Doorkii iyo daahfurkii buuga Hal Aan Tebayey ee Ceerigaabo
Shalay 5th-03-09 waxaa gole
il-yartu isqabatay loogu kulmay xarunta dugsiga sare ee Xaaji Aadan halkaas oo
lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, madashaas oo lagu
gardaadinayey daahfurna u ahayd baal taariikheedkii, suugaantii iyo gabayadii
Xaaji Aadan Afqalooc Alle ha u naxariistee (1871 – 1986) ee uu qoray qoraaga
caanka ah ee Maxamed Baashe X. Xasan. Xafladan oo si heer sare ah loo soo
agaasimay iskuna soo duba rideen aqoonyahano, suugaanyahano iyo maamulka dugsiga
sare ee Xaaji Aadam. Kulankan oo ay isug yimaadeen qaybaha kala duwan ee
bulshada oo ay ku jiraan dhalinyaro ayni kastaba leh, odayaal iyo cuqaal intooda
badani ahayd dad Xaajiga ka ag dhowaa afkiisa wax badana uga soo joogay, wadxaa
kale oon iyana ka maqnayn qaybaha haweenka, aqoonyahanada, culimadaba.
Seben tegay mid weli soo socda iyo saaka waxa jooga
Sadexdaa wakhtaa xaal adduun lagu sifeeyaa’e
Soo noqod ma jirtiyo shalay wixii saatufoo tegaye
Waxay taladu kuu suuban tahay subaxa aad joogto
Hadaba haddii Xaajigu uu maalmaha ku kala soocay tagto iyo timaado iyo tu’
markaa la joogo maxaa subaxaa ka suntamay madasha? Si kastaba ha ahaatee,
subaxba nasiiblehe waxaa nasiib u yeeshay in ay codkooda ka dhiibtaan
gaadhsiiyaana martidii ka soo qayb gashay madashaas furitaanka dib, waxaa erayo
kooban ka yiri ururiye suugaaneed iyo dhaqanyahan Abokor Xasan Nuur ahaana
xidhiidhiyihii kulankaas, intaas ka dib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey
Faysal Faash oo si xeel dheer uga waramay baalasha kala duwan ee buuga haday
tahay; hanaqaadkii Xaajiga iyo noloshii qurbaawinimadiisi, soo noqodkiisi iyo
halkankii xornimo doonka iyo dawladihii rayidka & kacaankii Oktoobar, isagoo si
mug iyo miisaan leh u falanqeeyey una faaqiday .
Waxaa isna martidii ka soo qaybgalayaasha ahayd codkiisa ku doogsiiyey
maskaxda iyo maanka u hilowsanaa suugaantii iyo taariikhdii Xaajiga Xildhibaan
hore Axmed Cabdilaahi Cali Bahal oo erayo kooban oo kor ka xaadis ka jeediyey
madasha iagoo xusayna in Xaajigu shakhsiyad tusaale fiican u ah wanaaga ahaa.
Waxaa hal-doorba uu eraygiisa ka yiri buuga Hal Aan Tebayey waxaa iyana
madasha laga maalay gabayadii Xaajiga oo uu Maxamed Cabdilaahi ku deeqsiiyey
laabaha u boholyowsanaa gabayadii Xaajiga iyadoo gabayadu ay ahaayeen kuwo ruxa
quluubta xasiloon ee ka soo qayb-galayaasha gelisayna neecaw kalgacal oo ay ku
jeclaayeen inay dhegahoodu markasta gabayadaasi maqlaan. Ku darsoo waxaa maax
kastoo ka timaada hal-doorada eraygooda ka yidhi madashaas ay waraab u ahayd
maskaxta u abaarsanayd waxaana si cod karnimo ah u soo bandhigtay miidii iyo
heenkii dhaxalkii Xaajiga Marwo Faadumo Xaaji Xasan iyadoo iyana dhankeeda
qirtay in Xaajigu ahaa hiboole cod kar ahaa dhif iyo naadirna lagu arko
bulshada. Sida hirarka badu isu galaan xili roobaadka ayaa maanka maskaxda waxaa
isu gelayey isuna dhaafayey hantiyeyna xogta ku duugan Hal Aan Tebayey ay ku
afgobaad sadeen Siciid Ducaale Xirsi iyo Siciid Aw Nuux.
Ugu danbayntii waxaa mahadnaq loogu soo jeediyey qoraaga Maxamed Baashe
qalinkiisa uu u hibeeyey inuu soo if baxo buuga Hal Aan tebayey oon oran karno
waaba hal aynu wada tabayney dhamaanteenba, iyadoo magac iyo maamuus lama
ilaawaana loogu hayo qoraaga.
Isku soo wada duuboo waxaa si milge ah lagu gudoonsiiyey buugta qaar ka mid ah
martida munaasibaas joogtey iyadoo buugaasna uu iminka hor yaalo dhaayaha
akhristayaasha Sanaag.
Mahad Axmed Xaaji Adam Afqallooc
afgobaad@hotmail.com
Ceerigaabo, Sanaag
Faafin: SomaliTalk.com | March 7, 2009