SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

BAAQ KU WAJAHAN DOWLADA MIDNIMADA QARAN EE SOOMALIYA

Ururka aqoonyahannada ee Qowmiyada Digil iyo Mirifle ee Isha Scholars Assocaition (I.S.A) wuxuu halkaan talooyin uga jeedinayaa dowlada midnimada qaran ee ka curatay dalka Soomaaliya ee u hogaamiyo Mudane Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Marka hore Ururka aqoonyahannada ee Isha wuxuu si buuxda u taageersan yahay dowlada midnimada qaran ee Soomaaliya iyo howlaha durbaba ay ku talaabsatay oo ah nabadaynta ay ka wado dalka guud ahaan, gaar ahaan Magaalo Madax Mogadisho.

Urukaan oo ay ku midaysan yihiin dhamaan dhalinta wax ka barata dalka gudihiisa iyo dibadiisa ee Qowmiyada Digil iyo Mirifle wuxuu si hufan u falanqeeyaa talooyinna uga jeediyaa marxaladaha Somaaliya; ka dibna u gudbiyaa qaybaha ay qusayso.

Ka dib markii uu Ururka helay tilmaamo cadaynaya in laga yaabo in Dowlada midnimada qaran ay xoog u adeegsan doonto meelaha ay san gacanteeda ku jiran ee ka taliya mucaaradkeeda, wuxuu ururka si dhaxriis leh uga codsanayaa Mas’uuliyiinta sar sare ee Dowlada in aysan u horseedin shacabka dhibaatada halageeyay ee Soomaaliya gaar ahaan shacabka nabadda jacayl ee ku nool Gobollada Shabeeliyinka, Bay iyo Bakool.

Waxaan walaac xoog leh ka qabnaa hadallada ka soo yeera mar walba qaar ka mid ah mas’uulinta dowlada oo muujinaya; in loo horseedo dhibaato hor leh shacabka ku nool Gobolladaasi iyagoo hada la tacaalaya Biyo yari iyo Abaaro laga cabsi qabo in aysan dalagii beeraha sanadkaan sidii la rabay uu san bixin.

Fikirka ururka kama turjumayo urur gaar ah, ururada iyo qaybaha Soomaaliya ku hardamay, ee wuxuu ka taurjumayaa dhibaatada shacabka iyo wada noolaashaha guud ee Dalka, mana taageersano Urur diimeed iyo mid qabiil; wuxuu si buuxda u taageersan yahay dowlada midnimada qaran ee Soomaaliya.

Dowlada waxaa la gudboon in aysan ka daalin xalinta khilaafka iyo gacan u fidinta mucaaradkeeda iyo waliba qaabaynta siyaasado ay kula tacaalayso qaybaha diidan nidaaamkeeda si aan ahayn xoog ama xasuuq shacab aan waxba galabsan.

Madaamada Soomaalidu ay ku caantahay aar goosiga iyo qabiil kor u yeelida, waxaan ka digaynaa in laga feejiknaado dhibaatooyin hor leh kuwaasoo cawaaqibtooda laga fekerin waayo hadaan laga fiirsan ficilka dhibaatadiisa lama xalin karo.

Sidoo kale Ururka aqoonyahannada ee Qowmiyadda Digil iyo Mirifle ee I.S.A wuxuu halkaan baaq uga jeedinayaa qolooyinka raba in ay qalalaaso hor leh ku abuuraan Gobolladaasi waayo shacabka dantiisa waa nabad iyo xasilloni ee ma ahan shaqsi gaar ah, waxaana la gudboon in ay ka fogaadaan shirqoollada loo soo maleegayo iyo tababarada loo fidinayo waayo waa wixii hore ee Soomaalidu ku lug go’aday, waana kuwa ilaaa iyo hadeer Dowladaha dalka loo dhiso ka hana qaadi la’a yihiin.

Maamulka gacanta ku haaya magaalada Baydhabo waxaan sidoo kale kula talinaynaa in aysan shacabkaasi u horseedin baaba’ hor leh ayna wax la wadaagaan Soomaali waynta, in la wada hadlana aysan shuruud ku xirin.

Mar labaad waxaan ku celinaynaa in Ururkaan uusan ka turjumaynin qolooyin gaar ah balse uu ka turjumayo danaha guud ee Dalka; wuxuuna si hagar la’aan ah u taageersan yahay dowlada midnimada qaran ee Soomaaliya. Hadafka Ururka waa in loo horseedo ummada hormar loona jiheeyo dhinac wada noolaashaha iyo wax wada qabsiga.


Godoomiyaha Ururka
Mudane: A.K Mohamed
ishascholars@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 20, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS