SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

HEARINGS: U.S. Senate Committee on Homeland Security and Governmental Affairs


Violent Islamist Extremism: al-Shabaab Recruitment in America (Video/readings) - March 11, 2009



Wasiirka Tiknaloojiyada iyo Cilmi Baarista Md, Maxamed Cali Xagaa "…Rajadeydu Aad Bey u Sareysaa Inkastoo ay Jiraan Caqabado Badan, Hada Waxaan Helney Dariiqa Dowladnimada"

Wasiirka Tiknaloojiyada iyo Cilmi Baarista Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya Md, Maxamed Cali Xagaa oo aan kula kulmey Hoteel Laseista ee caasimada dalka Jabuuti, waxana ka weydiiyey Tilaabada ugu horeysa ee uu qaadayo, sida uu u arko xilka loo magacaabey, NGO’syada wadaniga iyo kuwo aan wadani ahayn ee sameeya cilmi barista sida uu ula dhaqmayo iyo arimo kale isagoo arimahaasi ka hadalaya ayaa wuxuu yiri

"markaan eego xilkaan culus ee la ii dhiibey waa amaano culus oo aan dadka ugu adeegayo, mas’uuliyada la iidhiibey iyo waqtiga la ii dhiibeyna waa wax culus, hadan waxaan ku faraxsanahay, Golaha wasiiradda cusub ee loo xueley Ummada Soomaaliyeed, waxaana ilaahay ka baryayaa inuu xilkaan ii fududeeyo" ayuu yiri mar aan weydiiyey sida uu u arko xilkaan loo magacaabey.

Mar aan weydiiyey Wasiirka sida uu uga hawlgalayo Wasaarad aan lahayn xarun ayaa wuxuu ku jawaabey "waa run hadalka aad sheegtey, marka laga hadlo Tiknaloojiyada, Soomaaliya intii ay ku socotey dariiqa bur burka, aduunyadu meel sare ayey ka gaartey Tiknaloojiyada, wasaaradanina waxay ka mid tahay, wasaaradaha ugu hawlaha badan dunida oo dhan, marka laga ahdlo xaruna, kuwii hore u jirey ayaan bur buriney, taasina mushkilad ma leh, iyadoo ah wasaarad cusubna meel la dejiyo loo waayi mayo, laakiin waxaan isleeyahay hadii soomaaliya ay degto, wasaaradani waxay ka mid tahay Wasaaradaha ugu horeeya ee mudnaanta la siindoono, waxaan keloo maanka ku hayaa hadii aan is dhaha ka soo bilow halkii hoose mudo badan ayey qaadaneysaa, waxaan dhisayaa in siyaasada wasaaradani ay noqoto in laga bilaabo Tiknaloojiyada Caalmaka halka ay mareyso in laga bilaabo, si Ummadu ay uga faa’iideysato heerka la marayo". Ayuu yiri

"Tilaabada ugu horeysa aan qaadayo waxay tahay ee qabanayo in la aas aaso xaruntii Wasaaradda, kadibna la baadi gobo dadkii Soomaaliyeed ee aqoonteeda lahaa, Wasaaradanina ma ahan mid ku cusub maqal ahaan, markii ugu horeysey ee la maqlo waxay ahayd dowladii Carta, waxaana ku xigey dowladii TFG-da markii lasoo dhisey oo aan labadaba Xildhibaan ka ahaa, inkastoo markii dambe aan ku biirey Xildhibaanadii Xorta" ayuu yiri mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd tilaabada ugu horeysa ee uu qaadayo.

Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa mar aan weydiiyey su’aal ahayd Soomaaliya waxaa NGO’syo Wadani ah iyo kuwo Ajnabi ah oo dhamaantood ka sameeya cilmi baaris Soomaaliya, adigana waxaa tahay Wasiirkii Tiknaloojiyada iyo Cilmi barista Soomaaliya, sideed ula dhaqmeysaa hay’adahaas aan la ogeyn halka ay wax u gudbiyaan ayaa wuxuu ku jawaabey, ma jiro dowlad ilaa iyo hada la wareegtey xilka ay hayaan sow lama dhihi karo waa hawl khatarteeda leh?!

"aniga waxaan soo dhaweynayaa cid kasta oo muwaadin ah oo cilmi baaris ka sameysey Soomaaliya waqtigii adkaa ee dalku ku jirey bur burka, waana ku aamnayaa, waxayna wax u qabteen dalka iyo dadka Soomaaliyeed, mana jiro wax lagu fogeynayo, koleey aniga waxaa ii qorsheysan in la uruuriyo wax kasta oo cilmi baaris ah oo la sameeyey xiligii hore iyo xiligii bur burka, islamarkaan meel laysugu keeno, si hal meel looga wada hago, dadkaasina waan la shaqeynaynaa, Tan kale waa run cilmi baaris waxa lagu sameynayo waa dalkii iyo dadka Soomaaliyeed, mas’uuliyadeeda anagaa iska leh, qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, xil baa ka saran ilaalinta sirta Qaranka ee ma ahan mid uu saran yahay Xildhibaan, Wasiir, Ra’iisul Wasaare iyo Madaxweyne xifdinta iyo ilaalinta Qaranka, marka hadii aanan anigu manta arag dadd faraha kula jira inaan ku deg dego, marka hawsha la guda galo ayaa la ogaan karaa".

Ugu dambeyn wasiirka waxaan weydiiyey Shacabka Soomaaliyeed mudo 19 sano ayuu ku dhex jiray dagaalo iyo Ururo cusub, markaad eegto qaabka Xukuumada ay u socoto, Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo ay isula jaan qaadayaan iyo xaalada guud ee dalka Rajo intee la eg ayaad ka qabtaa in ay guulaysato Dowlada ayaa wuxuu ku jawaabey Wasiirku



"Hadii aan sameeyo qiimeynta Aadamiga, Rajadeydu aad bey u sareysaa, anigoo ka eegaya wanaaga, Ilaahayna wax wanaagsan baa laga baryaa, waxaana qabaa in Soomaaliya ay ka bixidoonto mushkiladii haysatey, marka aan eego khibradihii kala duwanaa ee aan soo marey waxaan ogaadey, in waxa laysku hayo ay tahay xiligan Fikir, Bani’aadamku hadii uu fikr isku hayo, waxaa laga yaabaa inuu isku soo dhawaado.

Waxaan keloo qabaa inuu abuuran yahay jawi suura gelin kara iney Ummada Soomaaliyeed ka baxdo dhibaatada, waxaa kale oo jira mushkilada Soomaaliya dadkii gacanta ku lahaa ee abuuri jirey, iyagoo dano gaar ah ka leh Soomaaliya, islamarkaana isku hayn jirey arimaha Soomaaliya ayaa fikirkoodii ku aruuriyey hal meel, waxayna hogaanka u dhiibteen Ahmed Would Abdallah, taasina waxay horseedey iney heshiiyaan TFG iyo ARS, waxayna wada dhisteen Dowlad midnimo Qaran, aruur-sanaanta danihii beesha Caalamkuna, waxay saamaxeysaa iney shaqeyso dowlada midnimada Qaran.

Hadii aan Taariikhda dib aan u eegno Soomaaliya waxay soo martey sedax jiil siyaasadeed midkii hore wuxuu ahaa kii 1960-kii oo xornimada u soo dagaalamey, waxaa ku xigey kii Kacaanka, isaguna wuxuu ahaa kii abuurey mushkilada maanta taagan oo ay ku dul bur burtey dowladnimadii iyo Qaranimadii Soomaaliya, wixii markaa ka dambeeyey, waxaan qabaa iney maqneyn mushkilada taagan dadkii la abuurmey oo arinta wax ka qaban lahaa.

Sababtoo ah waxaan ula jeedaa Hogaanka hada la doortey ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ha u horeeyaane waa jiilkii ugu da’da yaaraa ee soo mara siyaasada Soomaaliya, waxaana keeney xaalada, waxayna fahamsan yihiin dhibaatada Soomaaliya sida looga bixi karo, waana madax isku tashaneysa oo aan ku tashaneyn cid kale, dhibaatada Soomaaliya xalinteeda waxa ka maqan waxay ahaayeen laba qolo ayaa isku haysatey qolo dooneysey in la soo celiyo dowladnimadii duntey iyo qolo diidan, marka mushkilada waxaa looga bixikaraa isku tashi iyo wada tashi, marka hadii aan isku soo duubo fikirkeyga Rajadeydu aad bey u sareysaa inkastoo ay jiraan caqabado badan, hada waxaan helney dariiqa dowladnimada".

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.cm

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS