HOGGAAMIYE
Saciid Cali Shire

Hoggaamintu waxay la cimri tahay aadamaha. Eebbe (SW), ka hor intuusan
abuurin Nebi Aadam (CS), wuxuu malaa’igta ku wargeliyey in uu abuurayo
‘khaliifa’1. Sheekh Qurdubi, isagoo aayaddaas daliishanaya, ayuu ku doodaa in
hoggaamiyaha Islaamka loo bixiyo khaliifa. In kastoo, hoggaamintu la fac tahay
aadamaha, laga qoray buuggaag sare u dhaafaya 45,0002 iyo qoraalo aan ka yarayn
155,000,0003, sanadkii walbana lagu kharash gareeyo lacag sare u dhaafaysa $100
bilyan tababarista iyo hagidda hoggaamiyayaasha, haddana, waxa la isku waafaqsan
yahay in aan weli wax weyn laga aqoon. Ragga qaarkiis, tusaale ahaan, Burns
(1979) waxayba yiraahdaan ‘waa mawduuca loogu hadalhaynta badan yahay, looguna
fahanka yar yahay’.
Inkastoo,
adduunka oo dhammi baahi weyn u qabo fahanka hoggaaminta, haddana, Soomaalidu,
baahi ka badan baahida ummadaha kale u qabaan ayay u qabtaa. Waayo, dhammaan
dhibaatooyinkii soo maray Soomaaliya 500 sano ee la soo dhaafay waxay salka ku
ku hayeen hoggaan xumo. Tusaale ahaan, Soo gelitaankii gumaysiga iyo
qayb-qaybintii geyiga Soomaalida labadaba waxaa saldhig u ahaa hoos u dhac ku
yimid tayadii hoggaamiyayaasha Soomaalida. Sidoo kale, faqriga, gaajada,
jahliga, inxiraafka caqiidada, dagaallada micno-darrada ah, miyir-gaddoonka
mujtamaca, xaalufinta degaammada, qashinka lagu aasayo dhulka Soomaalida,
dhammaan waxaa mas’uul ka ah dad aan u qalmin hoggaamin ummadeed, dad aan samayn
karin hiraal qaran, dad aan qiyam iyo sharaf midna lahayn oo marooqsaday
masiirkii ummadda.
Hoggaanka xumidu kuma koobna haykalka siyaasadda oo kaliya, ee waxay
sidoo kale, saameeyeyn buuxda ku yeelatay dhammaan dhinacyada kala duwan ee
nolosha Soomaalida. Tusaale ahaan, daraasad Shire (08) ku sameeyey sharikaadka
dhexe iyo kuwa waaweyn ee Soomaalida ayaa muujisay in hoggaan xumidu (poor
leadership) tahay darbiga ugu weyn ee ka hortaagan koboca iyo horumarka
sharikaadka Soomaalida. Daraasaddaasi waxay sidoo kale muujisay in wax ka badan
90% fashilka ku yimaada sharikaadka Soomaalidu salka ku hayo hoggaan xumo.
Daraasad kale oo Shire (08) ku sameeyey hoggaanka sharikaadka dhexe iyo kuwa
waaweyn ee Soomaalida ayaa muujisay in qiyamka hoggaanka sharikaadkaasi ka soo
hor jeedo qiyamkii Barker iyo Coy (2003) ku sifeeyeen hoggaanka sharikaadka
Ustaraaliya. Meesha hoggaanka sharikaadka Ustaraaliya sifooyinkooda lagu daray:
tawaadduc, naxariis, xikmad iyo farxad. Hoggaanka sharikaadka Soomaalidu waa
kuwo: isla qabweyn, farxadu ku yartahay (gaar ahaan markay joogaan goobta
shaqada), naxariistu ku yartahay (marka la fiiriyo siday ula dhaqmaan
shaqaalaha, macaamiisha iyo tartamayaasha), aanna adeegsan xikmad iyo geesinnimo
markay dhibaato xallinayaan.
Masaajiddada, maddaarista iyo hay’adaha khayriga ah laftoodu kama
badbaadin dhibaatada hoggaan xumada. Daraasad Shire (08) ku sameeyey
Masaajiddada iyo maddaarista Soomalida ee ku yaal waddanka Ingiriiska ayaa
muujisay in masaajiddada iyo maddaarista xooggoodu qarka u saran yihiin bur-bur.
Bur-burkaasna waxa sabab u ah hoggaan xumo. Daraasaddaasi waxay muujisay in
masaajiddada xooggoodu lumiyeen ahmiyaddii loo aasaasay oo ahayd in ay noqdaan:
goob cibaado, goob horumarin, goob walaaltinimo, goob waxbarasho, goob dadku ku
soo hirtaan, goob qofku dhexdooda ku helo nabadgeliyo qalbiga.
Dhibaatooyinka soo wajahay qoysaska Soomaalida ee ku nool qurbaha nooc
kasta oo ay yihiin (furriin, maandooriye, waalid caasi, xabsi, dhalinyarani-mo,
ku liidasho iyo ka saaqidid waxbarasho, shaqo la’aanta iwm) dhammaantood waxay
si toos aha ama si aan toos ahayn lug ugu leeyihiin hoggaan xun.
Haddaba, si qofka Soomaaliga ahi u helo nolol wuxuu ku khasban yahay in
uu wax ka fahmo hoggaaminta. Si masaajiddada, maddaarista iyo hay’aadka khayriga
ahi u gutaan hawlihii loo aasaasay waxa muhiim ah in dadka hor boodaa fahmaan
hoggaaminta. Si sharikaadka Soomaalidu ula saanqaadaan isbeddellada aan kala
go’a lahayn ee hareeyey caalamka ganacsiga iyo tiknoolojiyada waxay ku khasban
yihiin in ay fahmaan hoggaaminta. Si qaranimadeenii u soo noolaato, si aan uga
biskoono cudur-bulshadeedka dilaaga ah, si aan u badbaadino dadkeena meel kasta
ku tabaalaysan, si aan u helno sharaf iyo karaamo waxan u baahan nahay in aan
fahanno hoggaaminta.
Maaddaama, masiibada ku habsatay Soomalidu ku urursan tahay hoggaan xun,
sida kaliya ee lagu xalin karaa waa in la helo hoggaan fiican. Hoggaanka fiicani
dhulka kama soo baxo, cirkana kama soo dhaco. Hoggaanka fiicani wuxuu ka soo
dhexbaxaa mujtamaca. Si hoggaan fiicani uga soo dhex baxo mujtamaca, waa in
mujtamaca isbeddel lagu sameeyo. Sida ugu fudud oo isbeddel lagu samayn karaa
mujtamacuna waa in wax laga beddelo maskaxda iyo qaabfekerka qofka Soomaaliga
ah. Waxa ugu fiican oo wax ka beddeli kara maskaxda iyo qaabfekerka dadkuna waa
aqoonta. Idanka Eebbe, waxaan rajaynayaa in buuggaani qayb ka noqdo buugta
kobcinaysa maskaxda iyo maanka Soomaalida.
Buuggu, laba qaybood ayuu ka kooban yahay. Qaybta kowaad, irda-furka
hoggaamintu, waxay ka kooban tahay saddex cutub. Cutubka 1aad, oo guud mar ku
samaynaya hoggaamintu, wuxuu sharaxaad dheer oo kala dhig-dhigan ka bixinayaa:
muhimadda hoggaaminta, waxa ay ku kala duwan yihiin hoggaamiye iyo maammule,
xirfadda hoggaaminta, hilinka hoggaaminta, meesha hoggaamiyayaashu ka bartaan
hoggaaminta, hawlaha hoggaamiyaha, iyo waxa ay ku kala duwan yihiin hoggaamiyaha
fiican iyo hoggaamiyaha xumi. Cutubka 2aad, wuxuu toosh ku ifinayaa
hoggaamiyayaashii hore ee Soomaalida. Saddex seben (era) ayuu si gaar ah wax uga
taabanayaa: hoggaamiyayaashii Soomaaliya Islaamka hortiis; hoggaamiyayaashii
Soomaaliya waqtigii Islaamka; iyo hoggaamiyayaashii Soomaaliya sebenkii
gumaysiga. Cutubka 3aad, wuxuu isna, dul mar kooban ku samaynayaa aragtiyaha
hoggaaminta. Aragtiyaha uu dulmarka ku samaynayo waxaa ka mid ah: aragtiyiii
hore ee hoggaaminta, aragtida sifada, aragtida qaabdhaqanka, aragtida ixtimaalka
iyo aragtiyaha cusub. Aragtiyaha cusub ee cutubkani kor istaagayo waxaa ka mid
ah: aragtida burjiga, aragtida xiriirka, adeege (servent leader), wax beddele
(transformational leader). Cutubkaani wuxuu ugu danbayn si faah-faahsan ugu soo
af-jarmayaa Islaamka iyo hoggaaminta.
Qaybta labaad, tiirarka hoggaamintu, waxay soo bandhigaysaa moodeel
iftiimin kara hoggaamiyaha wax ka beddeli kara xaaladda murugsan ee Soomaaliya.
Moodeelkaasi wuxuu ka kooban yahay udub-dhexaad iyo afar tiir. Udub-dhexaadku
waa qiyamka. Afarta tiirna waa horumarinta hiraalka, dad soo jiidashada,
war-gaarsiinta iyo horseedidda isbeddel. Qiyamku waa bu’da ama aasaaska
hoggaaminta. Qiyamku waa cabbir, waa miisaan, waa waxa qofku ku kala saaro
xumaanta iyo samaanta. Qiyamku waa halbeegga ugu muhiimsan ee lagu cabbiro
hoggaamiyaha. Sidaas aawadeed, waxa la yiraahdaa hoggaamiye aan qiyam lahayni
hoggaamiye ma noqon karo.
Hiraalku (vision) waa waxa hoggaamiyaha ka sooca dadka intiisa kale.
Hiraalku waa xiddig iftiinkeeda dadku ku wada hirtaan. Hiraalku waa buundo isku
xirta maanta iyo mustaqbalka. Hiraalku waa waxa lagu kala sooco waddamada,
sharikaadka iyo hay’aadka horumarka gaara iyo kuwa afka ciida darsadda
(fashilma). Hawsha ugu weyn ee hoggaamiyuhu waa in uu sameeyo hiraal dadka soo
jiidan kara. Marka hoggaamiyuhu sameeyo hiraalkaas, hawshiisa labaad waa in uu
dadka soo jiito si uu ugu sharaxo, u fahansiiyo, uga dhaadhiciyo meesha loo
socdo (hiraalka). Si hoggaamiyuhu dadka u soo jiito, waa in uu yaqaan sida dadka
loola hadlo (communication). Ujeeddada ka danbaysa horumarinta hiraalka, dad soo
jiidashada iyo dad la hadliduna waa in isbeddel la hirgeliyo.
Cutuubka 10 aad, ahna cutubka ugu danbeeya buuggu, isagoo ka duulaya
taariikhdii dahabka ahayd ee hoggaamiyayaashii hore ee Soomaaliya, iftiiminaya
khaladaadka iyo ceebaha hoggaamiyayashii danbe (hoggaamiyayaashuii shibilka
ahaa, kuwii militariga ahaa, iyo kuwii ummadda halaajiyey) ayuu si tafa tiran u
qaadaa dhigayaa hoggaamiyaha ku habboon Soomaaliya.
Buuggaan, sida buuggii ka horeeyey ee ‘Furaha Ganacsiga’, wuxuu u qoran
yahay qaab cilmiyaysan oo akadeemig ah, sidaas aawadeed, waxaa si isku mid ah
uga faa’iidaysan kara noocyada kala duwan ee hoggaamiyayaasha Soomaalida (kuwa
siyaasadda, ganacsiga, iyo hay’adaha khayirga ah) iyo ardada barata hoggaaminta.
Buuggu, wuxuu si gooni ah ugu habboon yahay ardada sanadka 3aad ee jaamicadaha
dalka, siiba kuliyadaha maammulka, maaraynta, ganacsiga, siyaasadda iyo
ciidammada. Buugga, waxaa sidoo kale wehel ka dhigan kara qof kasta oo rajo ka
qaba in uu noqdo hoggaamiye la mahadiyey.
Saciid
Cali Shire
(B.Sc (Hon), PGD, M.A., M.Sc., M. Phil., MIBC, MIIBF)
Saciid Cali Shire waa qoraa, cilmibaare, la-taliye iyo barre
ku takhasusay antrabranoornimada iyo ganacsiga. Saciid wuxuu 16 sano ee la soo
dhaafay ka soo shaqeeyey xarumo aqoon, cilmibaaris iyo la-talin oo ku yaala
Norway iyo Ingiriiska (UK). Buugta kale ee Saciid qoray waxaa ka mid ah ‘Furaha
Ganacsiga’. Buuggaas oo salka ku hayey daraasad qoto dheer oo lagu sameeyey
ganacsiga iyo ganacsatada Soomaalida, wuxuu maanta muqarar ka yahay saddex ka
mid ah jaamicadaha Soomaaliya. Waxaa sidoo kale si isku mid ah uga faa’iidaysta
ganacsatada waaweyn, kuwa cusub iyo kuwa niyadda ku haya in ay ganacsi
yagleelaan.
Si laguugu sheego meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto buuggaan la soo
xiriir qoraaga:
Saciid Cali Shire
e.
saidshire@hotmail.com
t. 44 (0) 783 8236 171
Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2009