Taariikh Kooban: Geeska Afrika
1,500 BC Fircoonkii laoranjirey Seankhane Menthuhoteps IV ee
Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo
aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."
7-900 AD Carab iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay
jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.
1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians
isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis
ah [Portugese musketeers].
1889 Kadib markii ay heshiis galeen Suldaano iyo Ingiriiska
ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite
Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo
Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa
lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey
Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu
qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada
Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo Ethiopia.
May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa,
kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu
gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.
1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee
Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.
1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL
[Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey
Soomaalida cusub.
1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey
ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.
1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area
(Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.
1960 bishii June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii
Ingiriiska. bishii July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu
Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
Somalia-Ethiopia-Kenya
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo
ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan
oo Soomaaliya leedahay suntaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan
Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah
7/1960:
Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen
ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda,
Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu
NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD.
13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo
rogtey xaalad degdega.
1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo
Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .
4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay
Soomaaliya iyo Itoobiya
10/15/1959:
Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya,
oo safar kumaraya Gobolada dalka.
21 Oct
1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey
Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee
Soomaaliya iyo Itoobiya.
July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka
Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay
dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali
iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa
cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo
UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya
siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo
qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya
waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u
dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in
lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo
dhanka ahayd (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u
qababsatay Somali
galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978.
Reference: Somalia History