Sheekh Cusmaan oo lagu wareejiyey Booliiska iyo Xaalka Boosaaso oo degan
Kadib rabshado ka dhashay sheikh si weyn looga yaqaanay maagalada bosaso oo
ay xireen ciidamada sirdoonka puntland ayaa Talaadadii magaalada bosaso waxaa
laga dareemay saamayntii rabshadihii horay u dhacay iyadoo ay hadana ganacsiga
magaaladu siweyn u kala socday.
Gudoomiyaha gobolka Bari Muuse Geele Yuusuf Faroole ayaa warbaahinta la hadlay
wuxuuna sheegay in amaanka magaalada bosaso yahay mid sugan isla markaana ay
baaritaano wadaan ciidamada amaanka waxana uu sheegay inay jiraan dad abuuraya
rabshado hor leh kuwaaso dano gaar ah wata.
Gudoomiyaha gobolka bari muuse geelle mar uu ka hadlay wadaadka shalay ay
xireen ciidamada PIS puntland ayaa sheegay in sheekh cismaan lagu wareegiyey
ciidamada policeka puntland isagoo ugu baaqayay dadka reer bosaso inay
isdejiyaan.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegey in wadaadka hada lagu hayo Saldhiga dekeda
ee magaalada Bosaso wuxuuna intaas ku daray inay Talaadadii sheekh cismaan
booqasho ugu tageen wadaadada magaalada bosaso xaaladiisa caafimaadna ay imin ka
wanaagsantahay.
Habeenimadii Talaadadu soo galaysay magaalada bosaso waxaa ku sugnaa ciidamo
tiro badnaa oo police ah ciidamadaas ayaa lagu weeraray bar kantarool oo ay
joogeen bambooyinka gacmaha lagu tuuro saraakiisha police ayaana arintaas
xaqiijiyey waxayna sheegeen in ciidamadii la weeraray waxba aanay soo gaarin .
Xalinta arintaas waxaa loo xil saaray gudi uu soo magacaabay madaxweyne
kuxigeenka puntland cabdisamad cali shire waxaana gudigaas ka mid ah wasiirada
amniga iyo arimaha gudaha.
Xiritaanka sheekh cusmaan ayaa waxay dhalisay inay dadka bosaso ka caroodaan
iyadoo hadana dadka mudaharaadka sameeyey uu wasiirka amniga ee puntland ku
tilmaamay kuwo dano gaar ah watay.
Xaalada amaan ee magaalada bosaso iminka waxay ku soo laaabteen wax walba
sidoodii.
cabdirisaaq xasan cabdi
cabdirisaaqjuba@hotmail.com
bosaso -somalia
Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2009