SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaflada si wayn loo soo agaasimay oo lagu xusayey maalinta biyaha aduunka oo ka dhacday xurunta NGO Towfiiq dh/mareb G/gaduud.

Xafladan ayaa ahayd mid ay si wada jira u soo qabanqaabiyeen hay’ada UNICEF iyo NGO Towfiiq xurntiisa Gobalka galguud taasoo ahayd xaflada loogu tala galay maalinta biyaha aduunka 22 March 2009

Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka deegaanka kuwaas halkaas ka soo jeediyey qubooyin ay ugu hadlayeen biyuhu qaymaha ay ugu fadhiyaan bulshada iyo noolaha oo idil

Xiliga munaasibadan ay soo wada qaban qaabiyeen NGO TOWFIIQ iyo hay’ada UNICEF ayaa ku soo beegantay xili ay biya la’aan badan ka taagan tahay deegaano ka tirsan G/galduud Kuwaasoo qaar ka mida ah ay go een ceelashii biyaha laga heli jiray

Masuuliyiintii ka soo qayb gashay xafladan ka dhacday xurnta NGO Towfiiq ayaa cod mida ah ugu codsaday hay’adaha samafalku sidii lagu heli lahaa biyo nadiifa si loo badbaadiyo noolaha biyaha u dhibaatoonaya,

gudoomiyaha degmada dh/mareb Max’ed Max’ud (max’ed madoobe) in ay jiraan ceelal badan oo u baahan in dayac tir lagu sameeyo si looga helo biyo nadiifa deegaanadaas ayaa waxaa ka mida ah tuulooyinka Mareergur iyo Gadoon oo in mudaa dhibaatada biyo la’aanta ay ka taagneed isku soo xoori xaalada biya la’aanta ee ka jirta G/gaduud ayaa u baahan in ay gacan buuxda ka gaystaan hay’adaha samafalku



Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2009
 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS