SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Taariikhda Magaalo Madaxdii Dowladii Umuwiyintii ee Dimishiq 

 Dimishiq waa caasimada dalka Suuriya waana caasimadii ugu horeysay ee aduunka waxayna can ku noqotay cilmiga, aqoonta,
siyaasada, fanka iyo suugaanta carbeed. 
waxay noqotay caasimadii dowladii Islaamiga ee Umawiyiinta sanadkii 661 waxaana la ogyahay in laba kun ka hor dhalashadii nabi ciise (Nabad-galyo Korkiisa ha ahaatee ) uu hogaamiyihii Aaramiga ahaa ee Reyzuun uu ka aasaasay boqortooyadiisii magaalada Dimishiq uuna ka dhigtay caasimad. 

Waxay gaareysa tirada dadka ku nool magaalada Dimishiq 6,2 malyan oo dad ah tirakoob la sameeyay sanadkii 2004, qayb magaalada ka mid ah waxay ku talaa buurta dheer ee loo yaqaano Qaasiyuun waana qaybta ugu wayn Dimishiq, tasoo ay ka mid tahay magaaladii hore, waxaa dhinaca koonfurta ka maro wabiga Barada halka xaafadaha cusubna ay ku yaalaan dhinaca waqooyiga iyo galbeedka magaalada.
Magaalada Dimishiq waa wadnaha degmada Dimishiq taasoo ay ku hareereysanyihiin beeraha ugu dhoobada wanaagsan iyo buurta Qaasiyuun iyo ( rabwada ) Dimishiq 




Magaalada Dimishiq


Caasimada Aqoonta Carabta 

Waxay Dimishiq la soo kulantay xadaaradihii ugu muhimsanaa waxaana ku noola Dimishiq culumadii ugu caansanaa cilmiga iyo sugaanta sida gabayga iyo fikirka ,aqoonta ,falaka iyo caafimaadka , Daawooyinka iyo walibo boqoradii iyo hogaamiyayashii iyo suldaanadii, waxaa ku yaalay Dimishiq iskoolo laga barto taariikhda qof walbo oo cilmi rabo uu usoo doonan jiray.

Waxay magaalada Dimishiq ahayd waqti dheer caasimada aqoonta, waxaa lagu qabtaa dhaqdhaqaaqyo aqooneed waxana ku yaalo xarumo badan oo aqooneed oo suuriyaan ah iyo kuwa caalami ah sida xarunta aqoonta ee Faransiiska iyoxarunta aqoonta ee Isbaanishka iyo xarunta aqoonta ee Ruushka iyo xarunta aqoonta ee Jarmalka, waxaa kaloo ku yaalo Tiyaataro iyo Mutxafyo badan sida matxafka qoraalka farta carabiga, waxaana sanadkii 2008 loo doortay Dimishiq caasimada aqoonta ee Carabta 


Magaca iyo Goortii la Dhisay 

Waxaa la dhisay magaalada Dimishiq sagaal kun oo sano ka hor miiladda sida ay cadeynayan godod iyo goobo taariikhi ah oo u dhaw meesha la yiraahdo Tal al Ramaad 
waxayna sheegaan dadka wax baaraa inay tahay magaaladii iyo caasimadii ugu horeysay aduunka, waxayna caasimad ahayd waqtiyo badan oo kala duwan,dhinaca magaca magaalada waxaa jiro Aragtiyo badan oo taariikhi ah ,kuwaa soo isku khilaafay cadeynta macnaha magaceeda, waxana jiro odhaaho badan waxaana ugu dhaw aragtida dhahaysa waa weedh leh asal Aashuuri oo hore tasoo macnaheedu yahay dhulkii ubaxa, waxaana lagu magacabay Shaam oo laga wado Saam wiilkii nabi Nuux ( csw) 

Magacyada Magaalada Dimishiq 

Magacyada magaalada Dimishiq waxaa ka mid ah Daatu Alcimaad, Jabruun, Araam, Bitraamon, diimtaryaas, Jalaq, Duratu Alsharqi, Shaamatu Dunyaa, 
Shaam Shariif, Daamaska, Fiixaa, Daamaas, Diiymaaskos, Shaam, Madiinatu Alyaasmiin.

Furashadaii Islaamka Ka Hor 

Waxay noqotay Dimishiq Markii ay furteen Muslimta qarnigii todobaad magaalada ugu muhiimsan Islaamka iyo iftiinka cilmiga iyosuugaanta waxayna noqotay xilligii dowladii Umawiyiinta magaalo madaxda dowlada ugu wayn Islaamka, waxaa laga dhisay magaalada Qarsiyo badan ay lahayeen boqoradii waxaana dhismayaasha magaalada ugu muhiimsan masaajidka Umuawi kaas oo la dhisay wakhtigii uu Waliid Cabdi Almalik xukunka hayay wuxuuna ka mid noqday dhismayaasha ugu quruxda badan Islaamka, 



Masaajidka caanka ah ee Umawi

Qarniyadii Dhexe 

Qaybtii danbe ee qarnigii sideedaad ayaa waxay dowladii Cabaasiyiinta caasimad ka dhigatay magaalada Baqdaad kadib markii ay ka adkaatey dowladii Umawiyiinta oo caasimad u ahayd magaalada Dimishiq, markii uu daciifay xoogii dowladii Cabaasiyiinta ayaa waxay magalada Dimishiq ka mid noqotay dawlado ka dhinac abuurmay dawladii cabaasiyiinta, kadibna waxay ka mid noqotay dowladii Faadumiyiinta ee Masar looga talin jiray , waxaa marar badan weeraro ku soo qaday dowladii Qaraamiyada eyago gumeystay marar badan tasoo u keentay magaalada burbur iyo dhibaatooyin badan, Faadumiyiintii kadib waxaa la wareegay magaalada dowladii Saljuuqiya, 
wuxuu Muciinu Aldiin Anz ladagaalamay ciidamadii Saliibiyiintii ee Faransiiska ahaa, wuxuuna ka hortagay ( xisaarkii ) ay ku haayeen ciidmadooda magaalada Diyaara ee u dhaw Dimishiq, wuxuuna difaacay magaalad iyo xiriyadeeda, markaas kadib waxaa yimid Nuuraadiin Maxamed Zanki wuxuuna caasimad ka dhigtay magaalada Dimishiq waxayna sidaas ku noqtay Dimishiq casimada Ayuubiyiinta .

Waxyaabahii ugu muhiimsanaa waqtigaas waxa ka mid ah Mutxafka cilmiga caafimaadka iyo Musqulaha(Xamaam)lagu qubaysto ee Nuurudiin Al Ayuubi ee ku yaalo Beezuuriya
waana ( xamaamaatkii ) ugu horeeyay magaalada Dimishiq ilaa iyo hadan waa la adeegsadaa , sidoo kale waxyaabaha caanka ay ku tahay magaalada Dimishiq waxaa ka mid ah Qalcadeeda afarta albaabka leh tasoo ay ka dhigteen madax badan oo ay ka mid yihiin Nuurudiin Alzanki iyo Salaaxudiin Al Ayuubi iyo boqorkii Daahir Beybaris meel ay dagaan, 

Casrigii Mamluukiga iyo Cismaaniyiinti 

Waxay ahayd Dimishiq gobolka ugu wayn uguna muhiimsan saldhanadii Mamluukiyiinti waxana loo bixiyay Gobolka Shaam waxay xuduudeeda gaaraysay dhinaca Bariga iyo waqooyiga Furaat iyo Rustun dhinaca galbeedkana bada dhexe dhinaca koonfurtana Qaza iyo Karak, waqtigii suldaankii Daahir Beebaris iyo suldan Qaaloon ayay magaalada sifiican u dhisantay waxaana laga dhisay masaajido iyo iskoolo badan, waxeyna dhamaatay dowladas markii ay ciidamadii Teymorland soo galeen markasoo ay burburiyeen magalooyinkii Islaamka oo ay ka mid tahay magaalada Dimishiq 

Markii laga adkaaday Mamaaliikdii sanadkii 1516 waxay Suuriya ka mid noqotay Dowladii Cismaaniyiinta markaso Dimishiq ay noqotay magaalada labaad ee ugu wayn uguna muhiimsan dowladii Cismaaniyiinti markaasoo Istanbul ay ahayd magalada kowad iyo caasimada dowlada Cismaaniyiinti, waxay Hogaamiyaashii Cismaaniyiinti siiyeen magalad Dimishiq ahmiyad aad u wayn waxayna u bixiyeen Shaam Shariif, waxay caan ku ahayd magaalada Dimishiq ganacsiga iyo cilmiga iyo wax soo saarka iyadoo sidoo kale ahayd meel ay ku sii nastaan dadka u socdo Xajka waxayna ku dadaleen madaxdii ka talinaysay sugida amniga magalada iyadoo sidoo kale ku dadaalay dib u hagaajintai masaajidada iyo xamaamatka lagu qubaysto iyo suuqyadii qadiimka ahaa, waxana laga dhisay magaalada qarnigii sideed iyo tobonaad 
guryo loo yaqaano Guryihii Dimishiq , waxaana ugu caansan Guriga Khaalid alcadam iyo Guriga Axmed Subaaci iyo Guriga Naabulisii iyo Guriga Daxdaax iyo Guriga Macalim waxayna dalxiisayaashii magaalada soo booqday ay aad ula yaabeen guryahas aadka u quruxda badan 


Qabriga Salaaxu diin Al Ayuubi 


Gumaysigii Faransiiska 

Intii uu socday dagaalkii koowaad ee aduunka 1914-1918 ayaa waxay labadii dowlad ee islajiray Turkiga iyo Jarmalka ay Dimishiq ka dhigteen saldhiga ugu muhiimsan ciidankooda, sanadkii 1918 ayaa ciidankii kacdoonkii Carabta ay xoreeyeen magaalada Dimishiq iyagoo gacan ka helay dowlada Ingiriiska waxayna ku dhawaqday bishii marso ee sanakii 1920 in ay tahay caasimada dowlada carabta ee madaxa banaanoo uu maamulkeeda qabtay boqor Faysalkii kowaad, laakiin waxay bishii julay ee isla sanadkaas ku dhacday gacanta Faransiiska marar badan ayay wadaniyiin Suuriyiinta ahaa ka saareen Faransiska magalada intii uu socdo kacdoonkii Suuriya ee waynaa 
taasoo ka bilaabatay buurta loo yaqaano Buurta Carabta ee ku talo konfurta Suuriya, waxay ku duqeeyeen Faransiiska magaalada diyaarado waxayna ugeysteen magaalada dhibaatooyin badan, guuldaradii Faransiiska sanadkii 1940 ee dagalkii labaad ee aduunka ayaa waxa magaalada la wareegay dowladii Fiishiga ahayd ee Jarmalka hoos imanaysay lakiin ciidamadii Faransiiska ahaa iyo ciidamadii Ingiriiska ayaa waxay qabsadeen sanadkii 1941, waxayna Suuriya Faransiiska ka xorowday sanadkii 1946 waxayna noqotay dowlad gaar ah.



suuqa caanka ah ee Xamiidiya



Xaafadaha Magaalasah Dimishiq iyo ( Macaaliimtooda)


Waxaa magalada Dimishiq ku yaalo xaafado badan oo taariikhi ah iyo xaafada badan oo cusub, waxaa ka mid ah xaafadaha taariikhiga ah xaafada,
Dimishiqdii qadiimka ahayd ( دمشق القديمة ) oo ay hoos yimaadaan xaafada badan oo qadiim waxaana ku hareereysan darbi logu tala galay.
Xaafadaha cusub ee ku yaalo magalada Dimishiq waxaa ka mid ah xaafada Miidaani, Alshaquur, Saalixiya, Jisir al byad, Al mazraca, Al muhaajiriin, 
Al maaliki, Ruknudiin, Almaza, Abu rumaana, Baabtuuma, Kafarsuusa, Barza, Baraamka, Zaahira, Mukhayam yarmuuk, Qaabuun.
waxayna caan ku tahay magalada Dimishir ee qadiimka wadooyin yaryar iyo guryo isku dhawdhaw oo ka samaysan dhagax. 
markii ad dhax marayso waxad daremeysaa sidii in aad taariikh dhaxgashay kan waa masaajid qadiim ah tana waa kaniisad taariikhi ah 
kana waa qabti saxaabi ama boqor ama calim ama hogamiye. Dimishiq waxaa ku yaalo in kabadan 200 oo masaajid waxaana ugu muhiimsan masaajidka 
wayn ee umawi wuxuuna ka mid yahay waxyaabaha ugu caansan islaamka, waxaa sidoo kale ka mid ah masajidada canka ah masaajidka Altakiyatu Alsalmaaniya oo uu dhisay suldankii Cusmaaniga ahaa ee Saliim Al awal sanadkii 1516 kii iyo masaajidka Sanaaniya.


Buurta taariikhiga ah ee Qaasiyuun 

Xasan Cabdisalan Guleed 
Jerara10@hotmail.com

Tixraaca sawira| www.wikimedia.org 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS