SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Munaasabad lagu xusayo mujaahidiintii ku shahiiday dagaalkii Itoobiya oo Axadii lagu qabtay xarunta Midowga Xisbiyada isbedel-doonka Islaamka Soomaaliya

Xaflad ballaaran oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Xisbiyada isbedel-doonka Soomaaliyeed ayna ka soo qeyb galeen madax ka tirsan ururrada uu ka kooban yahay Midowga, Aqoonyahanno, siyaasiyiin, waxgarad, culumaa’udiin iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Munaasabaddaasi oo lagu xusayay maalin loo asteeyay mujaahidiintii ku geeriyootay dagaaladii dalka ka dhacay, waxaana khudbad ku saabsan dhacdooyinkii dalka ka dhacay iyo isbedelada haatan dalka ka dhacaya si faahfaahsan uga hadlay Guddoomiye K/Xigeenka Midowga Xisbiga Jamhuuriga Soomaaliyeed, ahna shir guddoonka Midowga Xisbiyada isbedel-doonka Md. Cali Maxamed Nuux (Timo Jilic).

Waxa uu sheegay in dalka aanu marnaba u baahneyn ciidamo shisheeye oo la keeno, isla markaana loo baahan yahay in kuwa haatan jooga ee Amisom ay doonayaan in dalka ay ka baxaan, isagoona sheegay in xukuumadda midnimada Qaran ay ku ammaanan yihiin mowqifka ay iska taageen xaaladda dalka Soomaaliya iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka inay dalka ku maamuleyso.

Xafladda lagu weyneynayay waxaa ka soo qeyb galayaasha khudbad qiiro u jeediyay Gudd. K/Xigeenka Xisbiga isku xirka siyaasadda Soomaaliyeed Md. Cabdi Saciid Yuusuf, waxa uuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay muujiyaan isku duubni, wuxuuna caddeeyay in haddii aanay jirin isku xirnaan dhinaca shacabka ah aanay gaari doonin himilada horumarkooda.

“Anagu waxaan nahay dad Muslim ah oo 18-sano is dilaynay, ma aanaan arkin culumo ka socota caalamka oo na tiri war is daaya, nasiib darro manta waxaan aragnaa culumo ka timid dibadda” ayuu yiri Cali Timo Jilic oo nasiib darro ku tilmaamay in markii ay is qabsadeen Soomaalida iyo gaalada ay culumaa’udiinkaasi ay u xukmiyeen inay gar leeyihiin gaaladii.

Waxa uu sheegay in culumaa’udiinkaasi ay qaldan yihiin, balse ay xisaabtami doonaan aalinta qiyaamaha, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ku booriyay inay fahmaan damaca gaalada sida uu sheegay.

“Shacbiga Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inaysan ilaawin mujaahidiinta u dagaalameysa dalka, Islaamnimo kuwii ku dhinta Allaha naga yeelo” ayuu yiri Shir guddoonka Midowga Xisbiyada isbedel-doonka Islaamiga Soomaaliyeed.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com | March 30, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.