Wadayaasha Gaadiidka Deg.Baledxawo Oo Cabasho Ka Muujiyay Wadooyinka
Magaalada
Qaar ka mid ah Gaadiidlayda baabuurta la kireeyo ee Tagaasida Iyo Kuwa
dadweynaha ee magaaladda Baledxawo ayaa ayaa cabasho xoog leh ka muujiyay
seeraynta wadooyinka dadku ay sida gaarka ah isaga xirtaan, oo ay sheegeen in ay
dhib-badan kala kulmaan.
Wadayaasha Gaadiidka ayaa waxa ku cabteen in ay qaatir ka taaganyihiin
shaqadooda, taasi oo mararka qaar ay saacado badan ku qaadato marka ay la
kulmaan gawaarida kale ee shixnadaha cunnooyin dejiya.waxaana ay si gaar ah
farta ugu fiiqay dhibaatadan ay ugu wacantahay dadka oo dhistay wadooyinkii
sharci ahaan ay dowladii hore ugu talagashay gaadiidka.
Mararka qaarna ayaa waxaa dhaca in ay isku dhacaan gaadiidlayda tagaasida iyo
sidoo kale gadiidka ay dadka soomaalida sida weyn u isticmaalaan ee loo yaqaano
gaawi dameerada.waxaana magaalada baledxawwo ay tahay meelaha sida weyn ay
dadweynuhu ugu xamaashaan gaari dameerada , iyada oo aad arkaysid in xilliyada
qaar aad arkaysa iyaga oo xawaarayna , taasina ay iskudhac u keeni karto.
Cabdi korahaye waa afhayeenka tagaasilayda magaalada Baledxaawo , isaga oo ku
hadlayay magaca gaadiidlaydaas ayaa waxaa saxaafada uga waramay cabashadooda,
mar ay saaka cabasho la hortageen maamulka degmada, waxaana uu ugu horeyn ka
warbixiyay goobihii baakin ka u ahaa tagaasilayda oo ay dhawaan xirteen dad
sheeganaya in ay leeyihiin.
Mid kamid ah dhalinyarada tagaasida ku dhexwada gudaha magaalada oo aan kala
sheekaystay saamaynta ay arrintan ku yeelan karto bilicda magalada iyo habsami u
socodka adeegyada bulshada oo ay gaadiidka kaga jiraan heerka ugu muhiimsan.
Cabashadaan ka soo yeertay gawaarilayda ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili
aysan jirin wax nidaam ah oo kala hagaya gawaarilayda.
Wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee soomaaliya ayaa waxaa meesha ka
baxay nidaamkii habmaamuuska adeegyada kaabayaasha dhaqaala oo ay ugu horeeyaan
jidadka ,taasoo dayac iyo waxyeelo ay ka soo gaartay colaadihii sokeeye ee dalka
ka jiray
Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com
Osama Binladin oo Ugu Baaqay Kooxaha Hubaysan in ay afgambiyaan xukuumada
Sh. Shariif
Hogaamiyaha Ururka Al Qaacidda Sheikh Osama Binladin Ayaa Ugu Baaqay Kooxaha
Hubaysan Ee Ka Soo Horjeeda Dowladda Faderaalka Ee Soomaliya Inay Afgambiyaan
Xukuumadda Uu Hogaamiyo Madaxwayne Shariif Sheekh Axmed Ka Dib Cajal Maqal Ah Uu
Soo galiyay Bog Internet ah Oo Ay Adeegsadaan Ururka Al Qaacidda.
usama bin laadin mar uu ka hadlayey madaxweyne sheekh shariif wuxuu yri,
"Sheekh Shariif Waxa uu Badallay Mowqifkiisii Waxaana uu U Badallay Ku faarnimo"
AYuu Ku Yiri Osama Binladin Oo Dhinaca Kalle Is Weediyay Suaal Ahayd ''Sidee Qof
Leh Maskax Buuxda oo Shallay Rumaysnaa In cadawgiisa uu Ka soo Horjeedo
Diintiisa uu U dhihi Karaa Waa Saaxibaday " Tani Waxa ay Ku Dhici Kartaa Qof Ka
Baxay Diintiisa Islaamka Ayuu Isaga Jawaabay Sheekh oSama Binladin Hogaamiyaha
Al Qaacida oo Dhinaca Kalle Ugu Baaqay Kooxaha Hubaysan Ee Ka dagaalamaya
Soomaaliya inay sii Kordhiyaan Weerarada Iyo Dagaalada Ay Kala Soo Hojeedaan
Xukuumadda Midnimada Qaran Ee Sooomaaliya
Cajaladda waxaa ka dhex Muuqaday Sawirka Osma Binladin Oo Ku Dhex Jira
Qariiradda Soomaaliya Waxaan tani Ay Noqonaysaa fariintii Labaad ee ay
alqaacidda ay U Soo Dirto Kooxaha Hubaysan ee Soomaaliya Tan Iyo Markii
Madaxwaynaha soomaliya Loo Doortay Shariif Sheeq Bishii Januarry Ee Ka soo
Gudubnay
Hadalka Ka Soo Baxay Ururka Al Qaacidda Ayaa U Muuqanaya Mid Ay Siwayn uga soo
Horjeedaan Dowladda Faderaalka Ee Soomaliya Uu Hogaamiyo Madaxwayne Shariif
Iyadoona ay Imaanayso Xilli Ururka Al Shabaab Oo gacanta Ku haya Gobollo Badan
oo Ku Yaalla Koonfurta Soomaliya Ay Wali Ka soo Horjeedaan Xukuumadaasi Oo
Dhowaatan Ku Dhawaaqday Inay Ku Soo dabaalayso Qaybaha ay Ka Taliso Ku Dhaqanka
Shareecada Islaamka iyadoo hadana ay arintaas ku tilmaameen kooxaha ka soo
horjeeda dawlada sheekh shariif inay tahay khiyaano lala damacsanyahay dadka .
xeeldheerayaasha ka faalooda xaalada siyaasadeed ee soomaaliya ayaa hadalka
usama bin laden ku tilmaamay talaabo sii dhiiri gelin karta kooxaha dawlada ka
soo horjeeda inay weeraro ku qaadaan dawlada sheekh shariif
cabdirisaaq xasan cabdi
cabdirisaaqjuba@hotmail.com
bosaso- somalia
Faafin: SomaliTalk.com | March
20, 2009 |