Cilmigu wuxuu ku burburaa dhimashada caalimka !!!!! I naa lilaahi wa inaa ileyhi raajucuun ,waxaa xalay gurigiisa oo ku yaalay
magaaladda Hargeysa ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee Shiikh Ibraahim
Maxamed Cali oo ku magac dheeraa shiikh ibraahim suuleey.wuxuu shiikhu ahaa
caalim ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee caanka ah wuxuuna maray meeshii ay
mareen Shiikh Maxamed macallin saaxiibkiis ,shiilkh Cali suufi iyo shiikh
Nuuradiin cali colow oo intuba ahaa culumadii Soomaaliya ugu caansana
lixdameeyadee ilaa sideetameeyadii. Maxaan ku xasuusan karayaa macallinkeyga Shiikh Ibraahim suuleey: Waxay aheyd dhamaadkii bishii November, 1978 markii nalaga xiray casharkii
tafsiirka ee ka bixi jiray Masaajidka Arbaca Rukun oo uu Akhrin jiray
macallinkeyga Shiikh Muriidi. Habeenkaas nalaga xiray casharkaas tafsiirka ooy ku xirnaayeen dhallin fara
badan ayaan inteenii badneyd u wareegnay cashar aad u weyn uu bixin jiray Shiikh
Ibraahim Suuleey oo uu ka akhrin jiray masaajidka weyn ee Marwaas, casharkaas oo
ahaa kitaabka xadiiska iyo aayadaha soo aruurshay ee Riyaadul Saalixiin oo uu
qoray caalimka weyn ee shaaficiga ahaa abuu Zakariyah Yaxya ibnu Sharafudiin
Alnawawi. Casharkaas wuxuu caanku ahaa in uu baxo salaadda Maqrib kadib oo masaajidku uu
camirnaan jiray dad waaweyn oo u badan ganacsato iyo ardeydeenii ka soo jabtay
Arbaca Rukun. Macallinku wuxuu ahaa mid diyaarsan aadna u soo diyaarin jiray
Casharka . Waxaanan marna hilmaameynin ereyadiisii xoogga lahaa ee ay ka mid ahaayeen (
WAAR NA KEEN NA KEEN) Markuu fasiraayey xadiiskii dheeraa ee Riyada Rasuulka ee
labada malag dheelmiyeen ee mar kasta ay soo noqnoqoneysa Ereyga ( WAAR NA KEEN
NA KEEN).Waxaan kaloon hilmaameynin mar hooyadey ee ii diiday in aan Salladda
subax u jarmaado masaajid iga dheer ooy i tiri sow tuugga ku dishee, xataa
haddad aadeyso saacadda iska dhig ha qaadanine, anigoo ka murugeysan arrinkaas
ayaan habeenkii danbe shiikha ka meersaday axaadiista sheegeysa Shuhadada
ummadda islaamka oo ku tilmaameysa lix shahiid oo uu ka mid yahay ( MAN QUTILA
DUUNA MAALIHI FAHUWA SHAHIID) Taas oo murugadeydii iga baabi,isay oon Hooyadey
kula dooday wax Shahiidnimo ka fiican oon sameyn karaayo ma jirto. Waxaan kaloo Skiikheyga ku xasuustaa khudbaddii Salaadad jimcaha ee siigaale
taas oon meel dheer ka soo aadi jiray si aan u dhageysto. wuxuuna ahaa Shiikha
kaliyah ee khudbadda Af carabiga korka ka akhrin jiray, waxaa soo labeeyey
caalimka kale ee Shiikh Maxamed Nuura diin Al-Qawi ee masaajidada xaafadda
shibis dhamaadkii toddobaataneeyadii asaguna ka jeedin jiray khubaddo islaami ah
oo qiimo badan. Sidoo kale Akhrinta dheer iyo habsaminida salaadda oo lagu xasilo ayuu caanku
ahaa Allaah yarxamuh arrimahaas iyo kuwa kale oo fara badan ayuu caanku ahaa. Horaantii sideetameeyadii ayuu Adeerkay Shiikh Cali Darwiish jecleystay in uu
Shiikheena Shiikh Ibraahim Suuleey uu akhriyo kitaabada kale ee umuhaatul sita
haba ugu horeeyee kitaabka caanka ah ee AL-Bukhaari se inta aan ogahay arrinkaas
ma suurtoobin. Shiikhu wuxuu kaloo caanku noqday asaga iyo saxiibkiis Shiikh Maxamed Macallin
in ay u guntadaan dibisheshiisiinta iyo nabadeynta ummadda Soomaaliyeed markii
uu burburku dhacay bilaawgii sagaashameeyadii ayagoo ka faa,ideysanaaya
caalimnimadoodii iyo caannimadoodiiba, Taas oo keentay in ay dab badan damiyaan
Allaah ha u naxariisto kuligood hana ka abaal mariyo camalkoodaas suuban. Shiikha wuxuu ka tagay cirib fiican oo uu ka mid yahay wiilkiisa caamka noqday
ee shiikh Maxamed shiiikh Ibraahim suuleey oo ahaa afhayeenkii Maxaakiimta. Waxaan maqaalkeyga ku soo gabagabeynayaa xadiiskii Rasuulka ee ahaa ( Allah
cilmiga ma koryeelo oo ma qaado ee wuxuu ku qaadaa dhimashada Caalimka ) ama
sidaas oo kale ayuu yiri. Allaah ha u naxariisto Shiikheyga Shiikh ibraahim suuleey janadii firdowsana
Allah ha galiyo allena ha ku xariirsho kuwii fiicnaa ee Nabiyadda ,Sadiiqiyiinta
,Shuhada iyo Saalixiintaba kuwaas ayaa saaxiibo ugu fiican. Fii amaani laah Shiikh Sahid Maxamed Yusuf Nayrobi ,kenya sahid_yusuf@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 4, 2009 |