SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEDO

Khasaare nafeed Oo Ka Dhashay Dagaal galabta Xoogag Taabacsan Ahlu Sunna waljamaaca Iyo Al Shabaab Ku Dhexmaray Magaalada Baardheere ee Gedo.

Iska hor imaadkaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka masjidka Geed Awoowe oo Culimada Ahlu sunna ay maanta ka bilaabeen xuska bisha mowliidka nebbi Muxamed (NNKH)

Wararka aynu ka soo xigay labada dhinac ee uu dagaal u dhaxeeyo ayaa tibaaxaya in khasaaraha dagaal uu reebay ku dhawaad 7 ruux oo dhaawac ah , kuwaasoo sida ay qirteen saraakiisha Alshabaab 4 kamid ah ay yihiin dagaalyanadooda.

Sh C/Qaadir Maxamed Yuusuf Qalbi Aar oo waraysi qadka telefoonka ah aan goor dhaw la yeeshay ayaa sheegtay in dhinacoodu ay guulo ka soo hooyiyeen dagaalkii galabta sida uu sheegtayna ay ku suganyihiin goobaha masjidka uu dagaalku ka biloowday.

Sh C/Raxmaan Axmed Al Anzaari oo ah afhayeenka Ehlusunna Waljameeca ayaa sidoo kale dhinacooda sheegtay inay guulo ka gaareen dagaalkii galabta. Alanzaari waxa uu qirtay in hal qof uu kaga dhaawacmay dirirtii galabta.isagoo xusay in ay ku suganyihiin masjidka Geed Awoowe.


Dagaalka ayaa yimid kaddib markii maanta ay wadaadada Ehlunsunna Waljameeca ay bilaabeen inay dhigaan xuska bisha mowliidka nebbi Muxamed (NNKH) ,taasi oo ay horey u mamnuuceen xarakada Alshabaab bayaan ay horaan uga soo saareen magaalada Baardheere.

Inkastoo ay xaaladu u muuqato mid degan imin ayaa hadda waxaa ay xiisadi ka muuqataa goobaha ganacsi oo dhamaantood albaabada La isugu dhuftay.waxaa cabsi xoogan ay la soo daristay dadka degaanka oo bilaabay inay walwalaan.



Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS