SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Tiro Madafiic ah oo lagu garaacay Xarunta Baarlamaanka waxayna sababtay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac gudaha iyo agagaarka xarunta baarlmaanka kmg Ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Madaafiic ayaa gudaha u galay xerada gaadiidka ciidanka boliska ee dhawaanahaan barlamanku ka dhigtay xarun KMG ah mid ka mid ah gantaaladii Sabtidii lagu lishaamay xerada ayaa geysatay dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegayaan dad gobjoogayaal ah

Waxaa isa soo tarayo qasaaraha dhimashda iyo dhaawacba leh ee uu sababay gantaalo lagu liishaamay hoolka weyn ee ay ku shirsanaayeen xubnaha barlaamaanka dowlada fadhigoodii Sabtidii waxayna ku soo aaday xili uu dhamaaday shirkii balse gobta ay ku sugnaayeen xubnihii shirka ka qeyb galay

Xarunta gaadiidka ciidanka boliska ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhaceen tiro madafiic ah oo geysatay qasaare nafeed iyo burbur dad iyo duunyaba leh
Warku wuxuu intaa ku darayaa in askari ku jiray gudaha xarunta uu ku geeriyooday halka tiro inta ka badana uu ka soo gaaray dhawacyo kala duwan madaafiic oo lagu garacaay xarunta baarlmaanka ee magaalada Muqdisho.ayaa qaarkood ku dhaceen goobo ka baxsan halka lala beeganayey kuwaas oo geystay iyane qasaare kale oo xaga shacabka ah waxaana ku dhintay inta la ogyahay 9 qof oo shacab ah

Dagmada cabdicasiis school saacid meel u dhow ayaa qeyb ka noqday gobaha la duqeeyey waxaana wax ku noqday dad goobta uu madfacu ku dhacay ka agdhawaa waxaana sidoo kale madaaficdu ku dhacday goobo kale sida agaagrka hotel global oo dad badan ku dhawacmeen halka qaar kalana ay ku geeriyoodeen .

Dadka deegaanka oo saxaafada la hadlayey ayaa uga warbixiyey in ay ku waxyeelobeen in ka badan 8ruux waxana sidoo kale ay ku gaareen dhaawacyo kala duwan tiro intaa ka badan oo loola cararay isbitaalada Magaalada Muqdisho

Xaalada dagmada cabdicasiis ayaanoqotay mid kacsan oo ay dadku hadba jaho u cararayaan ka dib markii ay arkeen dhimashada afarta qof ee goobta meydkoodu yaal ka dib markii guri ay ku jireen uu ku soo dhacay madfac habow ah

Duqeynta ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada FKMG oo xiray dhamaan wadooyinka soo gala xarunta gaadiidka ciidanka boliska
Madaafiicada ayaa waxaa ay ku dhaceen agagaarka xarunta iyo gudaheeda waxaana madaafiicdaasi ay ku soo biloowdeen xili baarlamaanka uu u soo gabagaboobay kulankooda laakiin xilidhibaanada iyo wasiirada ay ku sugnaayeen.

Waxaa xusid mudan in madaaficdu soo bilaabatay kolkii uu gudoomiyaha barlamanku sheegay in shirkii la soo gabagabeeyey ayna irida ka soo baxayen isaga iyo raiisal wasaaraha xarunta gaadiidka boliska waxaana goobta ku harsanaa xildhibaanda barlamanka oo iyana isu diyarinayey in ay ka baxaan xarunta hase yeeshee waxaa si lama filaan ah u bilowday duqeynta madaafiic ah oo qaarood lala helay gudaha xarunta in kasta oo aysan ku dhicin googtii shirku ka socda hadana waxay geysatay qasaare gudaha xarunta hal askari dhimasho ah iyo sadax kale oo dhawacyo kala duwan ah (War dheeraad ah hoos ka akhri)

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666


Madaafiic Gaysatay Dhimashada Iyo Dhaawaca Dad Rayid ah Oo  Lagu Weeraray Xaruntii Gaadiidka Xili Baarlamaanku Ku Kala Dareeray Fadhigiisa

Madaafiicda dhowr ah ayaa Sabtidii lagu weeraray xaruntii hore ee gaadiidka halkaasoo ay fadhi ku lahaayeen baarlamaanka KMG ah iyadoo ay ka dhasheen dhimashada inta la og yahay ilaa 9-ruux halka dhaawacuna caga cagaynayo ilaa 14-qof oo isugu jira ciidanka booliska iyo dad rayid ah .

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska dowlada KMG ah Gen.yuusuf cismaan dhuumaal ayaa saxaafada u sheegay in madaafiicda ay kusoo weerareen kuwa uu ku sheegay nabad diidayaasha oo tilmaamay in madaafiicda qaarkeed ay kusoo dheceen gudaha xarunta gaadiidka xili ay baarlamaanka KMG ahi fadhigii ku kala dareereen islamrkaana ay waxyeelo kasoo gaadhay 4-ka tirsan ciidanka booliska ah oo dhaawac soo gaaray halka hal askarina ku dhintay .

Sidoo kale Gen.dhumaal ayaa intaasi ku daray in xiliga ay madaafiicdu kusoo dhacayeen xarunta ay baarlamaanku ku kala dareereen fadhigoodii ay mooshinka ku lahaayeen isagoo sheegay in askartaasi dhaawacu soo gaadhay loo qaaday isbitaalka madiino ee magaalada muqdisho .

Dhinaca kale madaafiicda qaarkeed ayaa ku dhacay agagaarka xarunta gaadiidka oo iminka xarun KMG ah u ah baarlamaanka soomaaliya taasoo waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba soo gaadhsiisay dad rayid ah oo isugu jira haween ,caruur iyo dad da, ahba kuwaasoo kala ahaa dhimashada dadka rayidka ah oo gaadhay ilaa 8-qofood halka dhaawacuna la sheegay ilaa 10-qof oo dhamaantood ku waxyeeloobay madaafiicda maanta lagu soo garaacay xaruntaasi .

Ma jiraan Haweeneey da’ah oo ku sugneeyd agagaarka xarunta gadiidka booliiska halkaasi oo madfac qasaare geystay uu ku dhacay ayaa waxaa ay saxaafada u sheegtay wax ay indhaheeda ku soo aragtay,waxaana ay sheegtay in ay aragtay 3-qof oo madfaca uu dilay iyo 4-kale oo iyana dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen madaafiic lagu garaacay agagaarka xarunta gaadiidka booliiska.

Si kastaba ha ahaatee Ma jiraan ilaa iminka cid sheegatay weerarka madaafiicda ah ee maanta lagu garaacay xaruntii hore ee gaadiidka taasoo ku aadanayd xili ay baarlamaanka soomaaliya ku kala dareereen iyagoo mooshinkoodii oo ahaa miisaaniyada dowladana uu soo gabagaboobay islamrkaana ay waxyeeloobeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan

Roobabka Gu,ga Oo Si Aad Ah Uga Curtay Magaalada Muqdisho Iyo Weliba Gobolada Jubooyinka , Bay Iyo Bakool


Roobabka mahiigaanka ayaa si toosa ah uga curtay magaalada muqdisho iyo gobolada ku dhow dhowba kuwaasoo qaarkood ay kala xidheen wadooyinka ay isticmaalaan gaadiidka oo ahaa kuwo mudooyin badan la isticmaalayey islamrkaana gaboobay .

Wadooyinka gobolada Bay ,Bakool iyo Jubooyinka oo ah gobolada sida aadka ah ugu xidhan dhinaca ganacsiga iyo weliba adeegyada kale ee bulshada ayaa lagu soo waramayaa inay qaarkood go,een kadib markii ay roobabka dhibicdoodu biyo fadhiisimo ka dhigteen wadooyinka oo ah kuwo aad u baaba,san islamrkaana aysan jirin 18-kii sano ee dowlad la,aanta kuwo cidi dayactir ku samaysay marka laga reebo waxoogaa hay,ado maxali ah oo ka qab qabtay waxaan sidaas u buurayn .

Sidoo kale wararka laga helayo wadooyinka gobolada bay iyo bakool ayaa la sheegayaa inay ku xaniban yihiin Gaadiid gaaraya ilaa 50.baabuur oo sida ganacsi kala duwan oo ay u wada goboladaas iyo kuwo kasii shisheeyaba halkaasoo la shaaciyey inay ka jiraan inay wadooyinka xanibeen biyaha roobabka oo qaarkood ka qotay boholo halka qaarna ay biyo fahdiisimo waaweyn ay samaysmeen .

Si kastaba ha ahaatee Kala go,an ay keeneen roobabka ka da,aya gobolada koonfureed ee soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili ay jireen abaaro ba,an oo dad iyo duunyoba aad u naafeeyey islamrkaana uu noqonayo raabkani mid sio weyn loogu diirsado marka laga reebo xanibaada jidadka oo ah kuwo markoodii horeba ahaa kuwo aad u dayacan .

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
Muqdisho


Magaalada Muqdisho oo si weyn Sabtidii  looga xusay maalinta Malaariyada Adduunka

Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta Malaariyada adduunka oo ku beegan 25-ka April ee sanad kasta ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Global ee magaalada Muqdisho, waxaana xafladaasi ka soo qeyb galay dhaqaatiir, ururrada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf aad u fara badan.

Xafladaan oo uu soo qabanqaabiyay NGO-ga lagu magacaabo JUMBO Peace Development Organization ayaa waxaa looga hadlayay dhibaatooyinka ay leedahay kaneecada, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay in duumadu ay tahay cudur uu keeno jiritaanka uu noole aad u yari ku jiro dhiigga, (dullinka duumada) aad buu u yar yahay, waxaana lagu arki kaliya weyneyso (Microscope) waxay quutaan kariiraha unugyada dhiigga, oo ay ku tarmaan burburiyaanna.

Duumada waxaa looga hortegi karaa iyada oo hoos loo dhigayo qatarta (khatarta) qaniinyada kaneecada / dhilmaanyada. Gaar ahaan haweenka uurka leh iyo caruurta ka yar 5-ta sano waa in lagu dhiiri geliyaa in ay goor walba hoos seexdaan maro kaneeco daaweysan.

Hooyooyinka uurka lihi waa inay tagaan xanaanada hooyada iyo dhallaanka xilli (goor) hore kana qaataan ugu yaraan 2 daawo-qaadasho (Doses) oo Faansidar ah inta ay ku jiraan labada saddexda bilood ee uurkooda ugu horeeya taasoo ah daaweyn ka hortegitaanka aan joogtada ahayn ee Duumada.

Munaasabadaas ayaa lagu soo bandhigay halku-dhigga sanadkan ee kahortagga Malaariyada, kaasoo ah “Mar kasta hoos seexo maro-laneeco daaweysan si aad uga badbaaddo qaniinyada Kaneecada”, waxaana munaasabadaasi ahayd mid si weyn uu NGO-ga JUMBO Peace Development Organization oo ka howlgala gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe.

Ka qeyb galayaasha munaasabadda lagu xusayay maalinta Malaariyada ayaa iyagu in muddo ah ka doodayay su’aasha ah: “Waa maxay kaneeco?”, “Maxaa dhaliya cudurka duumada?” waxayna dhaqaatiirta iyo aqoonyahanada soo bandhigeen afkaaro kala duwan oo dhammaantood ka mideysan siyaabaha looga hortegi karo.

Dhinaca kale xafladaan ayaa sidoo kale waxay ka dhacday meelo ka mid ah dalka Soomaaliya, iyadoo si weyn looga digay shacabka in haweenka uurka leh iyo caruurta ay hoos jiiftaan maro-kaneeco daaweysan si ay uga badbaadaan qaniinyada kaneecada sumeysan.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088


 

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: