SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Beelaha Karanle iyo Abgaal oo iska cafiyeen wixii dhibaatooyin soo kala gaaray mudadii 19-ka sano aheyd ee dowlad la’aanta dalka ka jirtay

Warsaxaafadeed:


Manta oo ay taariikhdu tahay 8/3/2009, waxaa kulan isugu yimid beelaha Karanle iyo Abgaal kulankaasi oo ka dhacay Hoteelka Capital oo ku yaalo deegaanka Xararyaale ee degmada Wardhiigley, waxana ay kulankasi uga hadleen xiriirka 2-bada beelood ee xag dhalyo iyo deegaan iyo xaalada uu haatan dalka ku sugan yahay iyagoo gabagabadii kulankoodii ka soo saaray, dood dheer iyo falanqeyn ka dib, qodobada soo socdo:-

1. laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 8/3/2009, labada beelood ee Karanle iyo Abgaal waxa ay iska cafiyeen wax alaale wixi dhibaatooyin soo kala gaaray mudadii 19-ka sano aheyd ee dowlad la’aanta dalka ka jirtay, waxeyna ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xiriirkii iskaashi ee ka dhexeyn jiray, kuna wada noolaadaan Nabad, isqadarin iyo daris wanaagii lagu yiqiin, islamarkaasna ay iska kaashadaan deminta wixii colaado ah ee jira.

2 .labada beelood waxey ku baaqeen in shareecada islaamka saldhig looga dhigo xalinta wixi khilaafaad ah ee jira, dalkana lagu dhaqo, waxeyna hormuud ka yihiin Nabada Soomaaliya iyagoo ugu baaqay Dowladda & Mucaaradka ka soo horjeeda in ay u dhego nuglaadaan dadaalada Nabadeed.

3 .labada beelood waxa ay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan sidii dib loogu soo celinlahaa Magaalada Muqdisho dadkii ka barakacay dagaalada, dhib u dejinna loogu sameyn lahaa iyagoo la kaashanaayo jihooyinka ay quseyso.

4. ugu dambeyntii labada beelood waxey ugu duceyeen shacabka soomaalieyeed in uu Alle ka dul qaado dhibaatada mudada dheer soo daashatay, waxeyna ugu yeereen shacabka in uu Alle u towbad keenaan.

Afhayeenka Beesha Abgaal iyo
Afhayeenka Beesha Karanle
Nabadon Cabdi Macalin Maxamuud Jiisow xaaji cadow Bidixay


Geela Laba ka soo qaad , dumarkana laba ka soo qaad ,ragan laba ka soo qaad
Geela laba ka soo qaad hasha gaawaha buuxiso iyo owrka raran ka soo qaad
Ragana laba ka soo qaad ninka gacanta ka irmaan iyo geesiga ka soo qaad
Duamrka laba ka soo qaad gaarida gambada weyn leh iyo gabadha ugub ka soo qaad


Kulan la sugayey beryahaan ayaa maanta lagu qabtay hotel capital ee dagamda wardhiigley magaalada Muqdisho
Shareecadaa na shaafisee murusadow shariif iyo janaqow u sheeg

Shareecadaa na shaafisee sidow u sheega shanta qaaradood
Mid ka mid ah odoyaasha nabadoonada ah ayaa yiri “Camal shisheeye caloosha ayuu galaa cudud ayaana lagu bixiyaa ( dagaal ) Camal sokeeyana afka ayuu galaa carabka ayaana lagu saa”

Hangaraarac howl uma dhutiyo harana yeelkiina hawiyow halkii lo batay iyo hilinka weyn raaca
Kulankaan oo ay isugu balansanaayeen beelaha karinle iyo abgaal ayaa ka danbeeyey kulan horey ay iskuugu yimaadeen beelaha karinle iyo habargidir oo looga arinsanayey wixii xumaan .qilaafad iyo dagaalo la isug geystay beelaha walaalaha ah in ay ka heshiiyaan si sharuud la.aan ah .
Arimahaan oo u muuqdo kuwo hadii ay suurta galaan ah kuwo najiitadoodu miro dhal noqoneyso oo anfacaya dadka.diinta .iyo dalkaba waxaana gobta laga sheegay in beelaha hawiye aysan jirin maalin ay isag adhow yihiin maanta ilaa 1991dii xiligii dagaaladu bilowdeen

Arinta sababata u ah in laga heshiiyo wixii dhexmaray beelaha karinle iyo hiraab ayaa waxaa ugu weyn dahcdooyinkii dhacay intii ay hogaanka dalka hayeen Raiisal was are Cali Maxamed Geedi .salaad CaliJeele iyo Duqii Gobolka banadir Maxamed Cumar M /dheere kuwaas oo iclaamiyey gobo Magaalada Ka mid ah in la weeraro waana la isku afgartey iyada oo haatan lagu balansan yahay in la qabto shir weyne uu u dhan yahay beelaha hawiye ka dibna loo gudbo bulsho weynta somaliyeed googol ay u dhan tahay .

Hangaraarac howl uma dhutiyo harana yeelkiina hawiyow halkii lo batay iyo hilinka weyn raaca hadii kael halkiinaa fadhiya oo wada hagoognaada
Shareecadaa na shaafisee murusadow shariif iyo janaqow u sheeg



Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | March 9, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS