SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Rabshado Dhimasho Geystay oo Ka Dhacay Boosaaso kaddib markii  Ciidamada Sirdoonka Puntland (PIS) ay Xireen Sheekh Caan ka ah Boosaaso...

Maamul Goboleedka Puntland ayaa siyaabo Kala Gadisan uga Hadlay Rabshadihii Bosaaso.

Ciidamada Sirdoonka DGPL ayaa xiray Sheikh caan ka ah Boosaaso, taas oo dhalisay rabshado ay ku dhinteen dad.....

Mudharaad ayaa Galabnimadii Isniinta ka dhacay Bosaso, markii la xiray shiikh caan ah oo la yiraahdo Sh. Cismaan Maxamuud Shire, waxaaxan xiray Ciidmada PIS abaarihii 04:30 galabnimo, isla waqtigaasna waxaa la sheegay in uu geeriyooday mid ka mid ah askartii xooga ku kaxaysay sheekha, waxaana wararku tibaaxeen in askariga uu madax ka maray Baabuurta noooca qoryaha saaran yihiin oo leeyihiin askartu.



Markii xaaladu waa isbedeshay waxaana is qabsday dab iyo qiic markii la gubay taayiro, dhalin yaro yar yar ayaa gubayay taaiyada, waxaa ku dhaawacmay ilaa inta aan ogahay 5 qof oo ku jiro nin u shaqeeenayay shirkada isgaarsiineed.

Xukuumada C/raxmaan Faroole Hogaamiyo ayaa Maanta siyaabo kala Gadisan uga hadashay Rabshadihii ka dhacay Magaalada Ganasci ee Bosaaso, Masuuliyiin kala duwan ayaa Rabshadahaasi ka Hadlay kuwaasi, oo ay ka mid Yihiin Madaxwayne Xigeenka Puntland C/samad Cali Shire iyo Wasiirka Amniga Puntland Gen- C/laahi Siciid Samatar.



Hadii aan soo xigano Hadalkii Wasiirka Amaniga ee Puntland Gen- Samatar ayaa Kulan Wareed uu Qabtay Caawa waxa uu kaga hadlay Qul Qulatooyinkii dhacay Galabta, Wasiirka ayaa difaacay Ciidamada Puntland ee Hawlgalkaasi Fuliyay isaga oo si Cad u sheegay in wixii danbi Gala la Qabanayo isla markaan lala Xisaabtamayo.

Wasiirka ayaa muujiyey in Qabashadadii Wadaadka Wax Wayn maha Laakiin waxa ka sii xun sida wax u dhaceen iyo dadka Wadooyinka dhagaxaanta dhigay ismalaha Qabashada Wadaadka iyo Waxa dhacay dadka waxaasi Maleegaya ..

Wasiirka Amniga ee Puntland C/laahi Siciid Samatar ayaa dhaleeceeyay cid kasta oo ka Hor timaada Amarka Dawlada waxana uu Ku adkeeyay Carabka inay sii socondoonaan dadaalada ay wadaan Ciidamada Amaanku mar uu Arinkaasi ka Hadlayay Ayuu muujiyey in Qofka waa laga shakiyi Karaa oo Danbi inuu Galay Boolisku Su'aalo waa waydiinkaraan Laakiin maha in la Buun Buuniyo..


C/laahi Siciid Samatar waa ka Gaabsaday inuu Faah Faahin ka Bixiyo sababaha Wadaadkaasi loo xidhay isaga oo ku Cel Celiyay inay baadhayaan danbiyada Wadaadka loo Haytso, waxa uu ka digay inay ka Waantoobaan Shacabku Wax kasta oo Keenaya Qalalaasi iyo Foodo.


Dariiqyada oo dhagxaan lagu xiray

Dhanka kale Madaxwayne Xigeenka Puntland Gen. Cabdi Samad Cali Shire ayaa isna Saxaafada la hadlay isaga oo iska Fogeeyay inaanay waxba ka ogayn Rabshadahaasi iyo Meesha ay salka ku Hayaan Balse ay Maqleen uun inay Arinkaasi fuliyeen Ciidamada Sirdoonka ee loo Yaqaan PIS-ta.

Mr Cabdi Samad Cali SHire ayaa shacabka Bosaaso ugu Baaqay inay Xaalada Dejiyaan oo ay sidii Hore ku soo Celiyaan waxana uu si Qota dheer uga hadlay inay Jiraan dad doonaya inay Qas ka Abuuraan Puntland kuwaasi oo xun Buu Yiri AMaanka Puntland ilaahay Siiyay.

Madaxwayne Xigeenka Puntland ahna sii Haya xilka C/raxmaan Faroole ayaa Ciidamada Amaanka Ugu Baaqay inay dhaworaan shacabka oo ay ka ilaaliyaan wixii Naftooda Khatar Galin Kara.

Magaalada Bosaaso ayaa Mudo 3- Saacadood ah waxa ka dhacayay Rabshado Balaadhan kuwaasi oo Keeneen ka dib Markii ciidamada Sirdoonka PIS ay qabteen Wadaadka Caanka ah ee Sheekh Cismaan kaasi oo la sheegay in Puntland ku eedaysay inuu xidhiidh la Leeyahay kooxaha lagu sheego xag jirka, sida laga soo xigtay saraakiisha Amaanka ee Puntland.


Taayaro dariiqa lagu gubay..

Sheekh Cismaan Waxa uu ahaa wadaad iibiya dhirta laysku daaweeyo, dhamaan shacabka Magaalada Bosaaso ayaa Arinkaasi aad uga cadhooday iyaga oo Maamulka Puntland Ugu Baaqay inay Arinkaasi ka Waantoobaan.

Madaxweynaha DGPL ayaa bishan safar ku tegey Ethiopia, waxana uu Addis Ababa bishan Maarso 14keedii kula kulmay Meles Zenawi oo la sheegay in ay ka wada hadleen la dagaalanka waxa loo yeero argagaxisada.

W/Q Jaamac Feyte
Feyte37@hotmail.com
Bosaaso

LIFAAQ: Waxaa jira warar sheegaya in Sh. Cismaan laga wareejin doono PIS oo lagu wareejinayo booliska caadiga ah.

Sidoo kale Dhegeyso Waraysi Madaxweyne xigeenka Puntland siiyey SBC (SBC)

Sidoo kale Dhegeyso Hadalkii Wasiirka Aminga DGPL.... (Horseed)

Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS