Shir ay lahaayeen Ganacsato Jabuutiyaan iyo Faransiis oo lagu soo
Gebagebeeyey Hoteel Kempinski iyo Booqasho ay ku tageen Ganacsato Faransiis iyo
kuwa Dalallka Khaliijka ka socda Dekada weyn ee DOORAALE
- Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Sawirada halkan ka daawo.....
Kulan balaaran oo ujeedadiisu ahayd wadahadal ay yeelanayaan Ganacsatada dalka
Jabuuti iyo kuwa Faransiiska oo socdey laba maalmood, furitaankiisa ay kasoo
qaybgaleen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada dalka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta,
inta badan Golihiisa Wasiirada, ganacsadata waaweyn ee dalka Jabuuti, qaybo
badan oo ka mid ah xubnaha Diblomaasiyiinta joogta dalka Jabuuti, in ka badan 20
xubnood oo ka socda shirkadaha ganacsiga dalka faransiiska, 4 Bangi oo ay ka mid
ahaayeen Bankig horumarinta Islaamka, kan Afrika, mid kale Faransiis ah ayaa
lagu qabtey Hoteel Kempinski ee Caasimada dalka Jabuuti 14/3/2009-ka.

Sawirada oo weyn halkan ka daawo.....
Furitaanka kulanka ayaa waxaa ka Hadley Ra’iisul Wasaaraha dalka
Jabuuti Dileyte Maxamed Dileyte, Safiirka Faransiiska iyo xubno kale,
gunaanadkii kulankii hore ayaa xubnaha ganacsatadii kala duwanaa ayaa waxay
socdaal gaaban ku tageen Dekada weyne ee Dooraale oo dhawaan laga furey dalka
Jabuuti, dekadaasoo ah Dekeda weyn oo ay markiiba kusoo xiran karaan ugu yaraan
3 Markab oo waaweyn nooca xamuulka qaada ah.
Gunaanadkii kulanka labada maalmood socdey ayaa ganacsatada dalka Faransiiska
waxay balan qaadeen in sida ugu dhakh-saha badan ay dalka Jabuuti ka sameyn
doonaan maalgashi dhinacyo kala duwan leh.
Gudoomiyaha Ganacsatada dalka Jabuuti Siciid Cumar Muuse oo aan wax ka weydiiyey
Ujeedada kulanka iyo cida ka soo qabgashey ayaa wuxuu yiri “shirka waxaa isugu
yimid Ganacsato Faransiis ah iyo kuwo dalka Jabuuti oo ay ka mid yihiin lixda
wadan ee laysku yiraahdo Khaliijka, sidoo kale waxaa ka soo qayb galey 4 Bangi
oo ay ka mid yhiin Banka Horumarinta Islaamka, kan Afrika iyo laba kale oo uu ka
mid yahay Banki Faransiis ah, waxaa keloo ku martiqaadney cid kasta oo
daneyneysey dalka Jabuuti, ujeedada shirkuna waxay ahayd, in aan Faransiiska
tusno Jabuuti in ay tahay Wadanka ugu wagaasan Afrika ee ay wax dhigan karaan”.
Gudoomiyaha Hawlgalada Dekadaha Jabuuti Nuuradiin Yuusuf oo aan kula kulmey
Dekeda weyn ee DOORAALE ayaa wuxuu ii sheegey “waxaan ahay Gudoomiyaha
hawlgalada Dekadii hore iyo tan Dooraale, Dekadan DOORAALE waxaa la furey
15/12/2008, waxayana ku fadhidaa guud ahaan hal Km iyo 50, markiiba waxaa kusoo
xiran kara 3 Markab oo waaweyn, waxaana ka shaqeeya 500 oo ruux, guud ahaan
Dekadu waxay ku fadhidaa 18Km”.
Dowlada Jabuuti ayaa waxay soo jiidatey inta badan dal xiisayaasha dalallka
Yurub, Wadamada Khaliijka iyo dowladaha kale ee Afrika tan iyo markii uu xilka
qabtey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ku socotaa wadadii Horumarka
iyo danqadasho ay ku dheehan tahay mas’uuliyiinta hogaamineysa, waxayna si
xush-mad iyo qadarin ay ku jirto ula dhaqmaan Mas’uuliyiinteeda dalallka la
jaarka ah iyagoo ka eegaya dhinacyo kala duwan ee uu maalinba maalinta ka
dambeysa aduunku u sii jaan qaadayo.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March
16, 2009 |