Wajiga cusub ee bur-burinta soomaaliya Laga soo
bilaabo wakhtigii 1991-kii, oo ku aadan kolkii ay bur-burtay
dowladii kacaanka ahayd ee soomaaliya. Waxaa soomaaliya ku
socdey hargardaamooyin kala duwan oo ka imaanaayey meelo kala
duwan. Hagardaamooyinkaas waxaa intooda badan si toos ah iyo si
dadbanba u taageeraayey dowladu shisheeye ah. Kuwaas oo ka
koobnaa kuwa deriska nala ah iyo kuwo kaleba. Howshu waa kala
qaybsanayd intii ka horeysey dhamaadkii 2006-da. Waxayna u kala
qaybsanayd iyadoo howsha dulka taala ee ah burburinta ,
barakicinta iyo gumaadka shicibka ay fulinayeen dad soomaali ah.
Howsha banaanka ah ee xaga dhaqaalaha, talada, siyaasada,
taakuleynta, soo gurmadkana ay gacanta ku hayeen dad iyo dowladu
shisheeye ah oo dano gaar ah ka leh soomaaliya.
Bilowgii bur-burka
Waxaa aynu dhamaanteen wada xasuusanahay jabhadihii kala
duwanaa ee abuurmay kolkii ay bur-burtay dowladii soomaaliya.
Waxaaba la gaaray iney reer walbaa samaystaan jabhad magac leh.
Jabhadahaas waxaa ka mid ahaa kuwan:USC, SNM,
SSNM,SDM,SPM,SNF,SSDF,SNA,SSRC , iyo kuwo kale oo badan.
Jabhadahani waxaa ay ka mid ahaayeen qabta fulinta ee
bur-burkii soomaaliya. Iyaga ayey ahaayeen kuwii sida tooska ah
dhulka uga fulinaayey burburinta dalka, gumaadka iyo iska
horkeenka shacabka. Caddowga dibaduna waxaa uu ahaa mid marwalba
diyaar la ah tasiilaadkii iyo sahaydii ay jabhaduhu u
baahnaayeen si loo tirtiro dalka iyo dadka soomaaliyeed. Madaxda
jabhadahaas waxaa badanaaba uu cadowgu ku beerlaxawsan jirey
isagoo u balan qaadaaya arimaha ay ka mid yihiin saldano ama
dhaqaale aan sidaas u buurayn. Sida ay dadka arimaha dhaqaalaha
iyo badeecadaha wax ka yaqaani ogsoon yihiin haddii badeecad ay
suuqa muddo ku jirto oo la isticmaalo, waa in badeecadii wax
laga bedelaa si ay mar labaad u gadanto. Marka hore waxyaalo
yar-yar ayaa la bedelaa sida kalarka,bacda ama jawaanka sheygu
ku jiro, marka xigana waxaa la bedelaa gebi ahaanba sheygii.
Haddii aan sidaas la yeelin badeecadii ma gadmeyso suuqna yeelan
meyso. Taas haddii aynu ku dabakhno siyaasada soomaaliya ee
gumeysigu maleegay. Kolkii la arkay in aaladihii jabhaduhu iney
suuqa ka sii baxayaan ayaa shaarkii laga bedeley oo waxaa loo
yeelay magac dowladeed, balse dadka ku jiraa waa uun isla kuwii
jabhadaha aan kor ku soo sheegnay horboodaayey. Sidaas waxaa
loo yeelayaa iney badeecadu sii gadanto suuq cusubna loo helo.
“Badeecad” waxaan halkaan ula jeedaa hadba aalada la
adeegsanaayo si loo sii wado bur-burka soomaaliya. Kolkii aalad
cusub oo dowlad loogu yeeray la sameeyey ayaa si gumaadka iyo
burburinta loo xaqiijiyo waxaaba soo raacay qaar ka mid ah
gumeysigii wax maleegaayey.
Siyaasadaas waxaa la isticmaalaayey muddo haatan ku dhow
afar sano. Hadda waxaa la soo gaarey wakhtigii badeecada mar
kale dib u habeyn lagu sameyn lahaa si ay mar kale u gadanto
suuqna u sii yeelato. Waa maxay aalada cusub ee gumeysigu
adeegsanayaa hadda?
Wajiga cusub ee bur-burinta
Madaxweynihii in muddo ahba ay reer galbeedka iyo wadamada
kale ee deriska ahiba taageerayeen ayaa mar qura la yiri: Waa
inaad jagadaada iska casishaa maadaama aad caqabad ku tahay
nabada soomaaliyeed. Waxaa loo sheegay inuu jagada iska casilo
madaxweynuhu, jidkana u baneeyo dadkale oo cusub oo howsha fulin
kara.
Waxaa kaloo la yiri baarlamaanka ku meel gaarka ah ha
lagu daro tiro kor u dhaafeysa laba boqol oo qof.Waxaa la rabaa
in magacaas dowlada inta wax laga bedelo lagu howl galo muddo,
loona adeegsado sii wadista burburka dalka, lama oga inta ay
taasi shaqeyneyso.
Akhristow, mar kale xasuusnow tusaalahaygii ganacsiga iyo
badeecadaha ee aan kor ku soo sheegay. Waxaa socda dib u
habeyntii badeecada (aalada loo adeegsnayo bur.burka).
Waa in wax laga bedelaa aalada la adeegsnaayo si ay badeecadu
suuq cusub u yeelato. Caddowgii dalka galay ee fulinta ka qayb
qaatay waxaa uu arkay howshaan fulinta bur-burku in aaney
sahlaneyn sidaas darteed waxaa uu goŕansaday inuu faraha kala
baxo,Uuna dib ugu laabto kaalintiisii hore ee ahayd, talada,
hubaynta, xulufo abuurida, dhaqaalaha, iwm, Balse ay howsha (
bur-burka iyo gumaadka shicibka) fuliyaan dad soomaali ah. Waa
sababta keentay inaan maqalo magacyo cusub oo kusoo biiraya
khilaafka soomaaliya. Goorma ayaa kuugu horeysey akhristow
maqalka: Ciidamada Ahlu-sunah wajameeca ayaa qabsaday magaalo
hebla. Goormaa kuugu horeysey maqalka ciidamada burcad badeeda,
Goorma ayaa kuugu horeysey Ciidanka dib u xoreynta garabkiisa
Asmara, garabkiisa jabuuti iyo kan gudaha. La yaabi meyno haddii
ay wakhti aan fögeyn soo baxaan aalado kale oo la adeegsanaayo
si loo sii wada burburka dadlka iyo dadka soomaaliyeed. Waxaa
suurto gal ah inaan dhowaan maqalo waxyaalahaan soo socda:
- Ciidamada ururka ( Islaax, takfiir, qaadiriya, ahmadiya
iwm) oo meelqabsaday
- Odayaasha dadkaa laga badan yahay ee kristaanka oo shir
yeshay
- Ciidamada soomaalida qurba-jooga oo gobol badan qabsaday
- Taageerayaasha ururka cilmaaniga ( diin-laawe) oo kulan
yeeshay
- Afhayenka ururka xoola dhaqatada soomaaliyeed oo sheegay
iney dagaal qaadayaan
- Ururka odayaasha qeybtiisa hubeysan oo bayaan soo
saartay
- Ciidamada burcad badeeda, qaybta waqooyi bari
- Ciidadmada burcad badeeda , qaybta waqooyi galbeed
- Ciidamada burcad-badeeda qaybteeda koonfureed
Waxaa dhamaanteen inala gudboon inaan ka fiirsano
hagardaamooyinkan, isla markaasna aan u guntano, wax ka
qabashada dhibaatada dalkeenii ku habsatey, inagoo uga qayb
qaadaneyna qaab aan shar abuurid ahayn ee ah wanaag.Arimahaan
aan kor ku xusay waxaa ay ka mid yihiin qaababka cusub ee
sanadaha ama bilaha soo socda la doonaayo in dadka lagu howl
geliyo,si ay u sii socoto bur-burinta iyo gumaadka dadka iyo
dalka soomaaliyeed. Waxyaalaha ugu weyn ee dadka lagu howl
geliyaana waxaa ka mid ah qabiilka, dhaqaale ama saldano balse
suŕashu waxaa weeyaan maxay ku tarayaan waxyaalahaasi kolkii
aad dadkaagii iyo dalkaagii gumaado. Waxaankaga baxayaa qayb ka
mid ah gabaygii qiimaha lahaa ee uu tiriyey hayeygii C/llahi
suldaan timacade
- Ubadkiinii waad daadiseen waana
dubateene
- Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
- Dariiq toosan soomaaliyey waa lagaa
deyeye
- Darajada ilaahay ninkii Doonayaa
hela e
- Nin ka duday dastoorka iyo waxyiga diintii ka carrowye
- Dugsi ma leh qabyaaladi waxay
dumiso mooyaaye
- Haddeynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka
- Dibadaan ka joognaa sharciga daacada ilaahe
- Danbarkeedu waa jahanama iyo dogobkii
naareede
- Dugsi ma leh qabyaaladi Waxay
dumiso mooyaane
- Dir-dir la isu laayiyo intaan weerar
dabajoogno
- Ooy dumarku weerkii sitaan Danabadii
waayey
- Uu sida dameeraha u yaal meydku
dibadiina
- Walee doogsan meysaan hadaad dunida
joogtaane
- Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso
mooyaane
Mahadsanidin.
C/risaq
Maxamed Xuseen, Eskilstuna,Sweden.
habdirisak@hotmail.com