SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Sh, Fu'aad Shongole Oo Gaashaanka U Daruuray Eedaynta Ururka Al-shabaab Lagu Eedaynayo Dilalka Qorsheysan

Wadaadka caanka ah ee kamid ah madaxda ururka al-shabaab Fu'aad Maxamed Khalaf (fu,aad Shongole) ayaa markii u horeysay la hadlay Warbaahinta Muqdisho isagoo tibaaxay shil dhowaan ku dhacay ilaaladiisa gaarka ah iyagoo maraya deegaan ka tirsan gobolka hiiraan islamrkaana warbaahinta qaarkeed sheegtay in dhaawac soo gaaray wadaadka ayuu ku sheegay inuu caafimaad qabo oo aysan jirin wax soo gaaray haba yaraatee.

Sheekha ayaa intaasi ku daray inay jirto Weerar lagu qaaday Gaari uu la socday meel u dhow Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, isagoo tilmaamay in weerarkasi ahaa mid aan loogu talo gelin balse uu si kama ah ku dhacay islamrkaana ay waxyeelo dhaawac kasoo gaadhay labo kamid ah ilaaladiisa .

Sidoo kale sh,fu,aad shongole oo wax laga weydiiyey dilalka qorsheysan ee ka dhaca caasimada muqdisho islamrkaana ay masuuliyiinta maxaakiimta qaarkeed ku eedeeyeen ururka al-shabaab ayuu waxuu kaga jawaabay inaysan arintaasi waxba ka jirin islamrkana ay dilalakaasi ka dambeeyaan rag gaar ah oo u adeega danaha cadowga islaamka .

"Dilalka qorsheysan ee Muqdisho ka dhaca Shabaab kama dambeeyo,waxaana wada rag gaar ah oo la yaqaano oo u adeega cadowga islaamka ,Si aad ahna anigu waan uga xumahay in la dilo ragii aan isku safka ahayn walaahi waxbana kama ogi rag igu qaali ah oo aan aad uga naxay ayaana la dilay subxaanalaah" ayuu yiri sh,fu,aad

Dhinaca kale sh,fu,aad shongole oo la weydiiyey tegitaanka gobolada dhexe ayaa shaaca ka qaaday inuu gobolada galguduud iyo hiiraan meelo ka tirsan uu tegey islamrkaana ka wadey fidinta diinta islaamka isagoo carabka ku adkeeyey in muxaadarooyin kala duwan uu ku qabtay meelo ka tirsan goboladaasi islamrkaana dadka ugu yeerayey xaqa siday u fahmi lahaayeen .


Madaxweyne Shariif Sh,Axmed Oo Sheegay Inuu Ku Guuleystay Yaboohii Kaalmeed Ee Wadamada Uu Safarka Ku Tegey


Madaxweynaha Dowlada FKMG ah ee soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay galinkii dambe soo gaadhay caasimada dalka soomaaliya ee Muqdisho ayaa warbaahinta qaarkeed u sheegay inuu soo maray wadamo dhowr ah islamrkaana weydiistay inay ka caawiyaan dhinaca dhismaha ciidamada iyo weliba tababaradooda .

Shariif Sheekh Axmed safaro kusoo kala bixiyay wadamada Turkiga, masar, Brussels, Kenya iyo suudaan ayaa faahfaahin ka bixiyay safaradiisa islamrkaana shaaca ka qaaday inuu yaboohii uu wadmadaas ula tegey ay dhamaantood uu ku guulaystay isagoo carabaabay inay ugu soo dhamaadeen is faham .

Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa si gaar ah diirada u saaray safarkiisii ugu dambeeyey ee wadanka suudaan isagoo tilmaamay inuu aad ugu farxay is afgarad iyo soo dhoweyn uu kala kulmay madaxweynaha wadanka suudaan cumar xasan al-bashiir taasoo uu ku macneeyey inuu ugu yaboohay inuu ka saacidi doono tababaro ay u fidin doonaan ciidamo soomaaliyeed islamarkaana ay todobaadyada soo socda gaadhi doonaan dalkaasi ciidamo soomaaliyeed oo mudo 90-cisho ah ku qaadan doona tababar iyo wacyi gelin .

Dhinaca kale madaxweyne shariif oo saxaafadu weydiisay bal sida ay u u kala sooci doonaan ciidamadii maxaaiimta iyo kuwii dowladii hore iyo cidda la diri doono ayaa ku jawaabay inaysan jirin ciidan kala soocan oo ay isku mid noqon doonaan diritaanka tababarada soo socda

“Ciidamada aan direyno ma noqon doonaan kuwa qeyb gaar ah ka socda, balse ciidamada Dowlada kuwada jira waa isku mid lama kala takooraayo, waxaana loo xuli doonaa si cadaalad ah” ayuu yiri madaxweyne shariif

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumada Suudaan ayaa dadaalo ugu jirta sidii ay usoo afjari lahayd khilaafyada sii xoogaysanaya ee u dhexeeya dowlada iyo xoogaga islaamiyiinta kasoo horjeeda kuwaasoo ay todobaadyadii nasoo dhaafay isku day ka samaysay sidii ay ugu kala dab qaadi lahayd hogaamiyaha islaamiyiinta garabka asmara sh,xasan daahir aweys iyo madaxweyne shariif sh,axmed oo u muuqda kuwo rajo xumo laga muujinayo .


yaasiin Maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
Muqdisho
 

Faafin: SomaliTalk.com | April 30, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: