SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gudoomiyaha Suxufiyiinta Is-boortiga Soomaaliyeed Md, Cabdicasiis Goodax "Dowlada Jabuuti oo aan Walaallaha Nahay Wali Ma Helin Aqoonsi Caalami ah oo Dhinaca suxufiyiinta Is-boortiga ah, anaguna..."

Gudoomiyaha Suxufiyiinta Is-boortiga Soomaaliyeed Md, Cabdicasiis Goodax oo ah tababare (Baskit Ball) oo isaga iyo laba Wariye Is-boorti oo dhashey dalka Giriiga isku kooxna ay ahaayeen dhinaca tebinta (Baskit Ball Three on Three) oo ka soo hoyey bilad Dahab ah, kana mid ahaa xubnihii codeynta doorashada gudoomiyaha Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed oo aan kulmey Hoteel Banaadir ee Caasimada dalka Jabuuti, ayaa faah faahin ka bixiyey kulamo kala duwan oo uu ka qayb gelidoono Ururka Suxufiyiinta Is-boortiga Soomaaliyeed oo ka dhicidoona Milano, London, Giriiga iyo Tehraan, ujeedada uu u yimid iyo waxyaabihii ay qabteen markii ay soo gaareen Jabuuti.


Goodax.

"Waxaan halkaan u imid shir sanadeed doorashada guud ee Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed (GOS) ay ku leeyihiin Jabuuti, waxaana halkaan isugu yimid xiriiradii iyo Ururadii Olonbikada Soomaaliyeed uu maamulo sidey u dhan yihiin, si looga wada qaybgalo doorashada guud ee Goos, waxaana lagu casuumey marti sharaf badan oo uu ka mid yahay Wasiirka Is-boortiga iyo xubin sare oo ka socotey Is-booriga aduunka, doorashaduna waxay u dhacdey sidii loogu talo galey, inkastoo ay fiicnaan lahayd in lagu qabto dalka gudihiisa, waxa khasbeyna waan fahmio karnaa, taariikhda Olonbikada Soomaaliyeed marka la eego, waa markii ugu horeysey oo doorasho uu sameeyo Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed, intii aysan doorashada dhincina waxaa jirey siminaar lagu ogaanayo qaab dhismeedka guud ee Gudiga Olonbikada aduunka ay u dhisan tahay iyo guud ahaan waxa looga baahan yahay Gudigan Olonbikada ah qaabka uu u shaqeynayo, siminaarkuna ma ahayn mid fudud waxaana bixinayey xubinta ugu sareysa N.O.C-da, wax badana waan ka faa'iidney oo ay ka mid tahay waxaa dhici karta dadd hore aan fikir uga haysan qaab dhismeedka guud ee Gudiga Olonbikada, qaabka ay isula shaqeeyaan, wadamada aduunka sida ay isugu xiran yihiin iyo waxa hoos yimaada".

Mar aan weydiiyey ma markii kuugu horeysey oo aad ka soo qaybgashaa ayaa wuxuu ku jawaabey "dabcan shirkan lagu dooranayo maamulka cusub ee GOS waa markii iigu horeysey oo aan ka soo qaybgalo, laakiin dhinaca Saxaafad Is-boorti ahaan wey jiraan kulamo kale badan oo aan ka qaybgaley, waxa nagu khasbay inaan noqdo Gudoomiyaha Suxufiyiinta Is-boortiga Soomaaliyeed inuu dibada ka yimaadana waxay tahay, wey adag tahay Gudoomiyaha inuu ka soo safro Baasaboorkii Soomaaliga oo noqdey mid aan ka shaqeyn wadamo badan, islamarkaana ay jiraan duruufo kale oo badan, ayna nagu xiran tahay safaro badan oo inooyaala oo isugu jira casuumaadyo iyo siminaaro kala duwan, adkaateyna sidii lagu heli lahaa Fiisaha Baasaboorka Soomaaliya, xili dhowna waxaa jira safaro oo aan u soco oo aan ku tegeyno bisha soo socota ee Abril Milan, May waxaan tegeynaa London, Juun waxaan u soconaa Giriiga iyo Augos oo aan tegeyno Tehraan,safaradaas oo dhana in la aado ayey u baahan yihiin, marka waxyaabahaas oo dhan baa jira sidaas baan shaqada u qaybsaney aniga waxa la iigu doortey Gudoomiyenimada inaan ka shaqeeyo dibada, Gudoomiye ku xigeenka in isagu uu gudaha ka shaqeeyo.


Goodax oo fadhiya kulankii doorashada.

"Ururka Suxufiyiinta Is-boortiga Soomaaliyeed wuxuu hoos tagaa, Gudiga Suxufiyiinta Is-boortiga Aduunka, iyaga ayaan xubin ka nahay, anagu waxaanu nahay xubin aqoonsi caalami haysata, dowlada jabuuti oo aan walaallaha nahay wali ma helin aqoonsi caalami oo dhinaca suxufiyiinta Is-boortiga ah, mana kulaha xubin caalami ah Suxufiyiinta Is-boortiga Aduunka, walaallaheena Reer jabuuti waan ka wada hadalney arintaas sidii ay xubin ugu yeelan lahaayeen, adinkuna waan idiinku soo dhaweyneynaa ka Somalitalk ahaan inaad nagala qaybgashaan hawlaha Is-boortiga, Hawsha Saxaafadu ma aha mid kooban, tan kale anagu waxaan la shaqeynaa xiriirada Soomaalida oo dhan, waxaana la leenahay xiriirada cilaaqaad aad u dheer, waxaana tebinaa taariikhda xiriirka iyo is-bedelada guud ee Is-boortiga dalka iyo waxa ay qabteen oo aan dadweynaha xiiseeya usoo bandhigno, waxaana dooneynaa wariyayaasha Is-boortiga inaan siino siminaaro kala duwan, hadii alle idmo bisha Oktobar waxaan doonayenaa inaan siminaar weyn u qabano wariyeyaasha Is-boortiga, qaybta noogu wey waxay tahay inaan dhiiri gelino dhalinyarada Is-boortiga Soomaaliyeed dalka iyo dibadba, si loo soo celiyo guulihii uu ka soo hoyn jirey Is-boortiga Soomaaliyeed garoomada caalamka, gaar ahaan kuwa gudaha jooga waxaan ku dhiirigelinaa iney iska dhigaan Qoriga, Tooreyda iyo waxyaabaha kale ee Qarxa oo ay noqdaan dhalin yaro usoo wareegta is-boortiga Soomaaliyeed, sababtoo ah dhinaca Baaskitka Soomaaliya waxay gaartey inay ka keenaan bilad Dahab ah, kulamadii Jaamacada Carabta waxaan ka galney kaalinta Koobaad, Afrikana waxaan ka galney kaalinta Labaad, dadka waxaa ka maqan nabad gelyo, waxaana lagu keeni karaa is dhexgal, is dhexgalna waxaa keeni kara Is-boortiga, Is-boortiga waxaa hormarinkara Suxufiyiinta, marka anagu qaybtaas ayaan ka qaadanaa, waxaana ka qaybgaley tartan Baskit Ball Three on Three aniga iyo laba wariye oo u dhashey dalka Giriiga, waxaana ka soo hoyney bilad Dahab ah "ayaa ku jawaabey mar aan weydiiyey kulamada aad ka qaybgeleysaan ma mid ku kooban baa Suxufiyiinta Is-boortiga Soomaaliyeed, mise waa mid guud ahaan Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed uu ka qaybgalayo? .


Maxamed Macallin Cismaan(All-man)Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.