SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Marxuum Yaasiin  - Allow kuu naxariiso

Waxaa argagax iyo lama filaan igu noqotay akhbaartii naxdinta laheyd ee dilkii gudoomiyaha gobolka Karkaar Allaha u naxariistee Marxuum Yaasiin Siciid Xuseen. Dil kasta oo loo geysto qof bani’aadam ah oo aan waxba galabsan waa arin murugo leh, balse dilka loo geysto madaxda iyo hogaamiyayaashu waa arin niyadjab ku ah dhammaan bulshada una dhiganta dil loo geystey bulshadaas idilkeed. Mida ugu sii naxdinta bandanna waa marka dilkaasi loo geysto qof aad shakhsiyan isu taqaaneen wada shaqeyseenna markhaatina aad ka tahay ruuxaas wanaagiisa.

Gudoomiye Yaasiin waxaanu isbaraney dhammaadki sanadkii 2005-ta markii loo magacaabey  in uu noqdo Gudoomiyaha gobolka Karkaar. Markaas oo aan anigu wadey howlihii u gargaarka bulshadii ku waxyeeloobey Tsunaamigii. Gobolka ugu badan ee ay howlaha Tsunamigu ka socdeen wuxuu ahaa gobolka Karkaar oo labada degmo ee Bander Beyla iyo Xaafuunba ay ka tirsan yihiin.

Marxuum Yaasiin oo aan si wadajir ah doonyo ugu qeybineyno bulshada reer Xaafuun

Waxaan aad u xusuustaa kulankayagii ugu horeeyey ee Gudoomiye Yaasiin.  Mudo yar markii uu kulanku socdey ayaa waxaa ii soo baxdey in uu yahay Gudoomiye ka duwan gudoomiyayaashii aan horey u arki jirey. Wuxuu aad uga warqabey xaalada gobolkiisa. Waxaa u cadeyd sida ay ukala mudan yihiin howlaha horyaala ee gobolka markaas loo dhiibey. Wuxuu ahaa gudoomiyaha keliya ee iila yimaada qoraal iyo warbixin tafatiran ee xaalada gobolka iyo sida uu u doonayo in loo garab qabto. Yaasiin aad ayey ugu cadeyd baaxadda dhibaatada iyo tabardarida gobolkiisa maadaama gobolka Karkaar uu ahaa gobolka ugu cusub ee Puntland.

Waxaanan marnaba hilmaameyn hadalkii uu markaa igu yiri ee ahaa ‘walaalow Nuuradiinow waxaan doonayaa in aad i gacan qabatid. Howlaha aan kaaga faradhuudhuubanahay ee bulshada kala dhex-galkoodana ii dir”. Yaasiin wuxuu ahaa nin adag, howl kar ah, u adeegida bulshaduna ay dhab ka tahay. Markii aan weydiiyey sabata ku kaliftey in uu jagada gudoomiyanimada qabtana waxaa uu Yaasiin Allaha u naxariistee ii sheegey in uu doonayo in uu dadka u adeego, dhaqaalana ka dooneyn oo Yaasiin wuxuu magaalada Qardho ku lahaa beer iyo geel si wanaagsan loo xanaaneeyo oo uu masaariiftiisa ka soo saarto. Wuxuu ahaa nin isku fillan.

Marxuum Yaasiin oo aan guryo wada gudoonsiineyno bulshada reer Xaafuun

Sidoo kale Gudoomiye Yaasiin wuxuu ahaa nin ahlu-diin ah. Wuxuu iiga sheekeeyey dhibka uu bulshada uu u adeegayo ku qabo iyo sida keliya ee uu ugu adeegi karo asagoon dadka la tirsan ay tahay in uu is xusuusiyo aayad Quraanka ku taala oo aheyd (Laa nuriidu minkum jazaa’an walaa shukuuran) oo macnaheedu yahay in uusan dadka ka dooneyn abaal iyo mahad naq toona balse uu dar Ilaahey ugu adeegayo.

Kulankaasi aad ayuu ii taabtey. Yaasiin waxaa uu noqdey gudoomiyaha aan isugu dhownahay runtiina aad iyo aad ayuu iila shaqeeyey umada reer Karkaarna ugu adeegey. Waxaan yaasiin wada galey safarro badan, waxaan wada xalliney dhibaatooyin badan oo la soo deristay howlihii Tsunaamiga. Yaasiin waxaa uu Ilaahey siiyey hibo uu ku xaliyo mushkiladaha isfaham la’aanta ah oo wuxuu ahaa nin aftahan ah dadkuna ay u soo istaagaan.

Marxuum Yaasiin wuxuu garab weyn naga siinjirey habsami u socodka howlaha gargaarka 

Marxuum Yaasiin waxaa iigu danbeysey bishii Janaayo ee sanadkan 2009. Waxaa uu igu soo booqdey doorashadii ka dib aqalka aan ka deganaa magaalada Garoowe. Waxaa ay markaasi wada socdeen Gudomiyaha gobolka Bari Mudane Musse Geele. Labada Gudoomiyaba waxey markaasi iigu hanbalyeynayeen dorashada iyo sida ay Murashaxiintu uga qaateen dowr taariikhi ah oo si nabadgelya ah isbedel siyaasadeed lagu keeney. Waxaan filayaa in ay dhammaan murashaxiintii tartameyseyna ay sidaas oo kale usoo booqdeen uguna tahniyadeynayeen.

Waxaan aad u xusuustaa sida ay firfircoonida iyo nashaadka nololeedba uga muuqdeen habeenkaas. Maantana waxaa uu Marxuum Yaasiin u hoydey aakhiro waana xaalka aduunyada oo Ilaahey oo keliya ayaa baaqi noqon doona. Balse waxaa qofka lagu xusuustaa waxa uu bulshadiisa u qabtey ugana tagey.

Waxaan geerida ku timid Marxuum Yaasiin uga tacsiyeynayaa dhammaan dadka reer Puntland oo dhammaanteen ayuu inaga geeriyoodey. Waxaan si gaar ahna ugu tacsiyeynayaa eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyoodey. Samir iyo iimaan Ilaahey ha inaga siiyo

Marxuum Yaasiina dunidana waxaan ku xusuusaneynaa sida uu dadkiisa ugu adeegey. Aakhirana waxaan Ilaahey uga baryeynaa in uu ajar iyo xasanaadba ugu badelo sida ay isaguba niyadiisu aheyd uuna Ilahey ka rajeyn jirey. Aamiin. 

Nuuradiin Aadan Diiriye. 
nuradin.dirie@googlemail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 29, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: