SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Safiirnimo iyo Soomaalida Koonfur Afrika Maxaa kalaaysto? 

 
Markii ay burburtay doowladii kacaanka ee marxuum Jaalle Maxamed Siyaad Bare Shacabka soomaaliyedna ay arrintooda noqotay Jaantaa rogan Qaar kamid ah Soomalidana ay soo maciin sadeen wadanka koonfur afrka, horaantii sanadkii kun iyo sagaal boqol iyo sagaashan iyo afartii wakhtigaasi oo wadankan uu xuriyad kaqaatay Cadaan kii laga tiradabadnaa. wagaa ilaa wakhtigan ayaa la aamin san yahay in ay ku nool yihiin wadanka koonfur Afrika in kabadan sodon iyo shan kun oo qoxooti Soomaali ah, kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan kala kul ma wadanka koonfur Afrika hadii ay ahaan laheeyd dhac iyo dil ay u geeystaan kooxo isku baheeystay dhibaateenta qaxootiga soomaalida, iyadoo aay baahidaasi aadka u baaxad weyn ay jirto, dalka Soomaaliya ayaan laga quusan in aay maalin maal maha katil maanto doowlad cagaheeda ku istaagto aay mar un ka dhalato hadaba aanu eegno cinwaanka Maqaalkani. 

Marka laga soo bilaabo doowladii carto oo uu madaxweynaha ka ahaa Mudane Cabdulqaasim Salaad Xasan oo waagaasi aay soomaali badani aaminsaneeyd in aay hanan doonto guud ahaan wadanka soomalida nabad ku soo dabaalideeda, ayaa madaxweyne Cabdulqaasim safar shaqo kuyimid wadanka koonfur Afrika waxaana uu kulan aan sidaasi looshaacin layeeshay Jaaliyada Soomaalida oo marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano SASA gudoomiyaheeda waagaasi Mudane Cabaas Yuusuf oo hada ka fadhiistay siyaasada, noqdayna wadaad diinta faafiya kuna biiray xarakada Tabliiqa,  ayaa waxaa la siiyey waraaq wakiil nimada soomaalida konfur Afrika. Cabaas Yuusuf waxa uu sheegan jiray safiir in uu yahay kumeel gaar ah mar ay wareysi somalitalk la yeelatayna sheegtay in uu yahay safiirka Soomaalida koonfur Afrika.

Wixii waagaasi ka bilaawdo cid walbaba waxaa ay cindiga galisay in aay maalin la soo shirtagto Safiirka Soomaalida koonfur afrika arinkaasi oo aan aheeyn arin sahlan; markalaga hadlayo xiriirka labada dal iyo magacaabista dumlamaasi matalo wadankale. Doowladii xigtay ee uu madaxweynaha ka ahaa Mudane Col Cabdilaahi Yuusuf Axamed, oo isagu marnaba imaanin koonfur Afrika marka laga reebo safaro aay ku imadeen madax ka tirsan doowladiisii, ayaa waxaa soo shaac baxayey shaqsi sheeganayo safirnimada koonfur Africa oo ay isku jifo hoose yihiin madaxweynahii Hore ee soomaaliya Col Yuusuf balse taasi waxaa ay aheed riyo aan rumoobin.

Inkastoo laba beelood oo katirsan beelaha daaroodka ay midba midka kale ay ka dhaxeeysay xifaltan ku aadan safiiri nimada koonfur afrika ayaa siyaasadan cakiran ee Soomaalida waxaa ay hal mar ah miiska siyaasada soo saartay mas’uul katirsan beesha Hawiye Mudane Sh Shariif Sh Axmed. Waxaa maanta uu ku shidan yahay tooshka siyaasadda safiirnimada koonfur Afrika beesha hawiye in kastoo ay jirto ififaalo laga dareemayo beeshaasi hawiye dhaqankii beelaha oo ahaa xusul duubinta helida fasiirnimada.

Balse beesha uu madaxweynaha ka dhashay oo iyadu shirar isdaba jog ah ku leh magaalda johannesburg ayaa waxaa uu shaki aad u xoogan galiyey soomaalida in teeda kale oo shirkaasi aaminsan in ay beesh ka shireeyso sidii laga yeeli laha cida safiirka loo soo maga caabayo. 

Jaaliyadda Soomaalda ee koonfur Afrika un baa maalin ku waa bariisatay saxaafada madaxa banaan oo soo daabcaday gudoomiye kuxigeenka jaaliyadda soomaaliyeed oo la sawiran madaxweynaha soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed arrinkasi waxaa uu keenay su’aalo ay is weeydiinayaan soomaalida Konfur Afrika oo ku aadan safarka gudoomiye ku xigeenka iyo kulan ka dhax maray dowladda midnimada qaran, waxaase ay Jaaliyadda marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaab SCOB ku guulaysatay helidda waraaqda ka wakiilnimada soomaalida Koonfur Afrika.

Balse ganacsade ka tirsan ganacsatada soomaalida Koofur Afrika oo isagu safar shaki balaaran dhaliyey ku aaday wadanka jabuuti oo ay wakhtigaasi ku sugnaayeen madaxda doowlada midnimada qaran iyadoo markaasi aay aamin sanaayeen soomaalida halkan ku dhaqan in uu quud dareeynayo safiirnimada wadankan, laakin arrinkaasi waxaa isha si gaar ah ugu eegay dadka in dha indheeya safiir matali kara dowlad iyo shuruudaha looga baahan yahaya in ay aad u adatgahay in labuuxiyo waxaana ay ku macneeyeen in ay lamid tahay doowladihii hore ee soo martay soomaaliya oo aay cidwalbo ay isku beel yihin madaxweynaha uu la soo suuq tago safiirnimada Koonfur Africa. 

Waxaana jirto rag ka mid ah raga u ololeeya arrimaha Soomaalida oo isaguna safar qarsoodi ah ku aaday kismaayo lana soo kulmay madaxda Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo uu aaminsan yahay in aay mar un ka talindonaan soomaaliya in aay u soo magacaabaan safiirka Soomaalida koonfur Afrika. Dhanka kale, rag ka mid soomaalida kunool wadankan ayaa u socdaalay gudaha dalka Soomaaliya si aay uga soo dhaa dhiciyaan xildhibaano ay isku beel yihiin in loo magacaabo safiir nimada koonfur Afrika 

Jagada Safiirnimada oo meel walba aay u galayaan ganacsatada iyo madaxda hor kacdo jaaliyada Soomaalida ayaa waxaa ay noqoneysee arin aad ay ula yaabeen Soomaalida koonfur Afrika balse waxaa ay dadka soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan koonfur Afrika ku taliyeen in aay dowlada midnimada qaran soo magacaawdo shaqsi wax tar uleh umada soomalida guud ahaan iyo waliba kobcinta xiriirka labada dal.
Arinku waxaa uumarayaa Safiir un mar idhaha safiir ar idhaha

Abdinaasir Sh Abdikariim Naarmagale 
narmagale@hotmail.com
 
Johannesburg 
South Africa 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS