SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Wiil u dhashay dalka Soomaaliya Ayub Daud ayaa xalay kulankiisii u horeeyay u saftay kooxda Juventus oo ka mid ah kooxaha ugu facaweyn dalka Talyaaniga iyo Caalamka.

Ciyaarahan Ayuub Daa'uud ayaa hore Kooxda Juventus uga tirsanaa da'yarta ay barbaarsato ama mustaqbalka Juventus Youth Academy, isagoo ka ciyaari jirey

koobka cayaaraha dhalinyarada ee loo yaqaan Primivera ayaa xalay markii ugu horeysay si toos ah ugu soo biiray cayaartoyda kooxda waaweyn ee Kooxda Juventus ( Seria A), kadib markii uu wacdaro ka dhigay Ciyaarihii da'yarta Juventus iyo koobkii lagu qabtey bisha Febaraayo tartan loo qabtey kooxo caalami ah.

Ayuub Daa'uud ayaa ka soo jeeda Qoys Isboorti ah oo caanka ah Isboortiga dalka Soomaaliya gaar ahaan kubadda cagta,tusaale ahaan Aabihii Daa'uud Xuseen iiidoow waxa uu ahaa ciyaaryahan caan ah oo ka tirsanaa laacibiinta kooxda kubadda cagta Jeenyo ( LLPP) ee Wasaarada Howlah guud , halka Abtigii Ayuub Sheekh Abuukar Allaha u raxmadee isna waxa u ahaa laacib caan oo ka tirsanaa kooxda Jeenyo LLPP isla markaana noqday macalinkii kooxda kubadda cagta Jeenyo, Ayuub waxaa lagu magacabay Abtigii Ayuub.

Ayuub Daa'uud isagoo 5-sano jir ah ayay qoyskiisa Dalka Talyaaniga yimaadeen, isla markaana mrkii u gaarey 8 sano ayuu ka mid noqday kooxda Kuuna kadibna sanadkii 2000 ayaa waxaa si toos ah ula wareegtey Dugsiga caruurta mustaqbalka kooxda Juventus ilaa heshiis rasmi ah la galeen bishii hore aaqirkeeda kadib markii koob loo qabtey kooxaha dhalinyarada uu wacdaro ka muujiyay isla markaana uu 8 goal ku qaaday goal dhalinta tartankaas, taasoo keentay in kooxo waaweyn ay damcaan inay la wareegaan laacibka da'yarta ee Ayub Da'ud , kooxahaasna waxaa ka mid ahaa West Ham, Villareal, Hamburg iyo Totenham, arinkaas oo ku qasabtey inay maamulka kooxda Juventus inay heshiis dheer la galaan si laacibka curdunka ah loola baxsan madaama ay waqti badan uu ka tirsanaa kooxda mustaqbalka Juventus ee da'doodu ka hoosayso 19 sano jirka.

Ayub Da'ud waa 19-sano jir islamarkaana ciyaaryahan ka ciyaara baalka bidix 11 hasayeeshee Ayub labadiisa lugood waa isugu mid bidix iyo midig ku laadida kubadda ama ku xariiftanka (masha Allah) darabada u laadano waxaa la sheegaa inay holac ka baxdo,isla markaana goalhayayaashana ay ku abuurto welwel iyo cabsi, taasina waxaa sii dheer in taageerayaasha kooxda Juventus-na waxay ugu yeraan falaartii Juventus sida uu BBC-da ka sheegay suxufiga Sports BBC Somali ee ka faalooda barnaamijka Cayaaraha Aden Sabriye, laacibkan Soomaaliyeed waxaana hubanti ah inuu yahay ciyaaryahan farsamo iyo qibradiisana ay sareyso.

Tababaraha Kooxda Juventus Ranieri ayaa xidiga Soomaaliyeed markii ugu horeysay u xushay cayaartoydiisa u ciyaareysa Kulamada Seria A-da Talyaaniga, waxaana uu xalay soo fariisiyay kursiga Keydka.

Cayaarta xalay kooxdiisa la ciyaareysay Kooxda Juventus oo ay kaga itaal roonaadeen 4 iyo 1 ayuu nasiib u yeeshay inuu cayaarto soo galo dhamaadkii cayaarta, isagoona aan fursad loo siin inuu soo bandhigo farsamadiisa ciyaareed, balse Macalinka Juventus ayaa ku tilmaamay jiil cusub.

Ayub Da'ud ayaa ciyaarta markii ay mareysay 88-dii daqiiqo waxaa uu badalay Cayaaryahan Giovinco oo dhaliyay goolka bar baraha ee Junventus oo qeybtii hore ee ciyaarta gool lagu lahaa.

Ka hor inta aysan Kooxda Juventus ka soo qaadan ciyaarahanadeeda jiilka soo koraya waxaa dooneysa Kooxda Totenham ee dalka Ingiriiska, waxaana uu haatan u qandaraaska uu ugu joogayaa Kooxda Juventus ilaa sanadka 2013.

Ciyaarahan Ayub Daud ayaa noqonaya ciyaaryahankii u horeeyay ee Soomaali ah oo u safta mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn ee ka dhisan Qaarada Yurub, gaar ahaan Horyaalka Talyaaniga ee loo yaqaan Seria A-da, balse waxaa jira ciyaaryahan kale oo hoyadiis Soomaali tahay oo isna ka dheela dalka Talyaanigakoox ka mid kooxaha Seria A iyo xulka Qaranka Talyaaniga.

Ciyaartooydii hore kooxda Jeenyo iyo Taageerayashooda ayaa si weyn u soo dhaweeyay laacibka mustaqbalka Ayuub Daa'uud isla markaana u rajeeyay guul iyo mustaqbal wanaagsan, halka Bahda Sports Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan la dhacsan ka mid noqoshada Ayuub Daa'uud laacibkaan Soomaliyeed kooxda Juventus oo caalamka dhan laga yaqaan, dhacdadan ayaa noqon doono mid u horseedi doonta in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaan inay kaga daydaan dadaalka dheer uu soo marey Ayub Da'ud inuu gaaro heer wanaagsan.

Waxaan halkaan hambalyo uga direynaa Laacibka Soomaaliyeed Ayub Da'ud iyo waalidiintiis sida Aabihiis Daa'uud Jeenyo iyo hooyadiis Ayub ee gacanta ku siiyay inuu gaaro heerkan uu maanta gaarey wiilkooda Ayub oo ah mid taariikhi ah isla markaana magacii Soomaaliyeed kor u soo qaadaya oo aan ku faani doono hada iyo wixii ka dambeeya.

Ayub Da'ud wareysi uu siyay jaraa'id ka soo baxa dalka Talyaaniga ayuu ku sheegay inuu jecel yahay in mar un u xirto maaliyada xulka Qaranka dalka Soomaaliya isla markaana uu mar walbo ku riyoodo, Ayub waa uu sii hadlay waxa u yiri mar ay su'aaleen inuu jeclaan lahaa inuu xulka dalka Talyaaniga u safto waxa u yiri waa laga yabaa laakinse Soomaaliya ayaan jeclahay taasoo lama filaan ku noqotey in wiilkan yar xulka dalka Talyaaniga oo caalamka dhan laga yaqaan inuusan ka soo qaadin wax weyn balse weli ay ku weyn tahay sharafta dalkiisa madaama Abihiis iyo Abtigiisba ay xulka Qaranka dalka Soomaaliya u soo dheleen.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor & SSPAMEDIA
London
mrsomalia@hotmail.com

Sawirka: Google Images

Faafin: SomaliTalk.com | March 16, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS