Hay’adda CDHR oo u qabatay siminaar qaybaha kala duwan ee Bulshada
Sawirada oo dhan halkan ka daawo
Siminaar mudo saddex maalmood u
socday qaybaha kala duwan ee bulshada sida Warbaahinta, Ardayda Jaamacadaha,
Odoyaasha Dhaqanka, Dhallinyarada iyo Haweenka ayaa lagu soo gebagabeeyey Hotel
Saxafi Two ee Magaalada Muqdisho, waxaana siminaarkaasi lagu baranayay
waxyaabaha kiciya colaadaha iyo sida loo xaliyo, waxaana isku soo dubariday
Hay’adda CENTER FOR DEMOCRACY AND HUMAN RIGHTS (CDHR) waxaana dhinaca dhaqaalaha
ka kaalmeeyey hay’adda NATIONAL ENDOWMENT FOR DEMOCRACY.
Siminaarkaan intii uu socday waxaa cashiro ka bixinayay Ustaad Xirsi Xaaji
Culusow, waxa uuna ku dheeraaday mudaddaa saddexda maalmood ah qaabka lagu xalin
karo khilaafaadka iyo waxyaabaha keeni kara in colaado abuurmaan, waxa uuna
sheegay in dhibaatada Soomaaliya ka taagan ay inteeda badan tahay mid dano gaar
ah ay huwan yihiin iyadoo meesha ay ka maqan tahay wixii dhabta ahaa ee loo
dagaalamayay.
Intii uu siminaarka socday ayaa waxaa ka qaybgalayaashii dhex-martay dood aad u
dheereed, kuwaas oo si aad ah u lafaguray, waxyaaba keena xasaradaha iyo sida
loo xalin karo, xubnihii ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa Ustaad Cabdalla Macallin
Max’ed oo isna sheegay in dhibtaada Soomaaliya ka taagan haatan ay tahay mid ka
maqan waxyaabihii loo dagaalamayay, ha noqo diin ama wax kale, waxa uuna sheegay
in dhibaatada looga bixi karo iyadoo meel la iska dhigo danta gaar ahaaneed
loona soo jeesto midda guud.
Basro Xuseen Daa’uud oo iyana ka socotey Hayadda ACCESS oo tababartka
fududeyneysey ayaa iyana ku dheeraatay falanqeynta sida loo xalin karo
dhibaatada Soomaaliya, waxayna sheegtay in shacabka looga baahan yahay in
dantooda gartaan.
C/Naasir Macallin Yuusuf oo ka mid ahaa xubnihii mas’uulka ka ahaa siminaarkaan
ayaa waxa uu sheegay in Hay’adda CENTER FOR DEMOCRACY AND HUMAN RIGHT ay qabatay
siminaaro fara badan, kana uu ka mid ah yahay siminaaradaas, waxa uuna ku
sheegay ujeedada siminaaradaan loo qabanayo ay tahay sidii loo heli lahaa dad u
bisil habka ka shaqeynta dowlad wanaaga iyo nabadda, waxa uuna sheegay in
siminaaro kale loo qaban doono qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa uuna
siminaarkaasi ku soo gebagaboobay sidii loogu talagalay.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2009 |