SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hay’adda UNHCR Oo Qaxooti Soomaali Ah ku Qaabilaysa Magaalada Doolow Ee Sohdinta Itoopiya Iyo Soomaaliya.

Dadyoowga qaxootiga ah ayaa si aad ah ugu soo qulqulaya magaalada doolow oo ku taalla xadka Itoopiya uu la wadaago soomaaliya iyagoo ka kala imaanaya qaar ka mid ah gobolada dalkan soomaaliya iyo weliba gudaha dalkaasi itoopiya.

Tan iyo asbuucii aynu ka soo gudubnay ayaa waxa gaaray magaaladaasi doolow qaxooti aad u tiro badan oo badankoodu sida ay sheegeen ka yimid magaalada muqdisho iyo gobolada bay, bakool iyo hiiraan oo ay rabshado ka jireen maalmihii la soo dhaafay.

Marka la eego qaxootigan Soomaalida ah ayaa waxaa ay aad uga tiro badan yihiin kuwa sii galaya wadanka Kenya maadama xeradan ay tahay mid hor leh ,taasoo sababtay in magaaladaasi doolow ee ku taalla xuduuda labada dal lagu dhex arko dad aad u farabadan oo u badan dhalinyaro hablo iyo wiilal.kuwaasoo doonaya in ay iska diwaangeliyaan xero transit ah oo halkaasi laga furay.

Saraakiisha hay’adda qaxootiga ee qaramada midoobay ee markii la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR oo ku sugan halka xuduuda ee u dhaxaysa labada dal ayaa sheegay in filayaan dad aad u farabadan 7 aadyada inagu soo fool leh.

Saraakiishaaasi ayaa ku waramaya in diwaangelinta ka sokow dadka la qaabilayo la siinayo agabyada hoyga sida teendhooyinka iyo waraaqaha aqoonsiga qaxootinimo ka hor inta aan loo gudbin goob ilaa 100 km u jirta magalada doolow ado woo lagu magacaabo boqolmaanyo.

Dadkan qaxootiga ah ayaa badankoodo waxa ay ku doodayaan in amni daro ay uga firxadeen guryahooda islamar ahaantaasina aysan haysan meel ay ku laabtaan.

Sikastaba ha ahaatee xeradan cusub oo laga yegleelay magaalada doolow oo noqonaysa tii ugu horaysay ee halkaasi laga furo ayaa qaadaysa in muddo ah sidii dadkaasi loogu uruurin lahaa hal meel ah, lama oga goobta sida rasmiga ah loo dejin doono dadkaasi is diwaangelinaya.


Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: