SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qarax lagu dilay Taliyihii Hay'adda Sirdoonka Puntland ee (PIS) Qaybta Galkacyo Yasin Tolwaayey.

Labo Qof ayaa ku dhintay Afarna Waa ay ku dhaawacantay Qarax lagu  khaarajiyay Yasin Tolwaayey Taliyihii Hay'ada Sirdoonka Puntland ee (PIS) Qaybteeda Galkacyo.

Waxaa Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ka dhacay Qarax ahaa Bom-Gacmeed lagu soo tuurey Baabuur uu saarnaa Taliyihii PISta ee Gobolka Mudug iyo labo nin oo Istaafkiisaa, Sida ay noo xaqiijiyeen dadweyne ku sugnaa halka uu ka dhacay qaraxaas ayaa ku tilmaamey in uu falkaas ka danbeeyey nin watay gaari Market ah kadibna uu ka soo degay kuna tuurey Bom-Gacmeed Gaarigii uu saarnaa Taliyihii (PISta) markii uu Qaraxa sameeyeyna Haleeli waayey in uu Dib ugu laabto Gaarii uu watay.

Waxaa uu ninkaas Dabo yaacay oo rasaas ku furay dad agaas joogay kadibna sida ay wararku sheegayaan waxaa isaguna oo iskaga difaacay Bastoolad wuxuuna dhaawacay labo nin oo cayrsaneysay Danbiilaha falkaan gaystay isagana sidoo kale waxaa lala beegsaday xabad waxana lagu qabtay isaga oo dhaawac ah.

Qaraxaan ayaa sidoo kale ku dhimatay Gabar Agmaraysay Gaariga la qarxiyey waxaa kaloo ku dhaawacmay Labadii Istaaf ee la socotay Yasin Tolwaayey iyo Labadii Nin ee soo qabtay Danbiilihii Falkaan Geystay oo uu rasaas ku furay. Waa markii ugu horeesay ee magalada galkacyo gacanta lagu dhigo shaqsi fal Qarax ama Dil ah geystay, Iyadoo in badani ay ka dhacday Galkacyo Qarax iyo Dilal isdaba joog ah oo aan gacanta lagu dhigin Dadkii Geystay.

Qaraxaan ayaa uu ka dhacay Ka meel farsa magaalaha ah waxaana halkaas ku sugnaa dadweyne aad u faro badan oo marayey aaga uu qaraxa ka dhacay iyo nawaxigiisa waxaana uu wararku sheegayaan in danbiilihii falka geystay lagu soo qabtay aaga Isteeshinka Miir oo meel cabaara u jirta halka uu qaraxu ka dhacay.

Isku soo wada duuboo Danbiilihii Qaraxaan geystay ayaa ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ee Magalada Galkacyo waxaana lagu wadaa baaritaan sidii loo ogaan lahaa Falkaan in uu kaligiis ku kooban yahay iyo in laga danbeeyey.

Farxaan Yasin Mire (isqootax)

isqootax@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | April 30, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: