Hingaad-saxaha afka-Soomaaliga (Somali spell checker)
Hingaad-saxahii ugu horeeyay ee afka-Soomaaliga oo la soo bandhigay
Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan mujtamaca qora
afka-Soomaaliga ugu bishaareyneynaa in uu soo baxay hingaad-saxahii (Spell
checker) ugu horeeyay ee afka-Soomaaliga. Hingaad-saxahaas oo lagu
isticmaalikaro barnaamijyada kumbuyuutarada sida, OpenOffice
iyo Mozilla (sida Firefox). Labada barnaamij iyo
hingaad-saxahaba waa barnaamijyo ay xuquuqdooda fasaxantahay (Open Source,
Copyright free). Barnaamijyada ay xuquuqdooda fasaxantahay waxaa isticmaalikaro
qof walba, mana loo baahna in la bixiyo wax lacag ah.
Hordhac
Waxaa hubaal ah in qofwalba oo afka Soomaaliga wax ku qoro uu
la'kulmo xaalad uu kumbuyuutarka yiraahda magacaaga/magacaada ma'saxsana ee
makuu saxaa Fiiri sawirka 1aad. Sababta ugu wacana waxaytahay in kumbuyuuutarka
uusan aqoonin afka aad wax ku qoreysid (waxaa ka maqan liiska erayadaada). Si
baahidaas looga baxo loona helo xal wax ka tara horumarnti afka soomaaliga waxaa
lagama maarmaan ah in afkeena loo helo hingaad-saxe. Waana arrinta igu dhalisay
in aan bilaabo mashruucan.
Mashruuca hingaad-saxaha wuxuu bilaawaday
bishii Juun ee sankii 2007:da, wuxuuna ahaa mid howshiisa lagu qabtay hab
tabarucaad ah. Waxaa mashruuca gacan ka geystay Borofeysar Kevin P. Scannell
(Saint Louis University) oo ku nool dalka Mareykanka. Kaalmada uu ka geystay
Bor. Kevin Scannel waxay ku timid markii aan ka war helay in aan aniga iyo
asagaba wada qabnay hammi ah in aan u sameyno hingaad-saxe afafka aan ugu hadlo
sida afkeena hooyo. Kevin wuxuu asalkiisa ka soo jeedaa dalka Irland, afkiisa
hooyane waa Gaeilge (Irish language), anigana sida uu qof walba u qiyaasankaro
wuxuu noqday afka-Soomaaliga (Af maxaatiri). Waxaa jirta in laba luqaddood ama
afood ee aan kor ku soo xusnay aysan ahayn afafka adduunka ugu caansan, ayna
yihiin afaf aanan in badan ka muuqannin masraxyada qoraalka. Waxaana afkeena (Soomaaliga)
u raacay da' yari iyo horumar la'aan ay sii fogeysay burburka dalka ku dhacay.
Waxaa jirta in aniga iyo Kevin uusan midkeena ahayn aqoonyahan afeed, ee aan ku
taqasusnay cilmiga kumbuyuutarada. Waxaana rabaa in maqaalkaan uu noqdo mid
aqoonyahanada Soomaaliyeed ku dhiirageliya, sidii ay ugu
faa'ideynlahaayeen ummaddooda baahida u qabta aqoontooda.
Habka loo fuliyey
Mashuuca wuxuu ka bilaawdey markii aan islameeldhignay aniga iyo
Kevin in dhowr kun oo eray oo afka-Soomaaliga ah loogu gudbiyo
barnaamij-kubuyuutareed (Corpus), si uu tixraac ugu sameeyo bogagga Internetka
ee laga helo erayada loo dhiibay. Waxaa ku xigay in si fayllal ahaan ah loo soo
dejiyo bogaggaas, lana diiwaangeliyo erayada laga helay. Waxaa dhacday in guud
ahaan uu barnaamijka soo helay ilaa 4 200 000 (afar malyal iyo laba boqol oo
kun) oo eray. Markii baaritaan lagu sameeyay soo noqnoqodka eraya (word
frequency), waxaa soo baxday in erayga iyo uu yahay
eraygii ugu badnaa inta la soo uruuriyey, waxaana ugu yaraa erayga beeraha oo
soo noqnoqday ilaa iyo 150 jeer, fiiri shaxda 1.
iyo
|
ee
|
soo
|
ayaa
|
beeraha
|
68013
|
53604
|
42509
|
26591
|
150
|
Shax 1: Soo noqnoqodka eraydii la soo
uruuriyey.
Waxaana xusid mudan markii aan bilaabay sixista
erayadaas aadka u tiradabadnaa, in aan ka waayey eraydii aan islahaa waa erayo
daruuri ah, sida caano, bariis, shaati, saxan IWM.
Erayga dhacay wuxuu soo noqnoqday 2600 oo jeer.
Arrintaas waxay tusaalo u tahay in maqaallada laga helo Internetka ee ku qoran
afka-soomaaliga ay u badanyihiin kuwo wararka ka soo gudbiyo xaaladaha dagaal ee
dalka Soomaaliya. Erayadii uu barnaamijkaas soo uruuriyey waxaa ka mid noqday
erayo aad ugu soo noqnoqda qoraallada afka-Soomaaliga hadana aanan saxsaneyn,
sida Mohamed ama maxamed, Somalia
ama soomaalia, sheikh, Mogadishu
IWM. Erayada aan kor ku soo sheegnay kuwooda saxan waa: Maxamed,
Soomaaliya, Sheekh iyo Muqdisho.
Eraydii aan saxay ayaan markale ku celiyay
mudane Kevin si barnaamijka ugu dhiibo, waxaana ka soobaxay erayo cusub.
Eraydaas isku darkooda waxay noqdeen ilaa 7000 (todobo kun) oo eray kuna keydsan
faylka so_SO.dic (WordList). Waxaa jirta in hingaad-saxaha asal ahaan uu u
shaqeeyo sida soo socoto: Markuu arko erayga uu isticmaalaha qoray wuxu ka
fiiriyaa liiska erayada uu haysto, hadii uu ka waayo wuxuu ku calaamadiyaa
calaamad gaduud ah. Afka Soomaaliga waxaa dhacda in hal eray oo asal ah uu
yeesho erayo badan oo asaga ka farcama. Waxaan bilaabay in aan darso qaab
dhismeedka erayadaa una sameeyo shuruuc loo isticmaalo. Barnaamijka myspell
ma aspell waxay isticmaali karaan faylka shuruucda/sharciyada
ku lamaanan so_SO.dic oo lagu magacaabo so_SO.aff (Affix-file). Fiiri shaxda
2 oo ka muuqata sida faylka sharciyada uu u shaqeeyo.
Asal
|
magac
|
anigaa
|
adigaa
|
asagaa
|
ayadaa
|
anaggaa
|
idinkaa
|
ayagaa
|
nadiifi
|
nadiifis
|
nadiifiyay
|
nadiifisay
|
nadiifiyay
|
nadiifisay
|
nadiifinay
|
nadiifiseen
|
nadiifiyeen
|
sharci
|
s
|
yay
|
say
|
yay
|
say
|
nay
|
seen
|
yeen
|
Shax 2: Sharciyada
(affix) iyo falka nadiifi oo loo helay ilaa iyo sideed eray oo cusub.
Waxaa ku filan in aan falyka so_SO.dic ku
sheego in erayga nadiifi uu qaadankaro shaciga ku jira
so_SO.aff sidaasna uu ku yeesho erayga nadiifi erayo
cusub.
Natiijada iyo Gabagabo
Mashruucan waxaa ka dhashay hingaad-saxe kooban oo u gaar ah
afka-Soomaaliga si uu u noqdo mid dhammaystiran wuxuu u baahanyahay in uu helo
erayo ka badan kuwa hadda ku jira, lana helo bulsho ka qeybqaadato ururinta iyo
sixista erayadaas.
Hingaad-saxahan waa caddadkii ugu horeeyay, waana hingaad-saxe
aysan dhankiisa erayada dhameytirneyn. Sababaha aan u soo bandhignay asaga
oo aanan dhamestirneyn ayaa waxay ahayd in ay bulshada aragto kana geysato
taageerada ay awoodo. Wuxuu ka koobanyahay erayo tiro yar waxaana soo bixidoona
caddadyo cusub mustaqbalka haduu Alla idmo.
Wixii dheeraad ah waxaad kala soconkartaa bogga www.opensourcesomalia.org
. Waxaana jira fidiyow (Video) ku saabsan sida loo keydsankaro hingaad-saxaha.
Qore: Inj. Maxamed Ibraahim Mursal
mimursal@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2009
|