SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Afgooye: Hay’adda SWACRO oo Qalab Waxbarasho Gudoonsiisay mid ka mid ah Iskuulaadka Hoos yimaada

Sawirada Dugsiga Halkan ka daawo...

Hay’adda SWACRO oo ah hay’ad qaabilsan daryeelka carruurta iyo haweenka ayaa mid ka mid ah dugsiyadda Hay’adda hoos yimaada oo ku yaala degamada Afgooye ee gobolka SH/hoose ayaa waxay gaarsiiay qalab waxbarasho oo loogu talagalay ardayda wax ka barata dugsiyadooda, waxaana qalabkaasi waxbarasho Hay’adda SWACRO ugu deeqay Hay’adda Carruuta ee UNICEF, waxayna ka koobnaayeen Buugaagta wax lagu barto, kuwa wax lagu qoro, Qalimaan, Jeestooyin iyo Qalabka Farshaxanka loo isticmaalo.



Amiin Yuusuf Khasaaro oo ah guddoomiye ku xigeenka Hay’adda SWACRO iyo Yaasmiin Mayow Max’ed oo iyana Xoghayaha Hay’adda ayaa ardayda u qaybiyey qalabkaas waxbarasho, waxayna xubnahaan hal maalin la soo joogeen ardyadaas si ay u ogaadaan heerkooda waxbarasho, sidoo kale waxay ka qaadeen imtixaano, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Macalimiinta dugsigaasi oo iyagu u mahadceliyey intii isku soo hawshay qalabkaasi.



Hay’adda SWACRO (Somali Women And Child Rescue Organization) waa hay’ad inta badan isku hawsha sidii ay gacan u siin lahayd Carruurta iyo Haweenka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, waxayna mudadii ay hay’addu dhisneed ay uruurisay carruur fara badan kuwaas oo ay siisay waxbarasho lacag la’aan ah, maadaama carruurtu ay u badan yihin kuwo agoon ah, waxayna hay’addu mahadcelin gaar ah u jeedisay hay’adda UNICEF, waxayna u soo jeedisay in ay halkaasi ka sii wado hawlaha ay gargaarka ugu fidinayaan carruurta Soomaaliyeed.

Sawirada Dugsiga Halkan ka daawo...

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS