SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxa ka tirsan dowlada koonfur Afrika oo ka hadlay dilalka Soomaalida

Dowlada koonfur afrika si adag ayay ola tacaali doontaa loona dulqaadan maayo dhibaatada iyo dilka Soomaalida lagu hayo, ciddii lagu helo dambina waxaa la marin doonaa ciqaab adag, sidaasi waxaa yiri Feros Kachalia oo ah wasiir ka tirsan dowlada K/Afrika xilli isaga iyo barasaab gobol ay la kulmayeen ururka jaaliyada Soomaalida.


midix, Ugaas Qooqaani, wasiirka feeyruus, Dr Carte, iyo cali saciid

Madax dowladeed oo ay ka midyihiin barasaabka gobolka barwaaqo sooranka ah uguna weyn koonfur Afrika ee Gauteng Mr. Paul Mashatile iyo wasiirka abniga iyo badbaada dowlada goboleedka Gauteng Mr. Ferus kachalia ayaa kullan la qaatay mas’uuliyiinta ugu sareeya ururka matalada jaaliyada Soomaalida Koonfurta Afrika ee SASA.


barasaab Paul Mashatile iyo Dr Carte

Madaxda jaaliyada oo uu horkacaya Ugaas Maxamed Cabdi Diiriye, Cali Saciid Najjaar iyo Dr. Cabdullaahi Carte ayaa madaxda dowlada si adag ogala hadlay dhibaatada amaan darada ee Soomaalida ku heeysa dalkani iyo sida dowlada ay oga gaabisey wax ka qabashada.

Kullanka labbada dhinac wuxuu ka dhacay caasimada Pretoria maalintii sabtida, waxayna madaxda ballan qaadeen in ay dowlada wax kasta oo karaankeeda ah ka qaban doonto dhibaatada Soomaalida.


feeyruus oo kulanka ka hadlaya

Kullanka kadib Madaxda Jaaliyada waxa ay madaxda dowlada u raaceen goob qaddo sharaf loogu sameeyey madaxax ka tirsan xisbiga tallada haya halkaasi oo barasaabka Gauteng Paul Mashatile uu ka sheegey in istaraatiijiyada ANC ay tahay sidii loo heli lahaa qaarada Afrika oo nabdoon, barwaaqo ah isla markaasina dhibaatooyinkeeda xalisa, wuxuu soo hadal qaaday wadamo dhowr ah oo ay K/Afrika dhexdhexaadin ka gashay isla markaasina nabada ka gaartay, iminkana u toog heeyso in ay gacan ka geeysato dadaalo nabadeed oo laga waddo wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Qadada inta baddan waxaa lagu soo hadal qaaday siyaasada arrimaha dibbada ee dowlada, waxyaalihii laga hadlay ka mid ahaa fiiso ay dowlada u diidey hogaamiyaha ruuxiga ah ee qoowmiyada Tibet ee dal weynaha China, arrintaasi oo buuqweyn dalka ka dhalisey, madaxda waxa ay difaaceen go’aankaasi maadaamaa ninkaasi oo dowlad iskiis ah oo dalka China musaafuris oga maqan uu ku iman lahaa dalkani kana jeedin lahaa qudbado siyaasadeed oo uu Shiinaha u cambaareynayo, K/Afrika iyo Shiinaha waxaa ka dhaxeeya xariir wanaagsan.



madaxda dowlada oo wada fadhiya

Arrintani waxay kusoo aaday muddo uun yar kadib markii jaaliyada ay qoraal dhinacyo baddan taabanaya u gudbisey madaxtooyada dalka, iyo is kaashi la filayo in wasaarada arrimaha dibbada iyo jaaliyada dhexmara oo ku saabsan arrimaha Soomalaiya sida ay ii sheegeen saraakiil jaaliyada ka tirsan.


wasiirka oo la taagan madaxda soomaalida

Cabdinaasir Saxansoxo, Johannesburg

Faafin: SomaliTalk.com | March 29, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS