SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xildhibaan ka tirsan Dowlada Midnimada Qaran oo ay Kusoo Dhaweeyeen Garoonka Magaalada Hargeysa Xildhibaano Maamulka Somaliland ka tirsan

Xildhibaan Xuseen Cabdisalaan Muxumed oo ka mid ah Xildhibaanada Dowlada Midnimada Qaran, islamarkaana hore ugasoo jeeday Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya oo in mudo ah ku adkeysanaya maamulka Somaliland ayaa ka degey Garoonka weyn ee magaalada Hargeysa oo ah Caasimada labaad ee Soomaaliya 09/03/2009 abaaro 11;30 Subaxnimo, islamarkaana ay kusoo dhaweeyeen Xildhibaano kale oo ka tirsan Maamulka Somaliland.

sida aan ka helney ilo wareedyo ku sugan magaalada Hargeysa oo hada xarun u ah Maamulka lamagac baxay Somalinad ayaa waxay ii sheegeen "in Xildhibaanku uu ka heley fasax qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulkaas, islamarkaana ay kusoo dhaweeyeen Garoonka Magaalada HargeysaXildhibaano kale oo ka tirsan maamulka Somaliland oo laga bartey in ay xiraan xubin kasta oo ka soo jeeda Gobolada Woqooyi iyo mas'uuliyiinta kale Soomaalida ee ka qaybgaley maamuladii kala duwanaa ee ka jirey Koofurta Soomaaliya mudadii bur burka".

Xildhibaan Xuseen Cabdisalaan Muxumed ayaa wuxuu ka maqnaa magaalada Hargeysa mudo 9 sano ah, isagoo waliba ku suganaa dalka Soomaaliya gudihiisa, tan iyo markii la soo dhisey Xukuumadii Carta oo uu ka noqdey Xildhibaan iyo Wasiir ku xigeen, halka Xukuumadii TFG-na uu ka ahaa Xildhibaan mudadii ay jirtey, ilaa iyo hada wuxuu yahay Xildhibaan, inkastoo aan la sheen Ujeedada safarka Xildhibaanka iyo waxa iska bedeley mowqifkiisa ka mid ahaanshaha Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Midnimada Qaran ayaa hadana waxaa jira Xildhibaano kale oo hore ugu sugnaa halkaasi, kuwaasoo ay ka mid yihiin Xildhibaan Axmed Cabdullaahi Daakir, Xildhibaan Ismaaciil Xasan Jaamac iyo kuwo kale oo aan wali helin magacooda.

lama oga waxa iska bedeley mowqifka maamulka somaliland, arintan ayaa waxay muujineysaa is-bedelada la yaabka leh ee uu lugaha la siigalayo dalka Soomaaliya, tan iyo wixii ka dambeeyey bur burka dowladii dhexe ee Soomaaliya ee ay horseedka ka ahaayeen kuwa sheeganaya maamulada macmalka ah ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, laguna kala fogeeyo meel kasta oo ay joogaan.


Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS