SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Masuuliyiinta Ehlusuna Waljameeca Ee Ku Sugan Magaalada Doolow Oo Beeniyay Inay Wadahadal La Galeen Xoogaga Alshabaab Ee G/Gedo

  • Waa waraysi aan la yeeshay afhayeenka Ehlusunna Ee Gedo Sh Ismaaciil Sh Cabdi Oo Loo Yaqaano Koofi oo ku sugan Magaalada Doolow Ee Xadka Itoopiya Iyo Soomaaliya Halkan ka dhagayso

Sh ismaaciil Sh Cabdi oo loo yaqaano Sh Ismaaciil Koofi oo ah afhayeenka Ehlusuna Waljameeca ee G/Gedo ayaa mar uu la soo xiriiray warbaahinta waxaa uu maanta markii ugu horaysay gaashaanka u daruuray hadalo la xiriira inay wadahadal la galeen xarakooyin islaamiga ah eek u sugan gobolkan Gedo.

Afhayeenka ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan jirin wax xiriir ah o ay la sameeyeen masuuliyinta heer gobo lee xoogaga islaamiga ah .waxaana uu carabka ku adkeeyay in aysan dhicin cid ay wadahadal ay la galeen.

“ ma jirto cid aan la hadalnay ,dagaalkeenu ma ahayn mid qabiil ee wuxuu ahaa mid diineed , taasi waxa ay u baahantahay in la helo cid diinta taqaana oo dhexdhexaad iyo goob ku haboon, dadka sheeganaya wadahadalka taasi waa been abuur lama aanan hadli ci kamid ah lama aan hadli doono”.sidaasi waxaa yiri Sh Ismaaciil Koofi

Sheeqa ayaa ku gacan sayray in waanwaan ay sheegeen in kooxda Xildhibaan barre Hiiraale ee k u sugan magaaladaasi Doolow ay la bilaabeen xoogaga islaamiga ah. waxaa uu ku jawaabay mar uu arrimahaasi ka hadlayay.

“Taasi waxba kama jiraan , ragaasi aad sheegayso eek u sugan doolow kana tirsan dowlada xittaa guryahooda ma tagi karaan oo dolow ayay ku xaniban yihiin isbadaa wadahadale ,arrimahaasi walaalow waxba kama jiraan” ayuu tibaaxay Sh Ismaaciil Koofi

Mar aynu wax ka waydiinay halka ay ku dambeeyeen dadaalo ay wadeen odayaasha dhaqan oo la doonayay in lagu soo gunaanudo xiisadihii ka dhacay magaalada Baardheere ayaa waxaa uu sheegay in Odayaasha Gobolka ku sugan ay yihiin la hayste aysana ka hadli karin waxa dhabta , taasi oo uu tusaale ahaan u soo qaatay nabadayntii baardheere oo uu tilmaamay in ay horay u fashilantay.

Hadaladan kulkul ee ka soo yeeraya wadaada Ehluna Waljameeca eek u sugan magaalada Doolow oo ku taalla xadka ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xili maalmihii la soo dhaafay ay hoggaanka Alshabaab Ee G/Gedo ay sheegeen inay wadahadal la galeen qaar kamid ah xubnaha ku sugan magaalada Doolow oo isugu jira Ehlusuna waljameeca iyo xubno ka tirsan garabka Xildhibaan Bare Hiiraale.

mohamed gaarane <gaarane68@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | April 30, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: