SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Sideen u Abuuri Karnaa Dhalinyaro Wadaniyiin ah,  Daacadna ah, islamarkaana aaminsan   Qaranimadii Soomaaliyeed

AbdiFatah Hussein Sabrie 
Boorama, Gobalka Awdal ( Somalia )

Wey adagtahay in la helo dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka badbaaday dhibaatada wadankeena ku habsatahay. Waa cajiib in maanta wadankeena la Iskugufaano qabiilka markaana wax lagu dhaco, lagu dilo la Iskuna awood sheegto aanan la tixgelin dadka lagu sheego in laga tira badanyahay balse aan laga aqoon badneyn, lagana cilmi badneyn.

Dadku haddey aaminaan waxyaaba kutiirsan koox kooxeysiga iyo qabyaaladda waxa cad inay waligood huromar aynaan gaarayn sida aan maanta marqaati ka nahay ku dhawaad 20 sanadood oo colaado iyo balaayo aan gacmaheena ku keensanay ay naga dhigtay kuwa aduunyada ka haray islamarkaana lahayste u noqday dagaalo, abaaro, faqiirtinimo, kheyraadkeena oo lalabaxo, anaga oo nalagu kor halgamo siyaasad ahaan IWM.

Waxa waddaniyiinta soomaliyeedey isweydiin mudan su’aalo badan oo ay tahay in laga munaaqashoodo. War sidee umaddaan uga dhaynaa Caabuqa haystay muddadaa in taa la’eg? Waa maxay sababta aan isku dileyno anagoo isku Af ah, isku Diin, iyo  isku Dhaqan ah? Ma diinteena, dadnimadeena iyo qiimaha dhulkeena ayaan hilmaanay?

Qofka maanta wax garadka ah ee aqoonyahanka waa inuu noqdaa mid ay dadku ku daysadaan uuna ku fikiraa sidii uu umaddeena  uga saari lahaa balaayada haysta islamarkaana uu ogaada muddadii dhererka badneyd ee wax lagu keeniwaayay dagaalada.

Bulshada haddey ka dhimato dhalinyarada waxa cad inay meel gaareynin sida Laga wariyay Nabigeena (S.W.C). Bulshadu waa inay leedahay niyad iyo fakir mideysan si aanan dhalinyarta loo kala qobqobin oo midba wax gaar ah loogu shubin sida maanta ka taagan wadankeena. Si markaa looga hortago dad danaystayaal ee doonaya inay dhalinyarta wax ku shubtaan, waa in dhalinyarta lawacyigeliyaa oo wax labaraa sida waddankooda, dadkooda iyo qiimaha waddaniyadda ay leedahay.

Haddii lamideeyo fikirka dhalinyarta iyadoo la isticmaalayo islamarkaana la darsayo wax had iyo jeer ka jira dalka  lana barbardhigaayo heerar ka markaa la taaganyahay iyo qorshayaasha loo dajiyay in uu barnaamijkaan ku hirgalo.

Waa in la abuuraan dhalinyaro waddaniyiin ah oo lagaxulaa bulshada dhaxdeeda iyadoo la adeegsanayo xubnaha ururka ee deegaan walba joogo waa inay barnaamijkaan abuuridda waddaniyiinta qeyb weyn ka qaatan. Sidee waddaniyiinta looga soo  dhex xulaa bulshada?

Waa in laraacaa qodobadaan si aan Jawaabta kore uga jawaabnaa:-

 1 - Waa in la tagaa Meelaha aqoonta diriska la tahay Sida,  Masaajidyada, schools- ka, Jaamacadaha.

     A)     Waa in Waddaniyiinta Masaajidyada loo dajiyaa barnaamij Fahamsiinayo qiimaha Diinta iyo waddanka, maxaa yeelay waxa laga yaabaa in culimada badankood ayna fahamsaneyn qiimaha uu dal leeyahay. Waa in la adeegsadaa dad cilmi dheeraad ah u leh Diinta Islaamka oo dadkaa loo sheegaa sida horumarka waddanka, umadda iyo dhowrista diinta ku jirto. Waan in la adeegsadaa Barnaamij wacyigelineed oo la dejiyay, ayna ka shaqeeyeen dad ku dheereya ama aqoon u leh maamulka iyo ka dhaadhicinta dadka barnaamijkooda. iyadoo la isticmaalayo habka ugu wanaagsan ee lagu helikaro tiro tayo leh, halkey ku haboonyihiin iyo waqtiga saxda ah ee loo baahanyahay.

      B) Schools ka, Waa in la abuuraa dhalinyar isku dhaf ah oo firfircoon iyadoo laga abuurayo plateform programms ama barnaamij taabuureed oo subax walba looga hadlayo waddaniyadda iyo waddaniyiinta Soomaaliyeed qiimaha ay leeyihiin.

   C)   Jaamacadaha waa in laga xulaa sidoo kale dad firfircoon oo aaminsan middowga Soomaaliweyn ayna ka go' antahay in sidii dhalinyartii S.Y.L Somalia guula ka soohooyaan oo waddankooda u damqadaan dhibaatada ka jirto. Sidaa ogtihiin saaxiibayaal waddaniyiinta Soomaaliyeedeey tusaale ahaan Dalka Malaysia oo maanta heerka sare technological iyo meela badanba ka gaaray waxa u fikiray 11 dhalinyar ah oo ahaa arday Jaamacadeed waxayna ku fikireen in Malaysia ay ka dhigaan waddan technologiyadiisu aad u sareyso ayna adduunyada la tartamaan marka wey ku guuleysteen run ahaantii oo waad arkeysaan inay tahay hooyada dhinac walba. Waa inaan ku daysanaa oo si weyn aan u aqrinaa sida ay ku guuleysteen.

2- Dadka caadiga ama bulshada ah:-

Ma aha in goobaha waxbarashadda kaliya waddaniyadda laga raadiyaa balse waxan   u baahanahay in dhalinyarta aanan    wax baran, ganacsatada, iyo dadweynaha caadiga ah aan ka dhaadhicinaa qiimaha waddaniyadda, midowga umaddadeena waa inay naga go'naataa middeynta Somaliweyn. Waa in qofwalba loo diraa shaqada uu ku haboonyahay. Waa in shaqadda dadka tooda wax ka badan qabto aan siinaa abaalmarin iyo haddiyooyin si qof walba waxa uu qabto loo xuso, loona      dhiirigeliyo shaqadda qeybaheeda kala duwan. Lagana fariisiyaa qofka shaqadiisa ka soo bixiwaaya, ka dib marka la siiyo tababaro iyo fursado kala duwan, markaas ka dib oo la raadiya  qofkale oo dhaama haddii aanan maamul wanaagsan yeelan shaqadeena ma soconeyso balse waa inaan isdhiirigelinaa Insha’allah.

Hadafkeena waa inuu ahaada mid dhiirigeliyo dhalinyarta, islamarkaana adkeeya shaqadda waa in dhalinyarta loo abuuraa Barnaamij lagubarayo dalkooda maxaa yeelay maanta dhalinyarta Soomaalidu ma yaqaanaan micnaha waddaniga iyo dalkaba.

Sidii dowladdii dhexe ay meesha uga baxday umaddii jahli dhibaato iyo dagaalo ayay faraha u gashay. Markaa halka dhalinyarta ay ka baran lahaayeen waddankooda waxay barteen qabiilka ay yihiin iyo cidda ay galaan. Waa wax si aad ah looga xumaado waxa waddankeena ka dhacay balse waa in laga gudbaa oo horay loo siisocdaa.

Dowlado badan ayaa dhibkeena mid ka daran soo maray  kana gudbay tusaale ahaan: Rwanda waxay iska dileen dagaaladdii Tutsi ga iyo Hutu ga ku dhawaad sagaal boqol oo kun (900.000) oo qof. Islamarkiiba dadkii Tutsi ga ahaa ee la laayay iyo kuwii wax laayay way ka baxeen dagaaladii oo way is cafiyeen.

Anigu waxan meel la daganaan jiray 2 nin oo Hutu ah iyo nin Tutsi ah oo waxaan isladhigan jirnay Jaamacad. Marka aad eegto dhaqanka dadkaa shaki ayaa kaa galayo inay waligood xasuuq dhexmaray haddane kan Tutsiga ah walaalkii iyo aabahii ayaa lagu dilay Xasuuqii Rwanda . Waxaan u yeeray mid ka mid ahaa 2 Hutu-ga waxana ka codsaday inuu macneeyo waxa uu yahay Tutsi iyo Hutu. Dabadeed inta uu ii soodhawaaday ayuu hoos iila hadlay asigoo iska eegayo ama iska ilaalinayo inay maqlaan kuwa kale, markaa ayuu igu yiri waxa la mamnuucay  in arimaha aad sheegayso xitaa la soo hadalqaado waxuuna  ii sii raaciyay kaasi waa Tutsi aniga iyo Rhory waxaan nahay Hutu balse waxan kaa codsanayaa inaad mar danbe aanan midkeen arinkaa weydiin.

2007 bishii March ayaan waxaan tegay magaaladda Caasimadda u ah Rwanda Airport ka waxa ku dhagan boor ay ku qorantahay fadlan ha weydiin qabiil hana ka hadlin marka aad Rwanda joogto waxana horay laysiiyay book ay ku qoran  tahay inaan barnaamijkaa aanan laga sheekeyn Karin waa dagaalada qabiilkee.

Waxaan isla soconay gabadh Tutsi ah oo walaalaheed iyo aabaheed lagu dilay 100kii maalmood ee xasuuqa  islamarkaana taqiinay dadkii dilay walaalaheed oo ay diris ahaayeen. Markii loo sooqabtay dadkii xasuuqaa ka danbeeyay way cafisay oo waxay ka doorbidday sida ay iisheegtay nabadda iyo is cafiska waddanka laga sameeyay.

Walaalayaal tusaalahaan dheer waxaan u soo qaatay inaan wax ka baran karno in qabiilka layska hilmaami karo oo wax wada qabsi loo soo jeesan karo, oo la abuurikaro dhalinyar saliim ah oo wax waliba  waddaniyadooda ka hormariso Insha’allah.

Marka la abuuro dhalinyartaa waddaniyiinta ah waa in laga gaaraa go’aamo wax ku ool ah oo lagu hago waddada hagaagsan ee waddaniyiinta loo baahanyahay inay qaadaan si ay uga miradhaliyaan waxay tiigsanayaan oo meel dhaxe aanan lagu caajisin oo uusan taayarka gaariga nooga banjarin.

Waa in la sameeyaa hab lagu abaabulayo waddaniyiinta iyo taageerayaasha loo sheegaa inay ku hagaan waddada sax da ah ee loo jideeyay, waa in la helaa taageeridda Bulshada Soomaliyeed meelwalba.

Ugu dambeyn haddii aan mabdaa iyo mid kasii weynba lahaano inaan waligeen banjareyn xitaa haddii aan ku soo hadhno 15 ama 5 qof laakiin waxaan filayaa haddii aan barnaamijka sii dhiiragelino inaan gaarno ilaa 10kun oo qof oo waddaniyiin    ah ilaa dalka oo dhan uu isku badalo dad waddaniyiin ah Insha’allah.

NB: Xasuuso, kuna Hami midowga shanta Somaaliyeed haddii ay taa kaa go’antahay si gaar ah ayaan isku kaashan doonaa anagoo ku biireyna dadka arintaan doonaayo inay u halgamaan insha’allah.

Waad mahadsantahiin,

W/Q: Abdifatah Hussein Sabrie
 Boorama, Gobalka Awdal, Soomaaliya

Xoghayaha Warfaafinta Ururka Waddaniga Soomaaliyeed                       

info@waddaniga.org                                                                                        

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS