SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
27 April 2009.


Shirkii 3aad ee Ururka ardayda ogadenia OSF Uk oo 25/04/09 London kadhcay

Dawlada Ethiopia oo xidh xidhay 35 qof oo ay ku eedaysay inay samaynayeen Afgambi oo ka tirsan xisbi macaarad ah.

======================
Dawlada Ethiopia oo xidh xidhay 35 qof oo ay ku eedaysay inay samaynayeen Afgambi oo ka tirsan xisbi macaarad ah

Maalintii Sabtida ahayd ee taariikhdu kubeegnay 25/04/09 ayaa waxaa Magaalada Addis-ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya kadhicisoobay afganbi kaaso oo ay xukuumada gumaysigu ku eedaysay inay ka dambeeyeen saraakiil katirsan ciidamada gumaysiga iyo xisbi muacaarada oo si aad ah taageera uga haysta shacbiga Dagan Magaalada Adis ababa iyo gobalo badan oo Ethiopia .

Iskudaygaas ayaa fara caaradood kufashilmay taas oo kaligii taliye Zenawi kunoqotay wal wal horleh oo uu la gami l waayey waxayna muujinaysaa Asttaamaha lagu yaqaano burburka gumaysiga
Waxaa aad loo saadaalinayaa in maadamaa ay doorasha kusheegtii gumaysigu soo dhawdahay ay noqon doonto gabagabadii gumaysiga ,.

Booliska dawlada Ethiopia ayaa waxaay sheegeen in ay qababteen 35 qof oo katirsan xisbiga mucaardaka ah ee loo yaqaano Ginbot 7. Dadkan la qabqabtay ayaa waxay dawlada Ethiopia ku eedaysay in ay rabeen in ay dawlada uu Meles madaxda ka yahay ay afganbiyayaan.

Dadkan la qabqabtay ayaa waxa ka mid ah dad ciidamda Ethiopia ka tirsanaa iyo dad rayid ahba.
Dhinaca kale ayaa waxay Boolisku cadeeyeen in ay qaqabteen qalab isugu jira Dokumentyio,Computero & qalab isgaadhsiin oo oo qeexaya qaabka uu u dhacayay afgambi ay damacsanaayeen kooxdaasi.

Xisbigan dadka laga qabqabtay ayaa waxay gaashanka ku dhufteen in ay arintaasu waxba ka jirin oo ay dawlada Tigregu ku been abuurayso si ay dadka u xidh xidhaan.
Waxaa la ogyahay in uu masaafur uu ku maqanyahay gudoomiyhii xisbigan oo mudo laba sano ah u xidhnaa tawlada Tigrega.Dr. Brihaunu Naga ayaa waxaa loo dooratay in uu noqdo duqa magaalda Addis-Ababa 2005tii.hasa yeeshee u baxsaday wadanka Maraykanka isagoon jagadaas qabanin.

Shirkii 3aad ee Ururka ardayda ogadenia OSF Uk oo 25/04/09 London kadhcay


Shir si aada loosoo agaasimay soona qaban qaabiyeen ururka dhalinta ardayda ogadenia OSF-Uk ayaa waxuu maalintii sabtida ka qabsoomay galbeedka magaalada london .

shirkan ayaa waxaa soo xaadiray boqolaal dhalinyarta kukortay qurbaha ah oo isugu jira xubnihii ururka OSF iyo dhalinyar cusub, sidoo kale waxaa kasoo qaybgalay ururo iyo shaqsiyaad magac kuleh bulshada somalida ogadenia iyo bulshooyinka kalaba .


Shirka ayaa waxaa lagaga hadlayay dhawr qodob oo kala ah:
Nolasha dadka Ogadenya(.Ogaden Livelyhood)oo uu soo jeedinayay Mr Mustafe Xuseen Fooleey (Daacad).

2-Barnaamij kusaabsanaa barida dhalinta ogadenya dhulkooda hooyo(Ogaden Youth Identity) oo ay soo jeedinaysay Mss Suleekha Elmi.

3- Film loogu magacdaray dadka qarsoon een codka lahayn(Hiden&Voisles People Film)oo laga soo duubay shacbiga ogadenya ee Kenya kusoo qaxay oo uusoo bandhigay Mr C/shukri Qararaf oo socdaal kaga soo laabtay geeska Africa.

4-Xaalada bini,aadam ee dadka ogadenya (Humenright of Ogaden people) oo ay soo jeedisay Mss Kawsar Osman Badal .

5- Barnaamij loogu magacdaray bad baadi agoonta ogadenya (Save the Ogaden Orphans) oo uusoo bandhigay Mr Mustafe Cagawayne .

6- iyo ugu dambayntii dood furan (Debate about ogaden people history An calture) oo loo furay da,a yarta kukortay qurbaha.

Shirka ayaa waxaa lagu furay heesta calanka ogadenia iyo wacdi diini ah kadib ayaa waxaa hadalo soo dhawayn ah ku furay Gudoomiyaha Hogaanka arimaha dibada ee JWXO N/hure C/rahman Sh. Mahdi{Maadey} isagoo yiri waxaad haysaan dhabihii xaqa ahaa ee lagu gaari lahaa aayaha ogadenya.

Kadib ayaa waxaa la guda galay barnaamijyadii oo dhamaanba si habsami leh ay usoo tabinayeen shaqsiyaadkii loogu talagalay islamarkaana dadkii kubeertay qiiro,farxad,gubaab iyo dhiirigalin .

Waxaa isna shirka ka hadlay Gudoomiyaha arimaha Jabhadda N/hure Maxamed Cabdi Yuusuf{Diirane} waxa uuna yidhi:waxaa hubaal ah in shacbiga ogadenya uusan gablamaynin mar hadii ay halgankoodii utaaganyihiin dhaxalkiisa dhalintan maskaxda fiican lihi kuna dhiiri galiyay inay halkaas kasii wadaan midnimada iyo dadaalkooda
Waxaa iyana kaalin libaax ka qaatay shirka: Ururka haweenka Ogadenya(OWR) iyo Jaaliyadaha ogadenya ee kudhaqan gobalada wadanka ingiriiska.

Ugu dambayntiina waxaa shirkaas dhalinyarada hadalo qiime leh kasoo jeediyey Gudoomiyaha golaha Odayaasha ogadenya Dr. Durraan Ahmed Hashi oo si cilmiyaysan uga warbixiyay wadiiqaha horseedi kara guusha ogadenya oo soo deg degta.


Qaybihii danbe ee shirka ayaa waxaa lagudagalay dood cilmiyeedii udhaxaysay dhalinta da,da yar, halkaas oo tartan la dhax dhigay laba guruub oo wiilal& gabdho ahaa halkaasna ay koobka ku qaadeen gabdhihii lana gudoonsiiyay abaalgud qaali ah .

Shirkan ayaa waxaa xubinimada uruka OSF qaatay in ka badan 100 dhalin yara ah ugu danbayntii ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay dhaantooyin iyo heeso wadani ah oo ay daadihinayeen koox kamida ururka hormuudna uyihiin halganto Xalimo Gobaad ,Halganto Xaawo luul iyo halganto Ikraan Carraalle oo kobtaas kusoo bandhigay bandhig cajiib ah aadna looga helay.


Radio Xoriyo


27 April 2009

Halgan Guuleed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 31 MB iyo 41 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: