SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Gaza : Geeridu ma aha Guuldarro 

Maxamed C. Cibaar
Soomaali60@yahoo.com 


http://www.guardian.co.uk/world/gaza

Billowga qarniga 21aad, waxaan ku sugannahay adduunyo ilbax ah, naxariis badan, oo noole iyo manooleba in lagu xadgudbaa ay xaaraan tahay, xuquuqdooduna dhowrantahay. Waxaanan joognaa adduunyo arxandaran oo la isku dhiirrigeliyo in dhulka lagu malaaso magaalooyin ay malaayiin qofood ku noolyihiin, caruur iyo cirroole midkoodna aan la badbaadin. Kaaga sii darane in dadka la dulminayaa ay is difaacaan waa dambi argagixiso, halka kuwa wax dabargoynaya dooddooda la xalaaleynayo. Waa duni dadka qaarkiis dilkiisa iyo darxumeyntiisa darajo iyo dallacaad lagu helo, taasina ay keentayba in gumaadkooda la isku garbiyo.  


http://www.guardian.co.uk/world/video/2009/jan/13/gaza

Aakhiro waa xisaabteedee, ceebta iyo waji gabaxa ifka ku haysta guud ahaan umadda Muslimiinta ah ee walaalahood maanta lagu xasuuqayo marinka Gaza ee Falastiin, miyaysan aheyn tii Nabigeennii Muxamed (nnkh) uu ka digay 14 Qarni ka hor? Adduunyadoo la jeclaado iyo geeridoo la dhibsado, sow natiijadeedii ma noqon; ummaddii muslimiinta aheyd ee adduunka ugu badneyd in itaalkeedii uu ku soo ururo indho guluc ka siin iyadoo maalinba afartii xulka aheyd agteeda lagu dubanayo? 

Gabayga cusub ee Gaza, oo soo baxay 15kii Jannaayo, 2009ka, wuxuu ku saabsanyahay xasuuqa naxariisdarrada ah ee lagu hayo shacbiga Gaza,waxaanan Rabbi (swt) ka baryayaa in uu naxariistiisa waasica ah u soo dedejiyo, dulmiga ku habsadayna degdeg uga dulqaado. 

Wuxuu gabaygu ku billaabanayaa: 

  1. Gooreysadaa muuqatiyo sekenka gowleeya
  2. Waagii guduutiyo waqtigu galabba waa ceyne
  3. Waa hooska guurguurayoo gelinba meel jiraye
  4. Galalkaa mar buuxoy xareed galac leh jiiftaaye
  5. Marna geyigu waa wada abaar baahi loo go’iye
  6. Gu’ waa nabad kalgacal lagu nastoo guurku fidayaaye
  7. Gu’na waa colaad goxoshka iyo gablamin waayeele
  8. Inkastoo gegsigu waa nimcee aad gob tahay yaab leh
  9. Haddana gugaca samadii qarshee gubaya ciiddaada
  10. Ubadkaada la gumaadayee nacabku gowracayo
  11. Oon gacal u hiilliya laheyn gocasho waa ciile
  12. Guutooyin kuu dagaallamoo buuxsha garabkaada
  13. Gurmad kale haddaan kuu heleyn maal wax kuu gooya
  14. Hagran maayo gabaygoo ducaan soo gudbinayaaye
  15. Guullaan baryeynaa inuu gacan na siiyaaye
  16. Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye. 
     
  17. Iney dunidu sii gaddoomeysoy gebi ka laallaaddo
  18. Ficillada gurracan ee dulliga yaad ka garataaye
  19. Gunta badaha xayawaan ku jira dhibi iney gaarto
  20. Gooddin baa ka taalloo guddiyo dhowrayaa jiraye
  21. Dhagaxaanta qaar lama gurtoo waa ganaax culuse
  22. Garsooraaba loo sheegayaa geed ninkii jaraye
  23. Adigana malaayiin guryiyo gogolba loo diiday
  24. Gasiinkana ku diimaaya oy gaajo bi’ineyso
  25. Yaa gantaalo quud loo dhigay gumuc rasaaseede
  26. Maatida gamaareysa ee goob walbaba daadsan
  27. Haddaan loo garaabeyninoo gefba la sii saari
  28. Waa inaan gutaa waajiboon geysto tabarteeye
  29. Guutooyin kuu dagaallamoo buuxsha garabkaada
  30. Gurmad kale haddaan kuu heleyn maal wax kuu gooya
  31. Hagran maayo gabaygoo ducaan soo gudbinayaaye
  32. Guullaan baryeynaa inuu gacan na siiyaaye
  33. Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye. 
     
  34. Sida galley la muufeeyay iyo garow la ruugaayo
  35. Ummad xeero lagu soo gurtoo la isku goobeeyay
  36. Gashigeedna loo kala tartami goosi hilibkeeda
  37. Wax Xadiis uu goor hore ka digaa meesha galaye
  38. Garwadeennadaa waashay iyo geeshka kaa hiilshay
  39. Markii diinta ay ka gaabiyeen xumana loo guuray
  40. Gafaniyo markey caabudeen Jaahilkii gawiya
  41. Oo aakhiro in loo geeddi yahay gini hilmaansiiyay
  42. Giirrey lo’aad iyo sidii ariga geesaha leh
  43. Guunyuu Ilaahey ka dhigay geel dad leeyahaye
  44. Guudkaa barkood laga raraa geenyadoo kalaye
  45. Kuwo waa la gadayaa intey gaar gorgoriyaane
  46. Qaarna waa la gaballeynayaa oo la googgooye
  47. Adigaaba gaashaan leh iyo ciidan aar-gudanne
  48. Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye. 
     
  49. Gorofkii Fircoon iyo Abraha laga gol roonaaye
  50. Hitlerkii is yiri gabagabee gabi ahaan dunida
  51. Gendi kibir la qooqaaya iyo gale awood sheegtay
  52. Gabgableynta maalmaha yar iyo gujinta kii liita
  53. Waa garasho daaquud inuu gaabso diidaaye
  54. Gumeysigu qareenkuu lahaa iyo gabbaadkiisi
  55. Golihii la sheegsheegi jiray goob Ibleys noqoye
  56. Waa kaa xishoodkii gambiyoo lagu gabraartaaye
  57. Waa kaa go’ii tuurayuu guray damiirkiiye
  58. Waa kaa gaggabayoo herdiyay biro gidaarro ahe
  59. Waa kaa gafuurkii jaboo goon ka dhaawacane
  60. Waa kaa nabsigii gaaxsanaa buuxshay gaawahaye
  61. Bari iyo Galbeed laga dareen godobta teenna ahe
  62. Gamuunkiina liishaamanoo giigsan qaansaduye
  63. Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye. 
     
  64. Gunnimaa xanuun badan leh iyo gaalo-raacnimaye
  65. Gobonnimo inaan daafacnaa wey gudboontahaye
  66. kuwa maanta ku go’doomiyee gaaska kugu buufin
  67. Garaadxumo haddii ay la tahay inu gantaal taliyo
  68. Dhiiggaada laga ganacsadiyo gardarradaa qaawan
  69. Xaqaad gowska ku adkeysan iyo geesinnimadaadu
  70. Dhanbaal gaar ah yey insha-Allaah sii gudbinayaane
  71. Waa gaddii asxaabtii Ukhduud saan gareysnahaye
  72. Wiilkuu Ilaahey galladee geliyay iimaanka
  73. Gurbaankii khalqiga loo tumiyo gegidii buuxdhaaftay
  74. Garbadduubiddiisii la eed maalintuu go’aye
  75. In sheydaan go’aankiis fuloo la isku guulguulo
  76. Boqorkii gagruurasho halkuu gaardis filanaayay
  77. Siduu shacabkii u gadoodayee geerida u doortay
  78. Oo godad la hurinaayo uu uga gabboon waayay
  79. Una yiri Allihii gabanka iyo Guullahaan raacnay
  80. Arligaa gilgilan oo runtaa guudka soo mariye
  81. Muslimiintii wada gama’sanaa wey gurxamayaane
  82. Goonyaha adduunkoo dhan buu guux ka baxayaaye
  83. Iska daa dar kaa goosta iyo gaabis kaa haraye
  84. Gacaltooyo qaar kuu qabaa diinta soo geliye
  85. Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye. 
     
  86. Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.
  87. Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.
  88. Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye. 

cibaarC/Qaadir Maxamed C. Cibaar
Soomaali60@yahoo.com

GUUBAABO: Gabay Cusub - Dec 2008 Akhris/Dhegeysi..

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS