SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shaqaalahii WFP/UNDP ee lagu afduubay Soomaaliya oo la siidaayey

Sida laga soo xigteyhay'adda qaramada Midoobey waxaa la siidaayey afartii qof ee shaqaalaha u ah WFP iyo UNDP ee Qaramada Midoobey ee lagu afduubay Soomaaliya.

Afarta qof ee la siidaayey ayaa kala ah: Cali Deeqow (Soomaali) iyo Marc Andre Post (Fransiis) oo labaduba ka shaqeeya WFP iyo Paul Bampo(reer Ghana) and Miragha Babayev (reer Azerbaijan) oo labaduba ka shaqeeya UNDP.

Wararku waxay sheegeen in aan wax dhibaato ah loo geysan shaqaalahaas la afduubay.

Shaqaale ka tirsan Hay’adda WFP oo lagu afduubtay gobalka Bakool. (Warkii afduubka ka hor intii aan la siideyn)

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool gaar ahaan degmada Waajid waxay sheegayaan in halkaasi laga afduubtay saddex qofood oo u shaqaynayay hay’adda WFP iyo UNDP oo ajnabi ah iyo waliba Qof Soomaaliya ah, waxaana la sheegay in afduubkaan ay ka dambeeyeen kooxo si aad ah u hubeysnaa oo ka watay xarunta Hay’adaha ee Degmada Waajid, ilaa iyo haddana lama garanayo halka lala aaday shaqaalahaasi.

Degmada Waajid ayaa maalmahan xarun u ahayd shaqaalaha Qaramada Midoobey, kuwaas oo si nabad ah uga hawlgalayay degmadaasi, waxaana gacanta ku hayay degmadaasi Urur Diimeedka Al-Shabaab.

Saddexdaan shaqaale (ee ajnabiga ah) ayaa labo ka mid ah waxay u shaqaynayeen hay’adda WFP, mid ka mid ahna waxa uu ka hawlgalayay hay’adda UNDP, ilaa iyo haddana lama caddeynin halka ay ka soo jeedaan shaqaalahaasi.

Shaqaalaha ajnabiga ah ayaa waxay bartilmaameed u noqdeen kooxo hubeysan kuwaas oo la sheegay in ay ka helaan lacag madax furusho ah oo aad u fara badan, waxaana dhawaanla sii daayay labo Haweenay ah oo u dhashay dalka Talyaaniga oo la sheegay in laga bixiyey lacag gaareysa Labo Milyan oo Doolar.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Dagaalo weli ka sii socda deegaano ka tirsan Degmada Ceel-Buur.

Wararka naga soo gaaraya Degamda Ceel Buur ee gobolka Galguduud waxay sheegayaan in halkaasi ay weli ka sii socdaan dagaaladii u dhexeeyey ururka Al-Shabaab iyo Ururka Ahlu-Sunna Waljameeca, waxayna dagaaladaani galeen maalintii labaad, iyadoo lagu isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwa, ilaa iyo haddana waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 20 qofood oo ah dhinacyadii dagaalamayay iyo 10 qof oo ka mid ah dadka deegaanka, waxay kaloo dagaaladaani sababeen barakac aad u baahsan iyadoo dadkii dhaawaca ahaa intooda badan la gaarsiiyay degmooyinka Ceel-Buur iyo Guriceel.

Dagaaladaan ayaa la sheegay in ay daba socdaan dagaalooyin horey uga dhacay gobolkaasi oo ay ku dhinteen dad fara badan isla markaana ay ku barakaceen dad kale oo aad u tiro badan, ilaa iyo haddana ma jirto cid kala dhex gashay labada garab ee halkasi isku haysata, waxa uuna afhayeen u hadlay ururka Al-Shabaab sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalkaasi, halka afhayeen isna u hadlay Ahlu Sunna Waljameeca uu sheegay in dagaaladaasi ay guulo waaweyn ka gaareen. Ururka Xisbul Islaam oo horey dagaaladaan aan ugu jirin ayaa dhawaan afhayeenkooda waxa uu sheegay in ay qayb ka yihiin dagaalkaan dib u soo cusboonaaday, isagoo sheegay in deegaanadaasi ay ku soo duuleen wax uu ugu yeeray kooxo gacan ka helaya caddowga ummadda Soomaaliyeed ee Itoobiya.

Dagaaladaani waxa ay ku soo beegmeen xili ay deeganadaasi ay ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan, mana jiraan wax dadaalo ah oo ku wajahan sidii xal loogu heli lahaa dagaaladaasi, maadaama maalinba maalinta ka dambeysa ay sii xoogeysanayaan, waxaana labada dhinac soo kala gaaraya gurmadiyo uga kala imaanaya magaalooyinka Guriceel iyo Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS