SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HOLLAND

Holland: Xaflad lagu soo dhaweeyey Muriidigolf...

waxaa Magaalada Den Haag (The Hegue ) ee waddanka Holland lagu qabtay xaflad lagu soo dhuweynaayo Diplomacy Abdulqaadir Sufi Mahamed ( muriidigolf) oo ah Political counsellor ee safaaradda somalidda ee dalka kuwait Xafladaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyadda soomaalidda ee Magaalada Den haag .

Munaasabaddan ayaa waxaa xirriirinayaye Dr.Maxamed Shiikh ikar Aweys iyo idriis Cabdi Cali Waxaa goobta ka hadlay mas'uuliyiin fara badan oo halkaan lagu soo kobi kareynin oo ah Odayaasha iyo waxgaradka magaaladda Den Haag ee Dalka Hollada

Dhamaan dadkii hadlay waxey wada muujiyeen inuu jiro fursad lagu xalin karayo khilaafka loona baahan yahay dib u heshiisiin socota mar walba iyo goob walba. Sidoo kale dowrka Bulshadda Raydka Soomaaliyeed ( Civil Society ) ee gudaha Somaaliya ayaa iyagana la xusay muhiimaddooda iyadoo la isla gartay in la tix geliyo dowrkooda iyo weliba doorka Jaaliyaddaha Somalidda dibeddaha Kudhaqan (Diaspora )

ka dib odayaasha iyo wax garadka magaaldda Den haag waxay si niyad furan ay kudheehantahay ku yirahdeyn Welcome waxaad joogtaa magaaladaadii Hore halkaasi lagu soo dhaweeyay magaaladda Den haag (the Hegue ) mudane Diplomace Abdulkadir Sufi Mohamed (muriidigolf )

sidoo Kale Diplomace Muriidigolf wuxuu ugu mahad celiyay dhamaan jaaliyadda Soomaaliyeed iyo ururadii iyo madaxdii soo ababushay kulankaan maanta ka dhacay Magaaldda Den Haag ( The Hegue ) ee soud Holland ..mr. Golf waxuu yiri sida qimaha iyo qadarinta madan ee aad igu soo dhaweysayn magaaladeydii Den Haag waan ku farxsanahay.

Diplomace Abdulkadir Sufi mohamed (Muriidigolf) shaqsi ahaantiisa waxuu shegay in aay taha wax lagu farxo isbadalka ka dhacay Soomaaliya oo ah hogaanka sare ee hormuudka uu ka yahay madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Ra'isulwasaarahiisa Cumar Abdirashiid Cali Sharmaarke oo ay labaduba yahin dhalinyaro maskax faresh leh islamar ahaantaasina isbadal doonka ah Xalka Soomaaliya ..

muriidigolf waxuu ka codsaday jaaliyadda ku dhaqan Den Haag iyo dibaddaha in aay kaalinta ay ku leyahin ay ka qaataan xasilinta, nabadeenta iyo dib u hishiisinta dalka isla mar ahaantaasina joojiyaan jaaliyadda wax alaale waxii ay u arkaan in dhibaato ku tahay geedi socodka nabadda Soomaaliya.

ugu danbeyntii xafladaasi ee soo dhaweynta aheyd waxaay kusoo dhamaatay is afgarad ismarxabeyn ismacsalaameyn farxad iyo faataxo iyo Du'cooyn..

Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.