SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Somalida Seattle Oo Qabtay Kulan looga cabanayay Falalka Argagxiso ee Somalida lala xariirinayo waayadan

waxaa maalinti sabtida ahayd ee 25ka bishan kadhacay maaalada seatle kulan balaaran kaas oo u jeedadiisu aay ahayd in looga hadlo dhibka lagu hayo dadka somalida ee daggan wadanka mareykanka,waxaa looga cawanayay su;aalaha ay dadka somalida kala kulmaan xoogaga nabad sugidda ee Mareykanka, iyadoo lala xariirinayo kulug lahaansho falal Argagixiso,

waxaa ay dhib kala kulmaan dadka somalida garoomada oo saacada lagu haysto,goobaha shaqada iyo waliba qaar la sheegay in guryahooda logu tagay,

su'aalana laway diyay,

arintaan ay somalidu ka cawaneyso ayaa soo shaac baxday ka gadaal marki la waayay dhalinyaro somali ah oo ku noolaa wadanka mareykanka iyadoo la sheegay in ay u baqooleen wadanka somalia, si ay uga bar bar dagaalamaan kooxo ka jira wadanka somalia,

waxaa kulankaan lagu cusoomay qaar ka mid ah madaxda magaalada seattle,lawyaro,madaxa police-ka ,hay;adda la dagaalanka Hayb kala sooca ee la yaqoona (Hate Free Zone) iyo waliba Professero Ka socdo jaamacada U&Washington,

waxaa sidoo kale ka hadlay culimada somaliyed ee Gobalkan Washington qaar ka mid a iyo dad weyne ee fara badan,

Balse Muhiimada kulanka ayaa lagu sheegay in ay ahayd in lagu war geliyo madaxda gobalka ee ay quseyso in somalidu ay ka warheyso dhibka lagu hayo oo ay iska war qabaan codsanayaana in laga joojiyo in shacab nooc kaste leh lagu xukumo danbiyo laga yaabo in shaqsiyaad ay galeen

Kulamada dambe ee dhici doono dib ayaan idinka soo gudbin doonaa I'A tacala,

Halkaan ka daawo qaar ka mid ah sawirada Kulanka maanta,click kusi links-kan dushiisa,

HASSAN SUNNI
SEATTLE,WASHINGTON
HASSANSUNNI@ABUBAKRISLAMICCENTER.ORG
xnuur11@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 30, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: