SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wasiirka Isboortiga Dowlada Midniamada Qaran Md,Suleebaan Colaad Rooble"..Hadii Gudi Olonbig oo 20 qof ah aan Ku Filnaan weyney ilaa Taakuleyn aan Caalamka ka Helno, Goor maan ka gudbikarnaa..."

Sawirada ka daawo Halkan...

Gudoomiyaha cusub ee GOS Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish)"sida Qaranka loo dudumiyey oo Garoomadeena loo dudumiyey ayaa Ciyaartoyada..."

Gudoomiyihii hore ee GOS Md, Cabdiqaadir Gacal Abkoow "maskaxdeena iyo jirkeena waxaa ku jira 55 Sano oo Is-boorti ah, hadii uu qof isku dayo inuu banaanka nageeyo, isagaa daalaya..."

Gudoomiyihii hore ee GOS Md, Cabdiqaadir Gacal Abkoow oo doorashadii kadib hadal dardaaran ah ka jeediyey ayaa wuxuu yiri "Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed wuxuu soo gaarey wixii aan ku heshiiney in la fuliyo oo qofkii la doono la doorto, qofkii kalena laga tago, waxaan filayaa inaan sameyney Is-bedel, shir Is-boorti oo laysugu yimaado oo aan is-qabqabsan ma jiro, shirkaan siduu rabo haku dhaco wax dhibaato iyto cuqdad ay nagu abuureyso ma jirto, laakiin waa inaan wadadeeda laga leexinin sababtoo ah, meesha ay galeyso waad wada garaneysaan hadii ay wadadeeda ka leexato, in yar baa dabaasha taqaan, 19959 ilaa iyo maanta waa doorashadii ugu horeysey ee gudiga Olonbikadsa Soomaaliyeed uu yeesho, waligeed lama dooran waa la magaaci jirey, maskaxdeena iyo jirkeena waxaa ku jira 55 Sano oo Is-boorti ah, hadii uu qof isku dayo inuu banaanka nageeyo, isagaa daalaya, waan ogolahay doorashada Soomaaliya ha midowdo, ha is raacdo, Is-boortiga haka baxo nux nuxda hoose, Hambalyo ayaan leeyahay Wasiirka Is-boortiga furfurnaantiisa ee uu ku doonayo in hore looga sii socdo halka ay joogto, wuxuuna naga balan qaadey, Is-boortiga inuu doorweyn ka qaadan doono" 

Aadan Xaaji Yabaroow (Wiisha) ayaa loo doortey Gudoomiyaha Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed 18/03/2009, kadib markii tartan ay wada galeen Gudoomiyihii hore ee GOS Md, Cabdiqaarir Gacal Abkoow iyo isaga, xubnaha codeynayey oo tiradoodu gaareysey 19 xubnood ayaa markii doorashada ay dhamaatey waxay u kala heleen 18 cod waxaa heley Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish), halka Cabdiqaadir Gacal Abkoow uu heley hal cod oo sidaasna doorashadii xilka Gudoomiyaha Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed ay ku dhamaatey, iyadoo markii ay dhamaatey doorashaduna Gudoomiyaha lagu soo wargeliyey in xaaskiisa ay geeriyootey, taasoo farxadii doorashada wax badan ka badeshey.

Gudoomiyaha Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow( Wiish ) oo isna meesha ka hadley ayaa wuxuu yiri "Ciyaartoydeena hadii la baxo waa laga soo badiyaa, sababtoo ah ciyaaraha Olonbikada Aduunka ayaan la qabnaa, anagu waanu nahay Soomaali, dadka dhibaateysan waa Soomaali, waxa bur burey waa Soomaali, waxa na dhibaateeyey waa Soomaali, waxa qaxay waa Soomaali, marka anagu Soomaalida ayaan ka mid nahay ee dad kale ma nihin, waxaa dhacay ayaan ka mid nahay anagu, ma jirto ciyaar Olonbik ah oo aan ka qabgelin oo aduunka ka dhacdey intii bur burka, hadana dhaliil ayaa naloo soo jeediyaa, intii nala amaani lahaa, marka waa in la fiiriyaa dadka dhibaatada ku dhacdey 20-kii sano, hadana aan ku jirno inaan sare u qaadno Is-boortigii Soomaaliyeed, taas ayaa muhiim ah, sida Qaranka loo dudumiyey oo Garoomadeena loo dudumiyey ayaa Ciyaartoyada u aragtaan, qalab malaha iyo tababar, lamana xareeyo ruux kasat gurigiisa ayey noloshiisu ku tiirsan tahay sidaas ayuuna ku yimaadaa, marka dhamaanteen hadii aanu nahay gudiga hal doon ayaan wada saaranahay ee yaan la liic liicin sida ay tahay haloo wado" ayuu ku yiri Wiish xirintaankii Doorashada shirka Khudbadiisa.

Gonaanadkii xiritaanka kulanka shirweynaha doorashada Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qayb galey Wasiirka dhalinyarada Is-boortiga Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya Xildhibaan Saleebaan Colaad Rooble

"marka hore waxaan u mahad celinayaa Cabdiqaadir Gacal Abkoow mudadii uu xilkaan hayey, sida sharafta leh ee uu u wareejiyey iyo meesha uu soo gaarsiiyey oo ah meel uu ku mudan yahay amaan, wuxuuna baaqi kusii ahaan doonaa Bahda is-boortiga, in xil la doortaa wax fudud ma ahan, waxaa loo baahan yahay mushkilad markaa jirtey inuu wax uga qabto ayaa loo baahan yahay qofka mas'uuliyada qaadey, hawsha idiin taalo hawl yar ma ahan ee waa hawl aad u baaxad weyn, dhalin yaradeena waad ogsoon tihiin sida ay meelo badan ugu dayacan yihiin, qofka mas'uuliyadaas qaadey, inuu iska qaato mas'uuliyadii Ummada lahayd inta gaari yar uu isaga leeyahay isaga dhexwato ama guri la seexdo Ummadii waa khiyaamayaa, Naftiisuna waa khiyaamayaa Ilaahayna waa u caroonayaa, waxaan rajeynayaa in caradii ilaahay ka nabadgeliyo, aniga waxay iitahay Nasiib wanaag hadii aan la soo kulmey waxaan hore u dhicin, sida la sheegey, in Olonbikada aysan hore hore ku qabsan shir una dooran mas'uulkeeda, inaan maanta goob joog ka ahaado, Soomaalidu dhaqan bey lahaan jirtey, laakiin waxaad moodaa in dhaqankii isaga ahaa inuu bur burey, goormaan ka bixikarnaa inaan ku tiirsanaano gacan shisheeye, markaan shir noocaan oo kale qabsaneyno oo aan anagu isku filnaan karnaa, hadii Gudi Olonbig oo 20 qof ah aan ku filnaanweyney ilaa taakuleyn aan caalamka ka helno, goor maan ka gudbikarnaa hay'adihii Dowlada iney ku tiirsanaadaan UNDP, Soomaalidu sow tii ka xishon jirtey ma ahayn markey gaajo dareento in guriga ay hoos ksoo xirato, wax isii inta ay dhihi lahaayeen darteed" ayuu ku yiri Saleebaan Colaad Rooble gunaanadkii khudbadiisa.

Inkastoo doorashadan lagu qabtey Xarunta shirarka Kulan ee caasimada dalka ay ka duwaneyd qaababkii hore wax loogu doortey, islamarkaana ay goob joog ka haayeen Loyar, ayaa hadana waxaa ka soo qaybgaley Gudoomiyaha Gudiga Olonbikada Jabuuti Caaho Garaad, xubin ka socotey IOC oo lagu magacaabo Masheel, xubno kale oo ka socdey Ururada Is-boortiga Jaaliyadaha Dibadda Soomaaliyeed, waxaa ku xigeenka koowaad loo doortay mudane Duraan Axmed Faarax, halka labaad iyo saddexaadna loo kala doortay garsoorihii hore ee kubadda cagta mudane Xaaji Cabdi Cilmi Warsame iyo guddoomiyihii hore ee naadiga Elman mudane Xasan Axmed Cabdi, Waxaa sidoo kale lagu doortey goobta xoghayaha guddiga GOS C/Laahi Axmed Tarabi oo asagu horey u hayey xilkaasi ayadoo ay doorashadan qaab u socodkeedana goobjoog ka ahaayeen guddiyada olimbikada adduunka, dhamaan xubnihii ka soo qabgaley doorshada sidey u dhan yihiin ayaa waxay uga tacsiyeeyeen Gudoomiyaha cusub ee GOS geeridii naxdinta lahayd ee ku timid xaaskiisa.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS