filawaa, waxeyna u mahadceliyeen ardayda, sidoo kale waxaa bilado la gudoonsiiyay qaar kamida ardayda.
Marki uu dhamaaday shirka ayaa ardayda oo idil waxey si wadajir ah ugasoo wada casheeyeen mid kamida maqaayadaha muslimiinta kuwa ugu waaweyn guud ahaan dalka China, farxad ayaa laga dheehanayay dhamaan wijiyada kasoo qeybgalayaasha xaflada.
Barnaamijkan oo waayahan abaabulkiisa lagadareemayay guud ahaan jaamacada Wuhan ayaa wuxuu kusoo gabagaboobay guul iyo farxad.

axmad caadle
caadle2@hotmail.com


Magaalada Nairobi oo ay ka dhaceen qaraxyo geystay waxyeelooyin

Star FM. 14 06, 2010. Nairobi, Kenya.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka dhacey qarax ay dad ku dhinteen laba qof, tiro intaas si aad u baddana ay ku dhaawacmeen habeenimadii axada ee xaley, iyadoo uu ka dhacey beerta xoriyada Uhur Park ee kutaal magaalada Nairobi.

Markii uu qaraxu dhacayey ayaa beerta xoriyada waxaa ka socdey banaan bax looga soo horjeedo dastuurka qabyada ah ee lasoo bandhigey, waxaana soo qaban qaabiyey hoggaamiyayaal diin iyo siyaasiyiin, oo uu kamid yahay wasiirka tacliinta sare William Ruto, oo isagu si cad u sheegay inuu kasoo horjeedo dastuurka qabyada ah.

Keenyaanka ayaa aad ugga kala fikir duwan dastuurkan qabyada ah ee lasoo bandhigey dhawaanna loo qaadi doono aftida, iyadoo dadka qaarkii ay muujinayaan baqdin ah in dalkan gali karo qalalaase lamid ah kii dhacey doorashadii 2007-dii marka aftida dastuurka qabyada ah loo qaadayo bisha August.

Ammaanka dalka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo madaxweyne Mwai Kibaki uu shir deg deg ah isugu yeeray guddiga ammaanka, si ay isula jeex jeexaan arrintan uggu danbeeyey ee ah qaraxyada ka dhacey Nairobi.

Soomaalida ayaa dareen weyn durbadiiba qaadey, iyagoo wadnaha farta ku hayey oo ka walwal sanaa in dusha lagaga tuuro mas’uuliyadda qaraxa, waloow markii danbe ay taasi hoos u dhacdey, oo ay cadaatey in arrintan tahay mid u dhaxeysa Keenyaanka gudihiisa.

Waxaa ku dhaqan dalkan Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi Soomaali badan oo kasoo qaxdey Soomaaliya oo halkan usoo raad satey nabad gelyo iyo gabaad, in kastoo mararka qaar ay dhibaatooyin lasoo darsaan, taas oo loo aaneyn karo arrimaha Soomaaliya ka socda oo mar walba saameyn ku leh dadka halkan ku dhaqan.

Wabilaahi Towfiiq
Said Hassan Anteno /Nairobi, Kenya.
E-Mail: - saidanteno@hotmail.com


Kulan Dhaqaale loogu uruurinayay Dawlad Goboleedka Bartamaha Soomaaliya oo ka dhacay Birmigham - By:-Daahir F. Afdheere.

Kulankii ugu horeeyay oo dhaqaale loogu uruurinayo Dawlad gobaleedka bartamaha soomaaliya ayaa maalintii axadda 13 bishaan juun 2010ka ka dhacay magaalada birmingham.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Kulankaan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyay ayaa waxaa soo abaabulay oo gogasha fidiyay SADE EUROPEAN COMMUNITY (SECO) oo ah urur ay ku midaysan yihiin Jaaliyadda Qurba joogta ah ee beesha sade ee Birmingham, Kaasoo magaalada Birmingham looga dhawaaqay bishii maajo ee ina dhaaftey.

Waxaana ugu horeyntii halkaas ka hadlay oo shirka furay guddoomiyaha ururka SECO Cali jaamac Xuseen ( Cali dheere).

Waxaana goddoomiye Cali dheere uu mahadnaq usoo jeediyay dhamaan jaaliyadda beesha sade ee isugu timid kulankaas, intaas kadibna wuxuu guddoomiye Cali-dheere uu sharaaxaad ka bixiyay sababta loo aasaasay ururkaan SECO iyo tallaabooyinkii uu qaaday intii uu jiray.

Ururkaan wuxuu jiraa muddo bil ah ilaa hadda hurumarka aan gaarnay waxaa ka mid ah waxaa ugu wayn aqoonsi aan ka helnay dawladda ingiriiska, waxaanse rajaynayaa inaan mardhaw guda galno hawlihii ama ujeedooyinkii loo aasaasay hadduu eebe idmo, ayuu cali dheere halkaas ka yiri.

Waxaan soo dhaweynaynaynaa oo ka qayb qaadanaynaa wax kasta oo ay ku jirto danta beesha sade, Sida kulankaan dhaqaale uruurinta ah ee maanta halkaan ka socdo, ayuu cali dheere markale yiri.

Waxaa isna halkaas wacdi diini ah ka soo jeediyay Sheekh Xasan Maxamed Xayle oo kamid ah culumaa,udiinka jaaliyadda sade ee birmigham isla markaana ahaa wakiilka beesha sade ee kulankaas.

Intaa kadib waxaa Mowliid Cabdiqaadir Faarax oo xiriirinay kulankaas uu ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Guddiga qabanqaabada Dawlad gobaleedka Bartamaha soomaaliya Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) waxaana ugu horeyntii uu gudoomiyahu amaan iyo mahadnaq usoo jeediyay dhamaan ka qayb galayaashii kulankaas, Khaasatan ururka SECO ee gogashaas Fidiyay.

Waxaa guddoomiye Maxamed Xaashi uu halkaas ka sheegay in ilaa hadda hurumar la gaaray oo la qaaday tallaabooyin wax ku ool ah.

Waxaanu sameynay magacii dawlad gobaleedka kaasoo ah DAWLAD GOBALEEDKA BARTAMAHA SOOMAALIYA (SOMALI CENTRAL STATE), Waxaanu sameynay guddi 57 xubnood ah, waxaanu sameynay xafiisyo, waxaa farxad iyo guulba ah in aan maanta ku guda jirno hawshii dhaqaale uruurinta ahayd ee ugu horeysay, waxaa kaliya oo noo haray inaan diyaarino guddigii aadi lahaa gudaha soomaaliya ayaa kamid ahaa hadalkii Maxamed xaashi halkaas ka yiri.

Intaas kadib waxaa gudoomiye Maxamed xaashi uu halkaas ka sheegay inuu balan-qaadayo waxqabad dhab ah intii karaankiisa ah uuna Kasoo dhalaali doono hawshaan culus see loo xilsaartey.

Iyadoo aan qoraal lagu soo wada koobi Karin waxyaabihii halkaas ka dhacay iyo dhamaan dadkii ka hadlayba, ayaa waxaa xusid mudan in kulankaan dhaqaala uruurinta ah ay ka soo baxeen natiijooyin wax ku ool ah kaasoo ah:- in jaaliyaddii ka qayb gashey kulankaas ay ugu deeqeen dawlad gobaleedka bartamaha $33,000 kun oo dolarka mareykan ah, waxaa isla goobtaas ay jaaliyadda birmigham kaliya ay balanqaaday inay bixin doonto $50,000 kun oo dolarka mareykanka ah, waxaa kale la isku afgartey in hawshaan dhaqaale uruuririnta ah la balaariyo oo la gaarsiiyo dhamaan daafaha dunida.

Waxaa hawshaan dhaqaale uruurinta ah si khaas ah isugu Hawley oo kaalin libaax ka qaatey qaar ka mid ah culumaa,udiinka beesha sade ee jaaliyadda barmigham kuwaasoo kale ah:-

  • 1).Sheekh Cabdaraxmaan (Tajwiid ).
  • 2). Sheekh Maxamed Aadan.
  • 3). Sheekh Yaasiin Goonweyn.
  • 4). Sheekh Xasan Xayle.

Sidoo kale iyadoo aan qoraal lagu soo wada koobi Karin dhamaan wax garadkii, iyo aqoonyahanadii, cuqaydii, ka hadashey kulankaas iyo wixii ay ka yiraahdeen ayaa waxaa ka xusi karaa:-

  • 1). Dr. Xasan Cadde.
  • 2). Maxamed Cumar Cilmi (Dhagawayne).
  • 3).Malaaq Cali Cabdul Isxaaq.
  • 4).Cor.Axmed Cabdule Warsame (Biixi).
  • 5). Dr. Maxamed Jaamac.
  • 6). Gen; Xuseen Shuqul.
  • 7). Maxamed Oow Libaax.
  • 8). Cabduhaab Sheekh Maxamed Xaaji.
  • 9). Cabdulaahi aadan nuure ( Xuubeey).
  • 10). Aamino Cali Maxamed ( Carkoow).
  • 11). Cabdulaaahi Cabdisalaan Ashkir ( Garoon).
  • 12). Cabdixaafid Ciise Cabdi ( Cabdi-gahayr).
  • 13). Ismaaciil Cali naasir.
  • 14). Xaliimo Aadan Maxamed (Xaliimo Caddeey).
  • 15). Dr. Cabdiweli Xasan Maxamed.
  • 16). Khadiijo Abdi Xasan (Afrika).
  • 17). Safiyo Sh- Daahir Cabdi Geelle.
  • 18). Maxamed Xuseen Xirsi.
  • 19). Kayf Aadan Cilmi.
  • 20). Guuleed Cakood Jiijiile.
  • 21). Gini Cabdi Saytuun.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Daahir Faarax Afdheere.
Email:- gulan1969@yahoo.co.uk
Birmingham, United-kingdom.


Ajar iyo Xasanaad Haddii aad dooneyso ka qaybqaado Dayactir-ka Masjidka Al-Towba

Dadka soomaaliyeed ee ku nool Dalka Dibadiisa iyo Gudaha oo waqtiyadaan dambe looga bartay in ay is caawiyaan isla markaana ka qaybqaata in ay gacan ka geystaan dhismaha iyo Dayactirka sida Masaajidda , Qodida Ceelasha , Xarumaha Caafimaadka iyo Dugsiyada ayaa Culamaudiin haya maamulka Masjidka Al-Towba ee agagaarka Black Sea ee Magaalada Muqdisho waxay ka codsanayaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Gudahiisa iyo Dibadiisa in ay kala qaybqaataan dib u dhiska Masjidkaas oo Muuddo 40 sanno ku dhawaad dhisnaa ka dib markii uu soo dumey Saqafkii Masjidkaas oo ka sameysnaa Alwaax wuxuuna hadda bilaabey in uu soo daayo Biyaha Roobka waxayna sheegaan haddii aan si dhaqsi leh aan looga gaarin uu gabi ahaan dumi doono

Masjid oo dhowr kun markiiba ay ku tukan karaan ayaa mudooyinkaan dambe wuxuu waayey dayactir waxayna Culimada loo xil saarey dhismaha Masjidkaas ay sheegeen in markii hore damceen in u u gudbiyaan dadka la jaarka ah masjidkaas balse waxay sheegeen in ay Go’aansadeen ay ay u bandhigaan Bulshada Ilaah wax siiyey si ay helaan Ajar iyo xasnaad aan dhamaaneyn inta uu dhisan yahay Masjidkaas waxayna ku soo gabagabeeyeen Oraahdii Macaaneed ee ahayd (Naftaada ka qaad oo Naftaada u Qaad)

Haddaba ciddi dooneysa in ay qayqaadato Dayactirka Masjidkaas ama dooneysa Ajar iyo Xasanaad waxay Sadaqadaas ku soo hagaajin karaan Account-Number oo ku kala yaal Shirkadaha Dahab-Shiil iyo Qaran oo kala ah

Dahabshiil 0005883 Qaran 1601

Gudiga Culimada ee loo xilsaarey Dayayactirka Masjidkaas waxay kala yihiin

  • Macalin Nuur Cabdi Cali
  • Shiikh Aadan Ibraahim Cabdi
  • Shiikh Cabdule Hiraabe Maxamed
  • Shiikh Cabdi Cilmi Ceymooy
  • Shiikh Cabduqaadir Xaaji Maxamuud

Haddii aad dooneyso Faahfaahin intaas dheer kala soo xiriir

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 0025265532494


Wasiirka Warfaafinta Puntland oo la kulmi doonaa Jaaliyadda reer-Puntland ee Ottawa, Canada

Ururka Gollaha Qurbajoogta Puntland (Puntland Diaspora Forum) wuxuu dhamaan jaaliyadda reer Puntland ee Ottawa ku casumayaa kulan lala yeelan doono Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqanka ee Puntland Mudane: Cabdixakiim Axmed Guleed
Jimce, 18 June, 2010
6-8 pm
Heron Community Centre
1480 Heron Rd
Wixii faahfaahin ah fadlan nagala soo xidhiidha:
puntlanddiasporaforum@gmail.com


Bandow lagu soo rogay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kadib markii…

Iyadoo waayadan ay dagaalo ka jireen deegaano ka tirsan Gobalka Galguduud ayaa Culima’udiinka Ahlusunna Waljameeca ee ku sugan deegaanka Guriceel waxay bandow ku soo rogeen deegaankaasi kadib markii hayeen hore guri uu ka degan yahay Degmada Guriceel Guddoomiyaha fulinta ee Ahlusunna Waljameeca Max’ed Yuusuf Xeefo lagu tuuray Bam, inkastoo la sheegay in Bamkaasi uusan geysan wax khasaaro.

Bandowgaan ayaa socon doona fiidkii ilaa waabaragii ayaa dadka qaar sheegeen in bandowgaasi uu dhibaato ku yahay marka loo fiiriyo ganacsigooda, waxayna codsadeen in laga laabto go’aankaasi iyadoo hawlgal ay sameeyeen ciidamo ka tirsan ahlusunna Waljameeca ay ku soo qabqabteen dhowr qof oo la sheegay in looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen qaraxaasi.

Degmada Guriceel oo ka mid ah saldhigyada waaweyn ee Ururka Ahlusunna Waljameeca ayaa deegaano ku dhow dhow Guriceel waxay dagaalo qaraar ku dhex mareen Ciidamada Ahlusunna Waljameeca iyo kuwa Shabaabul Mujaahidiin, waxaana la sheegay in dagaaladaasi labada dhinac ay ka soo gaareen khasaarooyin mana muuqato wax xal ah oo ku aadan sidii loo joojin lahaa dagaaladaasi.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku hub uruursanayaan iyadoo deegaano ka tirsan gobolkaasi ay ka barakaceen dad fara badan oo u cararay deegaano ay kaga badbaadi karaan hubka la isweydaarsanayo.

Amiin Yuusuf Khasaaro
Amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com / June 15, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS