SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dr Cali Sheekh Axmed  Madaxa Jaamacaa Muqdisho oo muxaadaro u jeediyey ardayda Soomaliyeed ee Sudan 

Khartoum:-  Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Madax jaamcada Muqdisho Dr Cali Sheikh Axmed Abuubakar u qabtay Muxaadaro ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata dalka Suudan, kulankan ayaa waxa kasoo qayb gal boqaal ardayda wax kabarat jamacadaha kala duwan ee dalka Suudan  iyo weliba xubno katirsan jaaliyada Soomalida, iyo ganacsato. Kulanka oo ka dhacay hoolka jaamcada Africa ayaa Waxa soo qaban qaabiyey urur weynaha ardayda soomaliyeed ee Suudan,

Kalimadii soo dhaweynta oo uu soo jediyey madax arimaha dibada ee ururka mr Cali Mahdi kadib waxa maqaal ka hadlaya dhibaatda umadda soomaliyeed iyo meesha ay mareyso oo aad loogu bogay soo jeediyey mr Liiban Cabdi Cali oo ahaa xidhiidhiyihii kulankan, intaaskadibna waxa si toosa sheikh Cali Axmed u guda galay Muxaadaadiisii

Dr Cali Sheikh Axmed waxa uu kaga hadlay muxaadaradiisa qayba kamid ah waxyaalaha asaaska u ah horumarka iyo jiritaanka umaddaha, waxana uu ugu horey siiyey in umaddu ku adagtahay waxa ay aamin santahay iyo caqiidadeeda, waxana uu tilmaamy in mabaadi'da oo la aaminaa ay u baahan tahay in loo shaqeeyo laguna adkaado, waxan uu ku tilmaamy cilmiga inuu yahay furaha asaaska u ah horumarkasta, ardaydana waxa uu ku baraarujiyey sida ay muhiim u tahay waqtigan inay ku adkaadaan mabaadi'da ay amreyso Diintooodfa Islaamka,

Sheikh Cali waxa uu aad u tilaamy in sababta burburka weyn u keenay umada Soomaliya ay tahay cilmiyaraan, waxana uu yiri " waxa ugu weyn eee burburiyey dowladeenii waa jahli saameeyey dhamaan qaybeheedii ay ka koobneyd".

Qodobada uu tilmaamay sheikh cali ee asaska u ah horumarka umaddaha iyo jiritaankeeda waxa kamid ahaa In laga helo inay isu kaashadaan wanaaga, (Tacaawun), wuxuuna sheegayin horumarka reer galbeedku gaadhen uu ku yimi iskaashi ay bulshooyinkaasi sameeyeen marka lagu daro cilmi.

Intaa waxa dheer in uu ka hadlay dhanka tarbiyada iyo barbaarinta ubudka soo kacaya wuxuuna ku daray qodobada asaaska u ah horumarka (NAHDADA) iyo jiritaanka umaddaha, wuxuuna si aada u timaamy in xooga la saaro sidii dhalinta soo kocoyaa loo barbarin lahaa, (tarbiyada) arinkaas oo ah waxyaalah ay diinta Islaamku inoo ku yeedhay.

Muxaadradan oo ahayd mid aad u soo jidatay dhamaan ka soo qayb galyaashii ayaa waxa kadanbeye suaalo laweydiinayey dr Cali, ku waas oo ku saabsanaa dhan ka waxbarshada iyo horumarinta mujtamaca,

Ugu danbeyntii dadka iyana goobtaas kahadlay waxa kamid ahaa Sheikh Yaasiin Macalim Xasan oo ah madaxa isutaga ardayda Alislaax ee Sudaan iyo madaxa Ururka ardayda mr Axmed fure.

Dr. Cali Sheikh Axmed oo boqosha gaaban ku jooga dalka Suudan ayaa ah mid kamid ah asaasayaashii jamacada Muqdisho, wuxuna waxqabad weyn ka geystey waxbarashada soomaliaya,

Waxa xusid mudan in suudan ay wax kabartaan arday soomaliyeed oo ku dhow 3000, dhamaan takhsusyada kala duwan ee jamacada Suudan, barnaamijkani waxa uu kamid yahay kulmada iyo shirarka ay qabtaan ururka ardayda soomaliyeed ee sudaan, tobadadkan waxa gudihiisan waxa uu bilaabay tartan kubada cagtaha oo ay kaqaybgalyan 8 kooxood laguna taageerayo madaxweynaha dalka Suudan Cumar al bashiir.

Maxamed Siciid Faarx/Khartoum
Maxamed480@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.