Geed Yuhuudka iyo Booca oo jecel in ay dagaaladu sii socdaan
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Dhowr Geed oo caan ah ayaa ku yaala Magaalada Muqdisho, kuwaas oo marba mid la
arkay, geedkii ugu horeeyey ee Magaalada waxa uu ahaa Tiinka, waana geed si aad
ah uga baxa Magaalada Muqdisho, waxaa waagii hore la isaga ilaalin jiray
Tuugada, ilaa iyo hadda waxaa jira dad isaga ilaaliya Tuugada oo guriga deer uga
dhiga, waxaa kale oo dhici jiri in Tuugada lagu tuuri jiray marka la qabto si uu
u xanuunsado, waayo qodxihiisa ayaa ah kuwo aan la iska siibi karin qaarkood,
hase yeeshee dadka reer Muduga ah geedkaan ma jecla oo waxay yiraahdaan “waxaa
noogu soo gambanaya bahalada iyo Masaska” si aad ah ayayna isana guraan,
geedkaan Tiinka ahna ma lahan wax anfacaad ah, hase yeeshee mar dambe dadku
markay u adkeysan waayeen abaaraha ayaa waxaa Koofurta ka bilaabatay in Tiinka
la soo jaro, kadibna qodxaha laga gooyo, kadibna dab yar la tuso, waxaana la
siiyaa Lo’da si ay jiilaalka uga gudubto.
Waxaa kale oo xiligii Talyaaniga la arkay geedkaan Booca la yiraahdo, waa geed
isna Magaalada si aad ah uga baxa, wax waxtarmo ah ma lahan, haddana waa astaan
u taagan markaad timaado Muqdisho. Geedkaan xoolaha lama siiyo, mana daaqaan,
korkiisa waa caano caano, carruurta ayaa mararka qaar ku cayaarta oo keliya.

Booc
Markaan ka soo gudubno labadaan geed, xiligii Max’ed Siyaad ayaa waxaa dhacday
in la sameeyo maalin lagu magacaabo “Maalinta Dhirta 17-ka April” waxaana la
beeraa xiligaasi geedo fara badan, hase yeeshee dowladdaas waxay xiligaas ka
dalbatay dalka Hindiya in loo keeno geed har leh, qurux badan, dadku ay
manaafacaadsadaan, waxaana loo keenay geedka ay haatan Soomaalidu u taaqaan geed
Hindiga, markii Magaalada lagu daayay ayaa waxaa la ogaaday in geedkaan har oo
keliya laga helay, balse wax kale oo manaafacaad ah aan lagu hayn, sida miro la
cuno iyo wixii la mid ah, waxa uuna leeyahay qashin fara badan, waxa uuna kugu
dhibayaa xaaqid. Fara badan

Booc dhulka ka buuxsantey
Xiligii UNISOM ayaa dadka Muqdisho mar kale ku soo baraarugeen geed cusub oo loo
yaqaano lama magac, dadka qaarkii waxay u yaqaanaan (Geedi Yuhuud) halka kuwo
kalana u yaqaanaan (Cali Garoob), waxa uuna si aad ah ugu faafay koofurta
Soomaaliya, xiliyadii dambana waxa uu soo galay Magaalada Muqdisho, dadka qaar
waxay sheegaan in xiligii UNISOM uu nin Yahuudi ah uu ku saxarooday meel ka mid
ah dhulka miyiga ah ee Muqdisho ku hareersan, sidaasna uu ku soo dhashay
geedkaani, waa sida ay yiraahdaan dadka qaarkiis, geedkaan caleentiisa waxay u
eg tahay caleenta Quraca oo kale, haddana aad ayuu u gaaban yahay, waana qodxo
badan yahay, dadka qaarkii ayaa qaba in geedkaani uu yahay geed ay Aakhiro
Samaanka ku dhuuman doonaan Yuhuuda.

Booc iyo geed yuhuud
Maalin aniga oo lugeynaya oo maraya jidka Warshadaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa
waxaa iga soo hor baxay koox geed Yuhuud ah, markiiba Askari Itoobiyaan ah ayaa
ka soo dhex booday, waxa uuna igu yiri “Mindhinow” oo ah “Maxaa jira”, inta
gacanta u haatiyey ayaan ku iri “Waxba”, waxa uuna igu yiri “Jigir Yalam” oo ah
“Wax dhib ah ma jiraan ee iska bax”, maalinkaas ayaan wax xooggaa ka rumeystay
in geedkaan Yuhuudu ku dhuuman doonto, waayo Askarigaas Itoobiyaanka ah iyo
geedka si aad ah ayay isugu ekaayeen dhinaca Tuutaha.

Geed Yuhuud
Geed Yuhuudka iyo Booca Magaalada Muqdisho haatan si aad ah ayay ugu soo
tarmeen, haatan goobihii laga qaxay waxaad ku arkaysaa geed Yuhuudkaas iyo Booca
oo si aad ah u qariyay xitaa Guryihii laga qaxay iyo Wadooyinka xaafadaha dhex
mara.
Si aad ah ee ay uga baxeen labadaan geed goobihii laga soo barakay, marka la
barbardhigo xiligii lagu sugnaa goobahaas, waxaa si aad ah u badan haatan oo
xaafaddaha Muqdisho inta badan la cidleeyay, sidaas darteed waxaa kuu muuqan
karta in labadaan geed ay cidlada si wanaagsan u jecel yahay, labadaan geed ayaa
waxaa dhex martay sheeko xiiso badan oo sidaan u dhacday.
Geed Yuhuudka: War ninyahow Boocow Magaaladaan goormaad soo gashay?
Booc: Waqti fog ayaan soo galay, balse waxaan waayay wax wehel ah oo aan wada
joogonno.
Geed Yuhuudka: Waan gartay, waxaanse ku waydiiyey sidee u nooshaay?
Booc: Anigu cid aan biyo uga baahanay ma jirto, cid aan cunto uga baahanahay ma
jirto, waxaanse jecelahay cidlada, oo layrta ayaa i mareysa, jiilaal iyo abaarna
waa isugu key mid ah.
Geed Yuhuudka: Warkaa gartay, aniguna sidoo kale aad ayaan u jeclahay cidlada,
weliba waxaan sii jeclaan lahaa in magaalada oo dhan laga qaxo, waxaanse ku
weydiiyey boocow ma jiraan wax dhibaato ah oo aad la kulan tahay intii aad
magaaladaan ku nooleed”.
Booc: Dhibaato waa jirtaa, oo mararka qaar ayaa carruurtu I gurtaa iguna
cayaaraan, taana waxaa iigu wacan aniga oo aan lahayn difaaca qodax , waxaa
sidoo kale dhibaato iga soo wajahdaa dadka oo mararka qaar I gura ina guba, ee
adigana dhibaatadaada ka waran?.
Geed Yuhuudka: Waa runtaa difaac qodax waan leeyahay, laakiin mararka qaarkood
waxaa igu saqajaamaya kuwo wata Misaar oo doonaya in ay ulo iga raadiyaan,
kuwaas oo wax aan ka yeelo garan la’ahay.
Booc: Geed Yuhuudow waxaan ku weydiiyay , Maxaad jeceshahay?.
Geed Yuhuudka: Waxaan jeclahay marka ay madaafiicdu isku dhacdo oo ay dadku
barakacaan ayaan si aad u tarmaa.
Booc: Anigana sidoo kale ayaan u jeclahay in ay dagaalada sii socdaan, haddii
kale sidaan aan maanta u qurux badanahay ma u sii qurux badnaan doono, haddii
nabad la helo oo ay dadku soo laabto, maxaa yeelay guridii iyo gubiddii ayaa noo
dambeyneysa, oo hadda waxaa i soo gaaraya in kuwii dhibka nagu hayey ay dul
degeen koox kale oo naga tirsan, oo horey baashaal ugu jiray, balse hadda jarid
iyo gubid lagu bilaabay oo aad u cabanaya, hadday soo lugeyn karaan waxay ii
sheegeen in ay soo bixi lahaayeen, marka ninyahow (Geed Yuhuudow) waxaan waajib
nagu ah in aan Xaflad dhigano.
Ujeedada aan u soo qaadanay Qoraalkaan ayay ku qotontaa in dhibaatada Soomaaliya
meel kasta laga maleegayo, oo xitaa na habaarayaan labadaas Geed oo jecel in ay
dagaalada sii socdaan, waxaana taa ugu wacan dadka oo aan daryeelin deegaanka
isagaba daaye in ay iyagu is daryeelaan, waxaa kale oo Habaarka Bini’aadamka
gefka laga galay noogu darsoomay gefka laga galay deegaanka gaar ahaan geedihii
manaafacaadka lahaa ee la harsanayay ama wax laga cunayay, kuwaas oo la
baabi’yay iyadoo la fiiriyo dan aan sidaasi u sii buurneen oo ku saleysan aad
mudo ku moodid, kuwaas oo cuqubadoodii ay keentay in geedo aan la aqoon oo aan
manaafacaad lahayn wadanka ay soo galaan oo ay meel kasta buuxiyaan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Shirka Jabuuti : Wuxuu noqdey Virus wax Qaybiya
Akhri
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2009