SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shariifoow Kala Daa 

 

Shareecada Islaamka oo la isku xukumo waa liibaan aduunyo iyo mid aakhiro. Ummada muslinkana sharaf iyo cisi waxaa ugu danbeeyey markay shareecada Alle iska xooreen, oo ay ka doorbideen mabaadiida kale ee dulmiga ku dhisan. Ummada Soomaaliyeed ee muslinka ahna xal waaraa ugama horeeye qaadashada sharciga Alle ee cadaalada ku dhisan. Abwaan Bacadle oo tilmaamaya arrinkaasna waxaa gabayadiisa ka mid ahaa.

HA QADARIN DIMOQORAADI WAA QOLO AFKAARTOODE

SHUUCIYANA LAGA QUUSAYOO LAGU QASAAROOWYE

QUBOO DAADSHA LABADABA WALAAN LAGU QABOOBEYNA

QURAANKA IYO SUNAHA MUQADASKAA QAATA XUKUNKOODA

Oday soomaaliyeed baa waxaa laga sheegay aafadii Cilcadeeye qofkii soo gaarey oo la cadaabo waa doqon. Hada dawlada UNku u soo wakiilatey  Soomaaliya iyo xubnihii baarlamaanka ee Imbigaati ayaa shareecada Islaamka isku xukumaya qofkii loogu sheekeeyo oo rumeystaa waa doqon. Sababtuna maaha wax meel fog laga raadinayo; waayo raga la leeyahay shareecaday ansixiyeen (Golaha Wasiirada) iyo kuwa la horgeyn doono si ay u ogoladaan ama u diidaan (Baarlamaanka) in badan oo ka mida waxaa laga yaabaa in shareecadu  ku xukumayso in dhagax lagu dilo, la karbaasho ama tacsiir kale lagu fuliyo; ee ma waxaa la rabaa in  nalaka dhaadhiciyo waxaa iimaankoodu gaarey sidii Asxaabtii suubaneyd Allaha ka raali noqdee ee oran jirey Rasuul Aloow na daahiri. Mise ayaga qabanmeysee shacabkaa loogu talagalay?

Nin layaabay dhaqankii Daraawiishta ayaa waxaa laga hayaa col Shariifi wacayso, caalim reera dhacaaya, cilmi geel lagu qaado Casiiskii na abuurtoow cimri yuu ku simaa oo ciribteeda ogaada. Hada shareecada Aadan Madoobe iyo qoladii ADC fadhiday la weydiinayo tolow yaa ciribteeda ogaada. Nin isna la yaabey talo xumo tolkiis baa waxaa laga sheegay wacade waxani hadey eex tahayna aakhiraa la ba’ay hadey aqoon tahayna aduunkaa la ba’ay.  Soomaalidu dulmigii ay horey u gashay oo cadaabkani ka dhashay miyey rabtaa inay sii kororsato marka ay ku jeesjeesayso shareecada Alle. Waxaa isweydiin leh hadii shareecada in wadanka lagu xukumo uu baarlamaanku ansaxin waayo, go’aanka baarlamaanka xukuumada ma yeeleysaa? Jawaabtu hadey haa tahay meesha belaayo hor leh iyo dulmi weyn baa ka soo socdee garo. Hadiise ay jawaabtu maya tahay hade hay’ad aan go’aankeeda la aqbaleyn hadaba maa la iska daayo wax weydiinteeda, mise waa riwaayad shacabka Soomaaliyeed lagu maaweelinayo.

Madaxweyne Shariif ma iloowsan yahay sababtii meesha loo keenay oo looga takhalusay rag badan oo looga kalsoonaa?  Gacantii qarsooneyd ee ka danbeysay soow maaha mida shareeca iska dhaafe aan ogaleyn xataa muslim salaada si fiican u tukada. Ma ilowsan yahay in daraadiis loo burburiyey dawladii ka horeysay? In daraadiis loogu tuntuntey axdigii TFG? Ma ilowsan yahay xataa in daraadii loogu tuntey heshiiskii garabkiisa iyo ay wada gaareen dawlada ku meelgaarka ah. Soomaalidu waxay tiraahdaa geelu habeeda labada danbe waa ku lahaan jirey laakiin haduu labada hore ku yeesho waa ged uu la yimid. Shareeco Reer Galbeed iyo cawaantood la dagaalamayaan waan arki jirey; laakiin shareeco ay dhaqaalo ku bixinayaan oo ay leeyihiin ciidamo daafaca haloo diro waa ged hor leh sharaxaadeedana u baahan. Cajiib.

Nin magaalo shiikh iyo qaadi labadaba ka ahaa ayaa maalintii danbe waxaa soo dul istaagay asagoo turub ciyaaraya wiil ardadiisi ka mid ah; ardaygi oo ay isu qaban la’dahay shiikha kitaab akhrintiisi iyo turub ciyaarkiisa ayaa yiri qaalalaahu tacaala iyo qulaankaanu fas weeye isma qaadi karaane qaaliyoow kala daa. Madaxweyne Shariif hakala daayo Beesha Caalamkaa I wadata iyo shareecadaan wax ku xukumayaa.

Maanta ummada Soomaaliyeed waxay safka hore kaga jirtaa hadeysanba lambarka koowaad ahayn sifo kaste oo taban. Waxaan lambarka koowaad ka nahay wadamada fashilmay, waxa aan lambarka koowaad ka nahay musuqmaasuqa, waxaa nalaku naaneysaa caasimadi burcad badeeda. Fakhriga, gaajada, caafimaad darada iyo biyo la’aanta. Taya xumada hogaamineed iyo siyaasadeed waxa ay gaartey ilaa xad raga siyaasada  lafagura ay yiraahdaan markay wadan ama dal siyaasadiisa ka dayrinayaan; wadankaan hadaan siyaasadiisa sidan laga deyn siyaasadiisu waa Soomaaliyoobeysaa- waxay noqonaysaa waxaan meel laga bilaabo iyo meel loo raaco toona lahayn oo lagu wareero. Dadka heerkoodu halkaa joogo iyo shareeco ku dhaqankeed masaafo dheer baa u dhexeysa. waayo shareeco waxaa isku xukuma dadka aduunka ugu sharafka badan uguna ilbaxsan.

Gunaanad

Cali Mahdi oo madaxweyne Soomaaliya ka ah ayaa waxa uu ka hadlay arrimo dhowr oo ay ka mid tahay qadiyada gooni isu taaga gobalada waqooyi, waxa uuna yiri Soomaaliya lama kala goyn karo. Cali Mahdi marka uu saas leeyahay xaaladu waa ku xun tahay oo waxaa socda dagaalki Muqdisho ee aadka u ba’anaa ee ay ku hardamayeen asaga iyo Caydiid. Nin hadalkiisa dhageysanayey ayaa wuxuu yiri Cali Mahdiyoow intaadan waqooyi ka hadlin  bal Kaaraan Xamar ku dar. Hada Inshaa Allaah shareeco ku dhaqankeed waan gaareynaaye, War bal sharafkii dadka Soomaaliyeed haloo soo celiyo; shareecada dadkii lagu xukumi lahaa iyo kuwii wax ku xukumi lahaana hala badbaadsho, dhiiga iyo dhaca joogtada ahna hala joojiyo.  

Cabdiraxmaan Salad Aaden

Email: dhaguuf@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI.... 

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS