SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dood ku Saabsan Xijaabka Dumarka Muslimiinta ah oo ka taagan Norwey

Dalka Norwey ayaa waxaa ka taagan Dood ku saabsan Xijaabka Dumarka Muslimiinta ah ay xirtaan kadib markii Haweeyney Muslimad ah u shaqeyso Policeka Dalka norwey ay Codsatay in loo ogolaado in ay xijaabka ka kor xirato Dharka Rasmi ah ee Policeka Norwey taas oo uu ogaaladay wasiirka Garsoorka ee Dalka Norwey

Kadib Markii uu aqbalay Codsiga Haweeneydan Wasiirka Garsoorka ee Dalka norwey ayaa waxaa ka dhashay arintaas Caro weyn oo ka timad dhanka midowga Policeka Norwey ayigoo Sheegay in ay arintaas sharaf dhac ku tahay libiska Policeka Arinkaas oo ku qasbay Wasiirka Garsoornka in uu go aankiisii ogolaanshada Dib ugu laabto.

Wargeyska The Christian Science Monitor ee kasoo baxa Dalka Mareykan oo Doodan wax ka Qoray ayaa waxuu ku Tilmaamay Arintaan wax la yaab leh Maadama Norwey lugu yaqiinay bexinta dhaqaalaha goobaha ay dhibaatooyinka ka jiraan iyo ka shaqeynta Sidii goobahaas nabad looga islaaxi lahaa ayna aheed Meel Dadku ay is wada jaceylyihiin oo aysan Jirin wax Neceyba ah oo Diinta Islaamka loo Qabo Wargeysku waxuu intaas ku daray in ay Arintaani keentay in Xijaabka Dumarka Muslimiinta ah Dad careysan ku gobaan Meel Fagaaro ah waxuuna sheegay in Xisbiga Macuuradka ah ee kasoo Horjeedo Muhaajiriinta iyo Muslimiinta oo Arintaan Jaanis u arkay ka faaiideysateen ayna kor kaceen dadka rabo I ay u Codeeyaan Doorashada oo Socoto Xili ay ka hartsay 6 Bil kaliya Doorashada Guud ee Norwey.

Dhanka kale Gudoomiyaha Barlamanka Dalka Norwey ayaa waxuu ku eedeeyay Xisbiga Mucaaradka ah in uu sabab u yahay Mushkiladan Ka dhalatay Xijaabka Dumar Muslimiinta ah waxuuna ugu degay in ay Qanacsi siyaasadeeda Ka sameyaan Arintaan

Shacabka Norwey wax dhiba ah uma arkaan Masaajidyo ku dhex Yaalo Xaafadahooda Maadama Diinta lugu Gudanaayo Masaajidyada Dhexdooda lakiin Hadii ay Diinti Banaanka Masaajidada usoo baxdo oo ay dhaqanka Shacabka Norwey taabto waxey noqoneysaa Arin Xun ayuu Yiri Gudoomiyaha Barlmaanka Norwey oo Arintaan ka Hadlaayay

professor wax ka dhiga Jaamacada Oslo Ahna Khabiir ku takhasusay Arimaha Diinta oo asigana Arintaan ka hadlaayay ayaa waxuu ku tilmaamay Dooda Ka dhalatay xijaabka in ay muujineyso Shacabka Norwey in uusan aheen Shacab Mutasaamixa ah waxuuna ku tilmaamay Bulshada Norwey jawaabta ay ka bexisay Arinta xijaabka in ay Jawaab u tahay Muhaajiriinta Dalkooda kusoo qolqolaayo.

Waxaaa xusid in Mudan in Dalalka Swedan iyo Britain ay Ogolaadeen in Dumarka Muslimiinta ah ee ka shaqeeyo Policeka ay Xijaabka ka kor Gashan karaan Dharka Rasmiga ah ee Policeka

Ismaaciil Saxaaf
Saxaaf@hotmail.com
Bergen Norwey

AKhri: Qoraalladii hore ee laga qoray Xijaabka....

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2009
 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.