SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

 Cabdiwaaxid Xaggee noo wadaa??

Eng. Ali A. Mohamud  
binisxaaq@yahoo.co.uk
 
Scotland - UK

Cali Bin Abii-daalib (RA) ayaa laga wariyaa inuu yiri dadku waxay u qaybsamo saddex qaybood: 1) Caalim rabbaani ah 2) Mutacallim (Daalibul cilmi ah) oo haya wadada saxda ah. 3) Hawtul-hamag (waxma garato oo sida cayayaanka ah), kuwaasoo iska raaca midkastoo dhawaaqa oo la weecda dabaylkasta, kuwanikuma meelmaraan nuurka cilmiga, tiir adagna ma haystaan1.

1.    Qolada hore waa culimada islaamka ee Ahlusunna wal Jamaaca ama Salafka loo yaqaan ee haya wadadii rasuulka (SAW) ee Ilaahay uu inagu amray inaan waydiino waxii aan diinta ka garanwayno. Waana kuwa uu rasuukku (SAW) inoo sheegay inuu ilaahay ummadiisa usoo saaro qarni walba kuwa diinta boorka uga jafa.

2.    Kooxda labaad waa qolo ku baraarugsan makaanada cilmiga iyo culimada sidaa darteedna waddada saxda ah haya, waa qolo wixii ay garan-waayaan Qur’aanka iyo Sunnada ula noqda ayagoo raacaya sidii Salafkii iyo jiilashii hore ay u fahmeen sidaa awgeedna waa kuwo badbaadsan.

3.    Qolada ugu dambaysa waa xaabo, waa qolo dhib badan waana qolada dadku u badan yahay. Waa qolada uu cali bin abii daalib ku mathaalay sida baalalayda yaryar ee dabyshu bitiso, waa qolo si sahlan la isaga duufsan karo. Culimadii hore aad aya uga hadleen. Imaam ibn Qayim al jawziayyah wuxuu yiri asagoo ka hadlaya kooxdan (waa kuwo la hoojiyay oo jeestay, Caalimna ma aha Mutacallim (waxbartana) ma ‘aha ee waa baalallay wax raac-raac badan)2

Dhallinyaradii yaryaryd ee aan helin waligeed fursal ay culimada ku horfariistaan si ay xaaraanta iyo xalaasha u kala gartaan in jihaad looga dhigo muslimiinta layntooda waa wax aan banaanayn.

Ilaahay wuxuu yiri aayad macneheedu yahay “…Ciddii disha naf aan (dilin) naf ama fasaadin arlada waxay la mid tahay ayadoo dishay dadka dhamaan” (Al Maaida 32)

Qofkii akhriya qoraallada Cabdiwaaxid waxaa usoo baxaya in dulucda qoraalladiisu ay xambaarsan yihiin saddex qodob oo lugooyo ah. Saddexdaas qodobna waxay kala yihiin kuwan soo socda:

I.    In Dawladdii timaadaba laga hor yimaado, waligeed dagaal lagu jiro, ayadoon xattaa loo fiirin wanaagga iyo xumaanta garwadeenkeeda amaba inay dastuur dad-samee ah wadato ama dhaq-gangalin shareeco Islaam ku hawlan tahay.

II.    In culimadda la liido, dadkana la nacsiiyo iyadoo laga sheegayo waxyaabo been-abuur ah, si loo cinqilaabo oo martabadii ilaahay siiyay looga qaado islamarkaana loogu fariisiyo dad aan sharci ahaan mutaysan.

III.    In la buunbuuniyo garwadeenada Firqada Takfiirka, dadka indhahoodana lagu wayneeyo si dabadeed loogu caleemo saaro looguna fariisiyo makaanadii Culimada looqa qaaday sida aan kor kusoo xusnay.

Sadexdaan arrimoodba waa halaag, waana arrimo khilaafsan maqaasidda shareecada islaaamka waana astaamaha lagu yaqaan firqada khawaarijta (waxa hadda loo yaqaan takfiirka). Waxaan isku dayayaa in aan arrimahaas mid walba maqaal gaar ah ka diyaariyo dhawaan Insha Allaahu.

Waxaan xasuustaa xilligii aan soomaaliya joognay ayadoo lagu sheego dadka takfiirka ah (muslimiinta gaaleeya) fara ku tiris waliba la magacaabi karay meelaha ay joogaan iyo tiradooda. Markii dagaalkii dhacay ee culimadii qaarna qaxeen qaarna dacwadii si joogto ah u wadi kari waayeen ayaa waxaa dhacday inay firqooyinkii bidcada sida kuwa takfiirka ay bateen oo bulaaleen, laba sababod ayaa ugu waawayn waxyaabaha ay shacabku u kala saari wayday Manhajkii Salafka ee ahlu-sunnah wal-jamaaca iyo kan Takfiirka:

Jawigii oo u banaanaaday maadaama dacwadii uu hakad galay. Waana shay dabiici ah in bidcadu ku bulaasho meesha culimada iyo dacwadu ay ku yartahay. Salafkii  hore ayaa waxay dhihi jireen Ahlu-bidacu waa sida dabaqalooca oo kale markuu sharqanta maqlana carraduu ku dhuuntaa markii sharqantu yaraatana waa soo baxaa.

Waxaa arrinkaas tusaale u ah markii dhawaan ay xamar ku shireen culimadii soomaaliyeed qaarkood oo ay ka dhexmuuqdeen culimadii dacwadan caanka ku ahayd, dhawr usbuuc ayaa Xisbiyada takfiirka sida Al-shabaab iyo xisbul-Islaam hoobiyahaoodii iyo shirarkoodii jaraa’id laga nastay oo ay dhuumasho galeen, fiicnaan lahaydaa inaysan ku noqon lahayn meelihii ay awalba ku maqnaayeen ee ay afarta dacal ee magaalada kutubtii tawxiidka ee ibn taymiyah, ibn qayyim iyo Sh.Maxammad Cabdulhhaab ka bilaabi lahaayeen si magaalada looga xoreeyo ahlu-bidaca (takfiirka ) sida qofka jinka qababa quraanka afarta gees loogala fariisto ilaa shaydaanku ka baxayo.

Sababta labaad ee caamadu ugu kadsoontay FirqadaTakfiirka oo ay ugu maleeyeen inay hayaan wadadii ahlu-sunnah wal-jamaaca ama Salafu Saalix waxaa weeye ayadoo firqadani ay la wadaagto Salafka astaamaha diinta qaar badan oo kamida sida in laga hadlo Tawxiidka qaybihiisa, lagu adkaado bidcada ashacariyada IWM.

Laakiin waxyaabaha ay lasoo baxeen ee aan dadwaynuhu ku baraarugin ee ay Manhajkii Salafka ku khilaafeen waxaa weeye in Musliintii danbi ay galeen iyo mid lagu tuhmayaba lagu gaalaysiiyo. Mar haddii la gaalaysiiyayna dhiiggoodii la banaysto illayn waa murtadiin e siday la tahay. Tusaale ahaan madaxda musliimiinta oo dhan xaggooda waa gaalo murtadiin ah, sidoo kale shaqaalihiisa iyo wasiiradiisa iyo askartiisuna waa la xukun. Taas ayaana keenaysa inay iclaansadaan in lala dagaalamo madaxwayne kasta oo xukuma wadan muslima iyo dawladdiisa dabcan Madaxwayneheenna Sh. Shariif asaguna qaacidadaas ayuu soo galayaa taas ayaana keentay inaan laga akhrisan kitaabka iyo Shareecada uu ku dhawaaqay inuu dhaqan galinayo, illayn waxay aaminsan yihiin inuu ridoobaye. Waxaad la socotaan in Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ay laayaan Shaqaalaha Dawladda sida Bolooskii miskiinka ahaa ee tukanayay ee burcadda iyo tuugada ku hawlanaa, macaliintii iskoolka, Saraakiishii ciimada IWM. Ayagoo aaminsan any ridoobeen maadaama ay la shaqaysteen madaxwayne ridoobay.

Firqada takfiirka ee caalamka Islaamka ku firisan waa sii kala xag jiraan oo qaarbaa gaalaysiintooda u gudbiya shacabka. Ayagoo ku aanaynaya “ hadday musliin dhab ah yihiin maxay noogu garab sitaagi waayeen hawlaha aan ku jirno?” taasina waxay keentaa in ayagana dhiigooda loo banaysto sidii kuwii hore, waana sababta keenta in hoobyaha iyo miinada looga turin, waxay leehiin qaacido la yiraahdo (yubcathu Calaa niyaatihim) oo ay ka qaateen haddis saxiix ah oo ay si khaldan u fasirtaan, waxay uga jeedaan kii ku dhinta hoobiyaha iyo bumbada aan gaalada ula niyoonay niyaddiisii ayaa lagu soo saarayaa qiyaamaha, Tusaale ahaan BM ka Villa Somaliya loola niyooday illayn gaalaa ku xeraysane waasay la tahaye qofkii uu sii galaafto oo shacab ah muslinna ah niyadiisa ayuu la iman aakhiro haddii kalena waaba agaal bakhtiyay.

Allahu mustacaan. Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu xaqana xaq noo tuso baadilkana baadil noo tuso.

  Eng. Ali A. Mohamud  
binisxaaq@yahoo.co.uk
 
Scotland - UK

 ----------------------------------------------

1Khaddiib ayaa kuyiri alfaqiih Walmutafaqqih

2Mutfaax Daarus Sacaadah.

 Eng Ali A. Mohamud is a Petroleum Engineer. he holds BEng Pertoleum Engineering with First Class Honours and doing MSc Petroleum Engineering at Heriot Watt University in Edingburgh, Scotland and works at North Sea, Scotland. He can be reached at binisxaaq@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS