SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 «Burcadeedda xeebaha somalia»....shirqoollo ka dhan ah dowladaha gobalka ama shucubtooda!

 Dadka siyaasada falanqeeya iyo khubarada xaga millitariga waxay ku sifeenayaan howlaha burcad badeedda ee gacanka cadan iyo geeska afrika ayna fuliyaan burcad badeed u dhashay somalia inay qayb ka tahay shirqool caalami ah oo lagu xaqiijinayo gacan ku haynta marinnada muhiimka ah ee ay ceegaagaan kheyraadka saliida. shirqoolkaasoo lagu magacaabi karo soo laabashadii damacyada sirdoonka gumaysiga cusub ee dhulalka islaamka ee gobalka ku yaalla. Khubaradu waxay sheegayaan inay jirto cayaar caalami ah oo ay ka dambeeyaan dad xeel dheerayaal xirfad leh oo haysta awood ku filan oo ay ku fuliyaan howlgalkan ayna abuuri karaan durufaha ku haboon ee aduun waynaha kale looga dhaadhicin karo ahdaafta iyo danaha laga leeyahay, mar horena la dajiyay.

Burcad badeeddu waa farsamo ama dano wadaag ah ayna ku kulansanyihiin maamulideeda dowladaha reer galbeedka (gaar ahaan maraykanka ) waxaaba jirta in qorshaha iyo shirqoolkaba la dajiyay waa hore waxaana la dhihi karaa : burcad badeedda gacanka cadan iyo xeebaha somalia waa natiijada shirqoollo la dajiyay habeen madow somnalia dhexdeeda!, loogana dan leehayay in lagu beerlaxowsado laguna cabsi galiyo dowladaha gobalka,  laguna caalamiyeeyo biyaha gacanka cadan, badda cas marinka al-mandab iyo badda carabta.

Xeeldheerayaashu waxay aaminsanyihiin in howlgalka ciidamada isbahaysiga NATO ee la dagaalanka burcad badeedda gobalka inay tahayba unkidda nidaamka caalamka ee cusub <<NEW WORLD ORDER>> waliba nidaamkan cusub ee mareykanka inuuba dul dagay gobalka oo ay ku yaalliin wadamo badan oo carab ahi si loo abuuro fowdo ka dhacda wadamada carabta la isagana horkeeno shacabka iyo nidaamyada, warkiyoo koobanna waxaa jira mashruuc shirqool oo reer galbeed uu wado ayna ka dambeeyaan yuhuudda si loo caalamiyeeyo (internatinalizaton) badda cas iyo marinka baab al-mandab si looga hortago iska hor imaad suuro gal ah oo lala galo carabta, mashruucanina wuxuu u adeegayaaa damaca reer galbeedka ee qabsashada gobalka xoogna ku maamulaan mustaqbalka loona boobo kheyraadkooda iyo waliba in la dhiciyo (miscarry) mashruuca qoomiyada carabta (in la rido nidaamyada ) taasoo micnaheedu noqonayo hasoo laabato maxmiyadii (trusteeship) reer galbeedka ee gobalka maamuli jirtay iyadoo huwan gumaysi cusub.

Yaa la shirqoolayaa?
 
Laakin waxay su'aal ka imaanaysaa lafaguridda arintan waaxana la is waydiin karaa reer galbeedku (gaar ahaan maraykanka) miyuu ka fogaa ama ka maqnaa gobalka oo dhan oo ay ku jirto xeebaha geeska afrika iyo gacanka cadan si uu mar kale ugu soo laabto asagoo huwan magaca la dagaalanka burcad badeeda? ama maraykanka iyo NATO ma waxay u baahan yihiin ogolaansho caalami oo ah inay yimaadaan meel ay ka taliyaan horayna u sii joogeen mar walbana ay joogaan? ( wadamada gobalka intooda badan saldhigyo millatari ayay kuleeyihiin) waxaaba kasii daran : wadamada gobalka ku yaalla ma waxay halis iyo ammaan darro ku yihiin masaalixda ama danaha reer galbeedka?
Kuma kalsoonaan karno niyadsamida ama run sheega reer galbeedka ee ku saabsan arimaha la xiriira burcad badeednimada sidoo kalena lama hubo in shirqoolkan wata ciidamada iyo maraakiibta dagaalka inuu liddi ku yahay nidaamyada wadamada gobalka.
 
Maraykanka iyo xulafadiisa NATO waxay ogyihiin in danahooda dhabta ah ay ku fushadaan madaxda wadamada gobalka balse shacabka dalalkaas wax dan ah kama laha in kastoo madaxdu ay ku fashilmeen inay si wanaagsan u maamulaan dadkooda, taasoo keeni karta fashil iyo burbur ku yimaaada maamulka dalalkooda, laakin madaxda wadamada gobalka waxay wali diyaar u yihiin inay taageeraan reer galbeedka si taa badalkeeda loo ilaaliyo maamulkana u sii haystaan. sidaasi dareteed hadiiba ay jirto mu'aamaro ama shirqool reer gaalbeed ahi oo ciidan millitari watada kuna sugan gacanka cadan iyo geeska afrika waxuu bartilmaameedku yahay shacuubta wadamadaas taasaana shirqoolka ah!.

Millitariga xooggan ee jooga badda gacanka cadan iyo geeska afrika

 Maraykanku arimahaan oo dhan waa uu ka dambeeyaa si danahiisa u uga fushado gobalka, laakin wadamada gobalka way ka gaabiyeen inay ka dhigaan biyaha wadamadooda (badda cas, marinka gacanka cadan, marinka al mandab ) mid iyaga u gaar ah oo ay u madax banaanyihiin, mana hayaan istaraatiijiyada arintaas la xiriirta sidaas darteed waxaa u suuro gashay maraykanka, xulafadiisa iyo yuhuuda inay xaqiijiyaan joogitaanka iyo ka howlgalka aaggaas taasoo isku badashay aag ay danohooda ka fushadaan. Dhanka millitariga hadaan eegno waxaa jira ciidamada badda ee maraykanka oo xoog leh inay joogaan biyaha badda cas, badweynta india iyo badda carabta, iyadoo waliba saldhig badeed millitari maraykanka iyo faransiiskuba ku leeyihiin dalka jabuuti oo dhaca marinka baab al mandab, waxaana jabuuti ku xiran oo saldhig ay u tahay markabka dagaalka maraykanka ee lagu magacaabo USS MOUNT WHITNEY kaasoo lagu tiriyo mid ka mid ah xarumaha sirdoonka ugu waawayn caalamka, maadaama uu xambaarsanyahay qalabka isgaarsiinta iyo sirdoonka ee ugu casrisan uguna wayn, sidoo kale wuxuu maraykanku mar dhow aasaasay taliska ciidamada maraykanka ee afrika ( AFRICOM) oo loogu tala galay in afrika uu ka howlgalo.

Laga soo bilaabo weerarkii lagu qarxiyay markabka dagaalka USS COLE ee ku xirnaa dakadda cadan ee yemen oktoobar 12 sanadkii 2000, mandiqadda gacanka cadan, badda cas iyo geeska afrikaba waxay noqdeen masrax furan oo millitariga maraykanka iyo europe ay dageen ilaa ay ka qabsadaan ciidamadaas iyo maraakiibtooda dagaalka halbowlaha biyaha ee teedsan badweynta hindia ilaa badda cas, soona mara marinka baab al mandab.
 
Yuhuudda iyo qaddiyada caalamiyaynta biyaha gobalka

Arinta la xiriirta caalamiyaynta badda cas waxaa jirta ujeedooyin fara badan oo ay yuhuuddu ka leedahay si u fuddaato isu keenista jiritaanka yuhuudda ee gobalka iyo dhaqdhaqooda millitari ee badda oo ay ka weerar tagi karaan. Waxaa israel u suuro gashay inay millatari ahaan dhanka badda usoo gudubto gobalka geeska afrika, waxay ku hakatay oo saldhig ka dhigatay meel u dhow marinka baab al mandab iyadoo xaqiijinaysa xiriir siyaasi iyo millitari oo ay la yeelato wadama gobalka qaarkood sida eratariya iyo ethiopia, waxayna awoodday inay dagto jasiirad u dhow eratariya taasoo qeyb ka ah xiriirka millitari iyo siyaasad ee ay la leedahay eratariya. Waxayna jasiirada ku rakibatay raadaarro iyo qalab sahmin oo casri ah si ay ula socoto dhaqdhaqaaqyada wadamada carabta ee ku teedsan badda cas, waxaa kaloo ay israel ku qancisay ethiopia inay siiso maraykanka saldhig laga gano sawaariikhda casriga ah ee xambaara madaxyada hubka halista ah (nuclear) taasoo qeyb ka ah horumarinta saldhigyada millatari oo uu maraykanku ku leehayay wadamada saaxiibka la ah.
 
Isku soo wada duuboo shirqoolladaan ka socda xeebaha somalia ilaa wadamada carabta oo ay ku lug leeyihiin soomaali laguma tilmaami karo burcad badeednimo in kastoo magacaas la huwiyay dad soomali ahna loo howl galiyay si ay u aburaan xaalad cabsi iyo ammaan darro badda ku faafta oo caalamka la tusiyo, waxaan ogsoonnahay somalia 18 sano oo ay dagaalo ku jirtay biyaha dalka cidna ma ilaalinaynin dowladaha waawaynna dano kama lahayn, waana mida lalayaaban yahay in mashruuca burcad badeedda uu warkiisa gaaro golaha amaanka ee UN-ka ilaa uu qaraar kasoo saaro!!!!

Waxaa qoray cabdifataax cilmi 
cfitaax10@yahoo.com 

siccerely Abudulfatah E. Osman

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS