SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wasiirka wasaarada arimaha Bani'aadanimada iyo dib u dejinta oo shir jaraa'id kaga hadlay qorshihiisa xaga wax qabadka ah

Wasiirka wasarada arimaha binadanimada iyo dib u dejinta ee dowlada Midnimo Qaran ee dhawaan dalka Djabauti lagu soo dhisay Dr Maxamuud Abdi Ibraahi ( garweyne ) ayaa markii ugu horeysay Axaddii shir jaraid ku qabtay magaalada Muqdisho .

Wasiirka ayaa ugu baaqay hay.adda samafalka iyo dowladaha deeqa bixiya in ay kaalmo bini adanimo oo deg deg ah la soo garaan dadka guryahoodii kaga cararay madaafiicdii iyo iska horimaadyadii mudada socday ee haatan ku dhibaateysan duleedyada magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba dalka dagaaladu aafeeyeen ee somaliya iyada oo uu soo dhowyahay xiligii raababka .dhaxanta iyo qabowga ,

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in la joogo xiligii loo diyaar garoobi lahaa roobabka iyo qabowga waxaana la gudboon beesha caalamaka iyo hay.adda deeqaha bixiya in ay somalida ka caawimaan dhibaatooyinka laba lixaadsaday ee uu sababata dagaalada dabada dheeraaday ,

Dr Maxamuud Abdi Ibraahi ( garweyne ) waxa uu yiri “waxaan ka dalbanaynaa hay.addaha gargarka in ay la soo deg degaan wixii gar gar ah waxaana u sheegaynaa in weliba xiligii roobka uu foda inagu soo haayo

Wasiirka wasarada arimaha biniadanimada iyo dib u dejinta ee xukumada KMG somaliyeed ayaa dhanka kale shirkiisa jaraid ku sheegay in wasarada arimaha biniadanimada ay ahmiyada koowad siineyso dadka guryahoodii ka barakcay ee daadsan geedaha hoostooda

Wasiirka ayaa cadeeyey in ay ka go.antahay in uu wax u qabto dadka tabaalaysan ee gaajada .cudurada .iyo hoyla.aanta ay la so gudbonatay intii dalku u ahaa dowlad la.aanta

Waa markii ugu horeysay ee wasiir ka socdo dowlada midnimda qaran ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sh Shariif Sh Axmed uu muujiyo dabacsanaan sidaan oo kale ah taas oo ku aadan dadka guryahodii ka barakcay eek u dhibnaataysan daafadaha qaar ka mid ah magaalooyinka dalka iyo dibada

Dr Maxamuud ( garweyne ) ayaa shirkiisa Jaraid ka dib wuxuu saxaafada u qeybiyey qoraal luqada ingiriiska ah oo loogu lata galay in ay aqristaan cidii ay quseyso ee aan aqoon u laheyn afka somaliga


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 16, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS