SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

50 Sano kaddib oo Hargeysa markale loogu baaqay in ay hormuud ka noqoto Midnimada Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed

"isku daygii ay Somaliland ku raadinaysay aqoonsiga waa lagu guul daraystay, waxaa sidoo kale lagu guul daraystay isku daygii in la askumo dawlad dhexe oo ka jirta Muqdisho, sidaas daraadeed maxaa hadda inaga hor taagan in aan isku dayno hab fikir cusub oo ah in aan Qarankii Soomaaliya ka soo askuno ama asaaskiisa ka soo dhisno Hargeysa." prof. Afyare...

"Haddii dadka Woqooyiga Soomaaliya ay hoggaamiyaan maamulka dhammaan dalka oo dhan, waxay haystaan fursad aad u weyn oo ay arrintaas ku samayn karaan." prof. Cabdi Samatar...

"Soomaaliya waa in ay ahaato hal wadan ugu dambaynta" Ranneberger, Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi...

Allah ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa laga soo xigtey intii uu noolaa in uu yiri: "Sida Wedkiisa u hubo in uu u hubo in ay isku imanayaan Koonfurta iyo Woqooyiga Goboladii la isku oran jirey, mar ay noqotaba'

"marna laga hadlin in Muqdisho lagala wareego xurmadii caasumad nimo, laakiin xitaa haddii taas la qaato ma aha arrin laga argagaxo ama lala yaabo" Dr. Guutaale la Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFKMG

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | June 26, 2010 | VIDEO-ga hoos ka daawo

1961 ayaa lasharciyeey midnimadii labadii qaybood ee Soomaaliya markaas xorta kanoqotay.

Barnaamij June 24, 2010 uu baahiyey Telefishanka Aljazeera, qaybta Afka Ingriisiga, ayaa waxaa looga hadlay midnimada Soomaaliyeed, doorashada Somalilanad, iyo in xisbiga ku guulaysta doorashadaas ay la gudboon tahay inuu hoggaamiyo nabbada iyo midnimada guud ahaan Soomaaliya. Waxaana barnamijkaas doodda ahaa ka qayb qaatay Prof. Cabdi Samatar, Prof. Afyare Cilmi  iyo Maxamed Cabdullaahi Cumar.


Maxamed Cumar (bidix), Afyare Cilmi (Dhexda) iyo Cabdi Samatar (midig)

Weriyaha Aljazeera ayaa ugu horayn su'aal oo ahayd "sidee beesha caalamku u arkaan doorashada Somaliland iyo in ay tilmaan u tahay in gobolka loo aqoonsado dal" waxa uu weydiiyey Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ku sugan magaalada Hargeysa. Waxana jawaabtiisii ka mid ahaa: "Tani waa doorashadii labaad oo dimoqraadi ah oo lagu qabto Somaliland, beesha caalamkuna waa taageerayaan in Somaliland lagu qabto doorasho xor ah."

Cabdi Samatar oo ah Professor wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota oo ka jawaabayey isla su'aashaas ahayd Doorashadan Somaliland ma dhici kartaa in beesha caalamku u arkaan in ay diyaar u tahay in la aqoonsado waxa uu ku jawaabay:

"Ugu horayn waxaa aad muhiim u ah in la tilmaamo in Jamhuuriyadda Soomaaliya ah ay hore uga dhaceen doorashooyin/codbixinno ku dhacday si dimoqraadiyad ah oo aad uga horeysey Afrikaanka kale, sidaas daraadeed ma aha markii ugu horeysey ee gobol Soomaaliyeed ay ka dhacdo codbixin dimoqraadiyad ah, taas waa arrinta ugu horeeya oo ay tahay in la tilmaamo si taariikhda loo toosiyo. 1960, 1964, 1967, iyo 1969 waxaa dhacay afar doorasho oo xiriir ah, nooc doorasho oo ku xigtey taas oo ka dhacday Afrika oo lagu bedelo dawlad waxay dhacday muddo ku dhaw 25 sano kaddib, taas oo ahayd doorashadii Zambia ee xilka lagaga bedeley Kenneth Kaunda (1991). Taasi waa arrin ay tahay in la tilmaamo si taariikhda loo saxo," ayuu yiri.

Prof. Samatar oo hadalkii sii watey waxa uu yiri: "Arrinta kale oo ay tahay in la tilmaamo waxa weeye, Jamhuuriyadda loogu yeero Somaliland ee ah Woqooyiga Soomaaliya, oo ah meesha aan anigu ka soo jeedo, kama jiraan wax sidaas u sii buuran oo ah dood-furan (ama debate dadku ka qayb galayaan) oo ku saabsan mustaqbalka dalkaas. Dadka sida aniga oo kale ah, oo ka soo ka yimid halkaas, ma awoodno in aan aadno Hargeysa iyo meelo kaleba si aan arrinta si dimoqraadiyad ah ugala doodno, waxa ka jiraa waa dimoqraadiyad la xakameeyey oo cidda keliya ee loo ogolyahay in ay arrimahaan ka hadlaan waa  kuwa taageera xukuumad gaar ah ama mashruuc gaar ah."

Arrinta aan u jeednaa ma tahay dimoqraadiyad dhab ah, ayaa Aljazeera weydiisey Afyare Cilmi oo ah Professor wax ka dhiga Jaamacadda Qatar, waxana uu ku jawaabay:

"Ugu horayn aan eegno "sidee dal loo aqoonsadaa": Marka aan ka hadlayno aqoonsi qaran (ama dal) marka la eego habka farsamo ee hab siyaasadeedka aan ku jiro, sida ay ku dhici karto waa laba arrimood: Marka koowaad: waa in dawlad aad u xoog weyn (super power) ay u ololaynayso arrintaas. Taasi hadda kama jirto Somaliland. Sababtoo ah Maraykanku arrinta waxa uu dib ugu celiyey Midowga Afrika (AU), islamarkaasna Midowga Afrika wax xiiso ah uma hayaan in ay furaan dooddan sababtoo aah Afrika waxaa ka jira dhibaatooyin aad u farabadan oo la xiriira xagga xuduudahii ay ka tageen Gumaystayaashii sannadihii lixdamaadkii (1960-maadkii). Taasi waa xaqiiqada hor taal Somaliland, arrintu ma aha waxa ay iyagu sameeyaan ee waa waxa waaqiciga ah ee jira. Qodobka labaad: waa in aan waxba iska bedeli karin Soomaaliya ayadoo aan taageero laga haysan Muqdisho, mana jiro qof ka tirsan Dawladda Federaalka ku meelgaarka ee hadda ama mid kale oo ka qayb qaadanaya ama fududaynaysa in la aqoonsado Somaliland. Sidaas daraadeed si kasta iyo waxkasta oo ay gaareen waxaa adag in Somaliland ay hesho aqoonsiga ay raadineyso," ayuu yiri. (Hoos waxaan ku arki doonaa Mowqfika Maraykanka ee Midnimada Soomaaliya.)

Prof. Cilmi oo hadalkiisii sii watey waxa uu yiri: "Sidaas daraadeed waxaa la soo gaarey waqtigii arrimaha inta dib loo eego markale la bedeli lahaa yoolka ama jaaha, waayo isku daygii ay Somaliland ku raadinaysay aqoonsiga waa lagu guul daraystay, waxaa sidoo kale lagu guul daraystay isku daygii in la askumo dawlad dhexe oo ka jirta Muqdisho, sidaas daraadeed maxaa hadda inaga hor taagan in aan isku dayno hab fikir cusub oo ah in aan Qarankii Soomaaliya ka soo askuno ama asaaskiisa ka soo dhisno Hargeysa."

Maxamed C/laahi Cumar ayaa yiri: "Go'itaankii Somaliland waxa uu ku salaysnaa doorasho dadka cod bixin la weydiiyey, taas oo badanaa dadka ku dhaqan Somaliland waxay doorteen in ay ka xoroobaan Soomaaliya, kaddib markii 1991 oo burburay dalkii Soomaaliya." Waxana uu intaas raaciyey "Xaqiiqo ahaan midnimadii Soomaaliya iyo Somaliland (ee 1960) weligeed lama ansixin, mana aysan saxiixin labada dhinac."

Prof. Samatar oo arrintaas ka jawaabayey ayaa yiri: Meeshaan waxa jira laba arrimood, ugu horayn run ma aha in aan la saxiixin midnimadii Soomaaliya. Midnimadii waa la saxiixay, waxaana u codeeyey baarlamaankii Soomaaliya, baarlamaankaas oo si dimoqraadiyad ah ay dadka Soomaaliyeed uga soo doorteen dhammaan cirifyada Soomaaliya kaddib markii ay xoroobeen labadii gobol ee Soomaaliyeed. Arrinta labaad oo ay tahay in la xuso waa in dadka gobolka Woqooyi ee dimoqraadiga ah iyo dadka gobolka Koonfureed ee dimoqraadiga ah ayadoo aysan jirin wax cabsi ah oo ay qabeen ayey waxay u dareereen 1961 in ay u codeeyaan Dastuurka, kaas oo qeexayey qaabka ay ahaanayso Midnimada Soomaaliya, in taas la baab'iyo waa in markale ay labadii dad isu yimaadaan." Waxana uu hadalka ku xoojiyey in Dastuurkii 1961 uu yahay kaan sharciga ah marka laga hadlayo midnimda Soomaaliya.

Prof. Samatar oo taageerayey fikradii Prof. Cilmi ayaa yiri: "Haddii dadka Woqooyigu ay hoggaamiyaan maamulka dhammaan dalka oo dhan, waxay haystaan fursad aad u weyn oo ay arrintaas ku samayn karaan."

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka jawaabayey hadalkii Maxamed C/laahi Cumar ee ku saabsanaa doorashii 1991, waxa uu Prof. Samatar yiri: "Tan loogu yeero doorashadii dhacday horaantii 1990-naadkii, waa in la ogaadaa waxaa jirey cabsi gelin aad u weyn oo dadka lagu cabsi gelinayey in ay sidaas u codeeyaan. Tusaale ahaan aniga oo ka soo jeeda dhanka Galbeed ee gobolkaas ma awoodi karo in aan gobolkaas tago oo si dimoqraadi ah ugala doodo. Sidaas daraadeed  waa madaxbannaani macmalay ah, oo ah khasab-jajuub oo la isboonsaray (it's fabricated coerced independent sponsored.) Sharciga jiraa waa Dastuurkii 1961.

Maxamed C/laahi Cumar waxa uu yiri: Prof. Samatar isagaa iska dhigay laaji-dibad joog ah, oo aan Somaliland tegin wax ka badan 30 sano. Taas Prof. Samatar waxa uu kaga jawaabey in ay been tahay arrintaas uu sheegay Mr. Cumar.

Maxamed C/laahi Cumar markii la hor dhigay arrinta hortaal dadka Soomaaliyeed in uu yahay dastuurkii ay iyaga oo xor ah doorteen 1961, ayuu markii ugu horeysey qiran in ay jiraan dad ku sugan Somaliland oo doonaya midnimada Soomaaliyeed, isagoo taas ka hadlayeyna waxa uu yiri: "Waxaa cad in ay jiraan dad doonaya in ay markale ku biraan midnimada Soomaaliya, taasina waa dood aan u dul qaadanayno."

Prof. Afyare Cilmi oo taageeraya fikirka Prof. Samatar ayaa yiri: Arrinta uu ka hadlay Maxamed C. Cumar ee ah in doorasho la qabtay, taas hore ayaa Somaliland u adeegsatey meelna ma gaarsiin. Waxaan u baahanahay waa in aan dib u eegno dhaammaan arrinta guud ee Soomaaliya, oo aan eegno waxa aan samayn karno. Tani waa fursad haddii doorashadani ku dhacdo si caddaalad ah oo xor ah oo nabad ah, markaas xisbigii guulaysta uu dib u eego xaaladda guud ee Soomaaliya oo markaas nabadda laga soo bilaabo halkaas.

Prof. Cilmi waxa uu yiri: "Macne ma samaynayo haddii ay jiraan kun-iyo-kow (1001) sababood oo Somaliland ku doonayso in ay go'do ama aysan go'in, Sababtoo ah beesha caalamku waxa ay siiyeen nalka casaanka oo ku saabsan in aysan doonayn in ay aqbalaan aqoonsi sidey doonto ha ahaatee."

  • Doodda TV-ga oo inta qormada sare ku xusan aad uga dheer iyo warbixin ku saabsan weriyaha Aljazeera oo booqday Hargeysa, waxaad ka daawan kartaa Video-ga hoose.  Balse marka hore aan eegno hadalkii Safiirka USA ee Nairobi ka yiri Soomaaliya iyo qodob ku saabsan caasumadda Soomaaliya iyo taariikh kooban oo ku saabsan 5-ta Soomaaliya iyo wixii uu ka jiri Dr. Raabeh iyo hadalkii Marxuum Cigaal ee ahaa in ay markale isu iman doonaan Woqooyi iyo Koonfur Soomaaliya.

Mowqifka Maraykanka ee ku aadan Soomaaliya

Dawladda Maraykanka ayaa caddaysay mowqifkeeda Arrimaha qadiyada midnimada Soomaaliya. Waxay ahayd May 4, 2010 markii Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi, isla markaasna Maraykanka u qaabilsan Arrimaah Soomaaliya, Ambassador Michael E. Ranneberger, uu magaalada Minneapolis kula kulmay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed, una caddeeyey mowqifka Maraykanku ka taagan yahay qadiyadda Soomaaliyeed waxa uu yiri: "Mucaawino waan siinaa Somaliland iyo Puntland, laakiin waxaan doonaynaa arrinta muhiimadda ugu weyn aan siino waa Dawladda Federaalka kumeelgaarka ah. Soomaaliya waa in ay ahaato hal wadan ugu dambaynta." Isagoo arrintaas ka sii hadlayey Safiirku waxa uu sheegay in uu dhawaan la kulmay Faroole, islamarkaasna uu xaqiijinayo in Puntland ay la shaqayso Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ka hor inta aanaan wax badan ku darsan, waayo, ayuu yiri si wanaagsan ulama shaqayn Dawlada Federaalka Kumeelgaarka ah, laakiin waxaan diyaar u nahay in aan wax dheeraad ah la qabano aagga sida Puntland haddii ay la shaqeeyaan Dawladda Fededraalka kumeelgaarka ah." (Dhegeyso).

Muqdisho haddii Caasumadda laga wareejiyo

Dr. Cabdiqaadir Cabdi Guutaale oo ah la Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFKMG oo Jabuuti u tegey Xeerka (Charter) Cusub ee loo samaynayo Magaalada Muqdisho oo ay SomaliTalk.com June 22, 2010  weydiisey su'aal la xiriirta Caasumadnimada Muqdisho in ay kaga hadleen xeerka cusub waxa uu ku jawaabay:

"Muqdisho Caasumadnimadeeda marna dood lagama keenin, marna lagama hadlin Muqdisho ma noqon kartaa Caasumadii dalka mase ma noqon karto. Marar waxaa jirtey in la yiraahdo laguma shaqayn karo hadda xaaladda ay ku jirto darteed, oo la yiraahdo ama baydhabo hala tago ama Jawhar, magaalooyin kalena waa la soo jeediyey, laakiin marna laga hadlin in Muqdisho lagala wareego xurmadii caasumad nimo, laakiin xitaa haddii taas la qaato ma aha arrin laga argagaxo ama lala yaabo. Caasumaddu waxa keliya oo ay tahay waa fadhigii dawladda. Fadhiga dawladda meel kale hala geeyo dhibaato lam aaha dadka. Adduunkun amaraxalado uu soo maray weeye. Waxa ajirta magaalo l ayiraahdo caasuamdii ganacsiga oo la yiraahdo waxay horumar tahay dalka iyo magaalo xarun u ah xukuumadda," ayuu yiri.

"Magaalada marka haddii siyaasaddii ay noqoto dheri dhagax kulul oo aan gacanta lagu haynkarin, haddii markaas dadka muqdisho ay go'aansadaan oo yiraahdaan bahasha meel kale hala aado in ay maslaxadeeda sidaas tahay ayaaba suurta gal ah," ayuu yiri Dr. Guutaale. (Dhegeyso)

Halkaas waxaa ka soo baxaya dood furan oo sida ay sheegeen labada Professor salka ku haysa "si cilmiyaysan ma uga wada hadalnaa in Hargeysa ay markale hormuud u noqoto dadka Soomaaliyeed oo mid ah."

Somalia

Taariikh Kooban:

  • 1889 Ayaa boqortooyadii Ingiriiska waxay Woqooyiga Soomaaliya ka dhigtay maxmiyad ay gumaysato oo ay ugu yeertay Somaliland.

  • 1894 ayaa heshiiska loo yaqaan Saddex-Geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

  • 1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

  • 1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

  • 1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

  • 1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii Talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

  • 1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Soomaali-Galbeed) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

  • 1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. Bishii  July 1deedii isla sanadkaas 1960 ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

  • 1961 ayaa lasharciyeey midnimadii labadii qaybood ee Soomaaliya markaas xorta kanoqotay. (Act of Union, Law No. 5 of January 31, 1961)

Halkaas waxaa ka cad sida Gumaystayaashii ay Soomaaliya ugu kala qaybiyeen 5 qaybood, waxaa 1960 xoroobey laba qaybood (qaybtii Ingriisku gumaysan jirey British Somaliland iyo qaybtii talyaanigu gumaysan jirey Italian Somaliland) labadaas qaybood oo midoobey, xilligaasna fahmay xadka uu gumaysigu dhigay in aan lagu kala qaybin karin dadka Soomaaliyeed ee wadaaga wax kasta. Waxaana 1961 la lasharciyeey midnimadii labadii qaybood ee Soomaaliya markaas xorta kanoqotay. Waxaa gumaysigii ku sii haray saddex qaybood oo markii dambe ay Jabuuti xornimo ka qaataday faransiiska June 27, 1977. Sidaas ayaa waxaa weli gumaysiga ugu jira NFD oo Kenya haysato iyo Soomaali-Galbeed oo Itoobiya loo gacan geliyey welina u dagaalama xornimo.

5-tii Soomaali waa dahsoontay ee ma lumin

SomaliTalk.com oo magaalada Jabuuti waraysi kula yeelatay Dr. Cumar Cusmaan Raabeh oo ah Taariikh-yana Soomaaliyeed oo ka jawaabayey su'aal ahayd "ma isleedahay eraygii ahaa shantii Soomaali waa laga baxay oo waa lumay oo waa laga soo guurey" ayaa wuxuu ku jawaabay "MAYA. Wuu dahsoomay, wuu dedmey ee ma lumi karo ilaa ummadda Soomaaliyeed ay lunto, shanta Soomaaliyeed ma lumi karto, sidee u lumi kartaa," ayuu yiri.

Dr. Raabeh oo hadalkiisii sii watay waxa uu yiri: "(5-tii Soomaali) MA LUMI KARTO, ilaa la ina waayo ma ahine ma lumi karto, laakiin duruuf ayaa keeni karta oo daboosha oo culays gaar ah saarta sida tan imminka oo kale. Markaan si xarfad ah ayaa loo qabtay Soomaalida, si aaanay qaranimo u xasuusan qabaa'il ayaa la isugu diray, labada qabiil isku haysayta ma iyagaa qaran xasuusanaya, xaagay ka xasuusanayaan. Waa in ay horta is daayaan, kolka ay is daayaan ayaa qaranimadu soo noqonaysaa, waa is deynayaan, marka nabadu timaado ayaa qaranimadu soo noqonaysaa oo noloshu soo noqonaysaa oo sharaftu soo noqonaysaa, oo awooddu soo noqonaysaa." (Dhegeyso)

Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Allah ha u naxariistee, oo noqday ra'iisul wasaarihii Soomaaliya, xorriyaddii kaddib (koowaad: 26 Jun 1960 - 12 Jul 1960) iyo (Afraad: 15 Jul 1967 - 1 Nov 1969), isla markaasna noqday madaxweynaha Somaliland (May 16, 1993 May 3, 2002) ka hor intuu uusan geeriyoon waxa uu sheegay "Sida Wedkiisa u hubo in uu u hubo in ay isku imanayaan Koonfurta iyo Woqooyiga Goboladii la isku oran jirey, mar ay noqotaba".

Maanta waa June 26, 2010. Xorriyaddii Soomaaliya waxaa ka soo wareegtey 50 sano (June 26, 1960), waxaana markale ay professoradu (Samatar iyo Cilmi) ugu baaqeen Hargeysa in ay hurmuud u noqoto midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed oo dhan (ka daawo video-ga).

Hoos ka daawo Video-ga:

ama ka daawo halkan: http://www.youtube.com/watch?v=w4UhZZQNrw4

Fikirkaaga Toos ugu dhiibo halkan: Fadlan ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxa...

  • Hadalkii marxuum Cigaal [Allah ha u naxariistee] ee ahaa Koonfurta iyo Woqooyigu Mar uun ayey Midoobi doonaan...

    riyaale rayaale daahir somalilandegal cigaalWaraysi uu qaaday Maxamed Xaaji Xuseen oo ka tirsan Idaacadda Codka Maraykanka, December 25, 2007, oo uu la yeeshay madaxweynaha Maamulka Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin ayuu weydiiyey su'aal ahayd: "Waxaa jira hadal Allah ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal hore uu u sheegay oo ahaa 'Sida Wedkiisa u hubo in uu u hubo in ay isku imanayaan Koonfurta iyo Woqooyiga Goboladii la isku oran jirey, mar ay noqotaba', taas ma aaminsan tahayadigu." Waxa uu Daahir Riyaale ku jawaabey: "Anigu qeybka kama waramo laakiin Somaliland waxay aaminsan tahay in ay gooni isu taagto taas ayaana ku shaqaynayaa, laakiin qeybka in aan ka waramo ma aha oo hawl ii taal ma aha." Weriyuhu waxa kale oo uu weydiiyey "Marnaba ma laga yaabaa, 17 sano waa wax dheer oo ay Soomaalidu kala maqnayd, haddii wanaag uu dhaco oo dadkii Soomaalida ee Koonfurtu ay heshiiyaan, in aad is tiraahdo Allaylehe Somaliland iyo Koonfurtii Soomaalidu ma kala maarmaan ee markale ha walaaloobaan." Riyaale waxa uuku waabey: "Anigu horta madaxweyne markaan ahay la doortay go'aanka ummadda ayaan ku shaqeeyaa, laakiin go'aan aan leeyahay kuma shaqeeyo oo keligay go'aan qaadan maayo, markaa go'aanka ummadda ayey u taalaa, go'aanka ummaadda oo bedesha mooyaane wax anigu aan bedelaayo ma jiro hadduu Ilaahay yiraahdo."

    Halkan ka Dhegeyso Waraysiga Riyaale ama Halkan (MP3)

Fikirkaaga Toos ugu dhiibo halkan: Fadlan ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxa...

Faafin: SomaliTalk.com / June 26, 2010

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS