SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Barnaamijkii Radio Xoriyo
20 April 2009.


Ciidanka xoreynta Ogadenya oo halgalo ka fuliyey gobolka Afdheer ee Ogadenya.

Ciidamada nacabka ah oo dad rayid ah waxyeelooyin kala duwan u gaystay.

Hayada Ilaalinta xasuuqa (GENOCIDE WATCH)oo ka dalbatay qaramda midoobay in la soo afjro xasuuqa ay gaysanayso Itoobiya.

Jaaliyada Ogadenya ee Australia oo kulan rasmi ah la yeelatay raiisul wasaaraha wadanka

Siminaarkii ururka Dhalinyarada Ogadenya ee Denmark oo guul kusoo gaba-gaboobay

======================


Ciidanka xoreynta Ogadenya oo halgalo ka fuliyey gobolka Afdheer ee Ogadenya.



Wariyaha Radio Xoriyo ee jiida hore ku sugan ayaa noosoo wariyey in Howlgalo ay fulieen qaybo kamid ah ciidanka qalabka sida ee xoreynta Ogadenya 07/04/09 kana fuliyeen Duleedka Magaalada Hargeelle ee gobolka Afdheer ay ciidamada gumaysiga itoobiya kaga Gubeen Hal Gadhi iyo Waxii Sarraa oo dhan waxaana laga Qabsaday Shan Gaadhi oo kale
Dhacdadaas iyo dagaallo kale oo ka dhacay gobolkaas Afdheer Kadib Wuxuu Woyaanuhu Xannibay Dhammaan wixii iskaadhsiin taallay Gobolada Liibaan iyo Afdheer

12/04/09 Abbaa-Qorow oo ka tirsan gobolka Shabelle waxay ciidamada gumaysigu ku dileen nin Rayid ah oo Magaciisa la odhan jiray alle ha unaxariistee
Cabdi Jaamac Cawl

Ciidamada nacabka ah oo dad rayid ah waxyeelooyin kala duwan u gaystay

31-03-09 Halloobiyo oo ka tirsan magaalada Baabili waxay ciidamada dilka ku caanbaxay ee gumaysigu ku dileen Nin Shicib ah oo la odhan jiray alle ha unaxariistee Sacdi Sheekh Yuusuf .

09/03/09 Degmada Fiiq ee gobolka Nogob Waxay ciidamada daalan ee gumaysiga Itoobiya ku xidheen dad badan oo uu kamid yihiin Saxane Aamin Ismaaciil iyo Mohamed Askar


25/03/09 Degmada Xamaro ee gobolka Nogob Waxay ciidamada gumaysigu ku xidheen kuna dhaceen dad badan oo shacab ah waxaana kamid ah
Mahad Carab Xayi oo la xidhay lagana Dhacay 1000 Birr,iyo Maxamuud Saxane .

5/04/09 Degmada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar Waxay ciidamada gumaysigu ku xidheenlaba nin oo kala ah:
1- Cabdi Mahad
2- Nuur Mahad


05/04/09 Degaanka Qoraan oo ka tirsan degmada Qabribayax waxay ciidanka gumaysigu ku jidh dileen kadibna la tageen nin Shicib ah oo la yidhaahdo
Xasan Mataan Cumar Cali ilaa iyo hadana ninkaas lama hayo raq iyo ruuxba.

04/04/09 Duleedka Magaalada Sagag ee gobolka Nogob Waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku dhaceen Dadyoow Xoola-Dhaqata o:o ay kamid yihiin: Maxamed Sheekh C/llaahi waxaana laga Dhacay 8 Neef oo Adhi ah.

8/04/09 Degmada Birqod ee gobolka Nogob ayay ciidamada gumaysigu ka dhaceen dad shacab ah oo ay ka dhaceen Hanti fara badan,waxaana kamid ah dadkaas ay ciidamada gumaysigu dhaceen:


1- Maxmed Siyaad Cabdi lagana DHACAY 11,000 KUN OO BIR
2- Xaliimo Ibraahim Cabdi oo laga dhacay 12,000 kun oo birr
3-Kamaal Axmed Nuur oo aanaan wali haynin inta ay la egtahay hantida laga dhacay
4-Daahir Cabdi Duwane oo aanaan weli heli inta ay la egtahay maalka laga dhacay.


04/04/-09 Degmada Awaare ee gobolka Jarar waxay ciidamada gumaysigu ku xidheen dad badan oo ay kamid yihiin:
1-Cabdi Axmed Faroole
2-Maxamuud Cismaan Faarax Gacan

11/04/09 Dhagaxmadow oo ka tirsan gobolka Jarar waxay gumaysigu ku xidheen dad rayid ah oo ay kamid tahay : Istaahil Qoofal oo Umul ah .

12/04/09 Daalootiyoowga oo Daakhato ka tirsan ee gobolka Nogob Waxay ciidamada gumaysigu ku xidheen
1-Cabdi Dhuub Maxamuud iyo
2-C/llahi Dheeg Caydiid

Hayada Ilaalinta xasuuqa (GENOCIDE WATCH)oo ka dalbatay qaramda midoobay in la soo afjro xasuuqa ay gaysanayso xukuumada Itoobiya.
Warqad uu u qoray qaramada midoobay(UN) gudoomiyaha Hayada Ilaalinta xasuuqa ee la yidhaahdo (GENOCIDE WATCH) Dr. Gregory Stanton ayaa waxa uu ku cadeeyay markii mudo ay baadhayeen lana kaashadeen khibrada ay u leeyihhiin xasuuqa ayaa waxaa cadaatay in xasuuq loogaystay dadyoga ku hoos nool xukuumada Itoobiya. Xasuuqan ayaa waxaa gaystay ciidamada dawlada Ethiopia ee uu kaligii taliye Meles Zenawi madaxda ka yahay.Warqadan ayaa waxaa lagu cadeeyay in aan marnaba maxkamad la soo taagin danbiilayaashii gaystay xasuuqaas oo ay sababtuna tahay musuq maasuqa ka jira maamulka Ethiopia.

Iyda oo lawda ogyahay in ay ciidamada dawlada Ethiopia gaysteen xasuuqan loogaysatay dadyowga ku hoos nool itoobiya, ayaa waxaa cad in aan wali waxba laga qabanin dadkii xasuuqaas gaystay oo ay walina xasuuq hor leh ka bilaabeen gobolo kale oo ay ka mid tahay Ogadeniya oo ay ka sii darayso xaalada wadanku guud ahaanba.
Ururo madax banana ayaa isku dayay in ay baadhaan xasuuqyada ay ciidamada Ethiopia gaysateen, waxaay had iyo jeerna ku celceliyaan in ay dawladu la dagaalamayso Jabhado mucaarid ah taas oo xad gudub ku ah xaquuqal insaanka.

Waxaan si adag qaramada midoobay haydda xaquuqal insaanka uga codsanaynaa anaga oo ka duulayna cadaymaha aan hayno in si rasmi ah oo madax baanaan loo baadho xasuuqyadan ay dawlda Ethiopia gaysatay maxkamadana la hor keeno cidii danbiyadaas gaystay. Sidaasna waxaa yidhi gudoomiyaha hay,dada ilaalinta xasuuqyada Dr.Stanton.
Dr Stanton ayaa intaas sii raaciyey:Waxaan aamisanahay in dadyowga Ethiopia dagan ee xasuuqa loogastay ay inbdan sugayeen in maxkamad la hor keeno danbiilayaasha xasuuqaas ka danbeeyay cadaaladana la helo.
Waxaa cad haddii cadaalada la hor keeno dawlada EPRDF ee uu kaligii taliye Meles Zenawi madaxda ka yahay in uu geeska Afrika heli doono daganaansho iyo xasilooni rasmi ah ayuu hadalkiisii sii raaciyey.
Waxaanan idiinku balan qaadaynaa in aanu gacan idinka siino baadhidan xasuuqyadan ay dawlada Ethiopia gaysatay.

Jaaliyada Ogadenya ee Australia oo kulan rasmi ah la yeelatay raiisul wasaaraha wadanka Australia Kevin Rud

Jaaliyadda Ogaadeenya ee waddanka Australia ayaa waday dadaalo ay ku xoojinayso sidii ay u soo bandhigi lahay dhibaatada & tacadiga dhanwalba ah ee lagu hayo shacabka Ogaadeenya waxayna jaaliyadu sanadihii ugu dambeeyay xoojisay in ay xidhiidho la samayso dawladda waddanka Australia oo ka jirto jaaliyad xoogan oo isku duuban.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka socday waddanka Australiya dadaal ay Jaaliyaduhu kula kulmayeen madax ka tirsan dawladda Australia.
Bisha Abriil 16keedii wofuud ka socota Jaaliyadaha Ogaadeenya ee gobolada Queensland iyo NSW ayaa la kulmay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, madaxa qaabilsan Afrika iyo Bariga Dhexe, Mr. Jon Richardson. Waxayna woftigu kula kulmeen magaalada Canberra ee caasimadda waddanka Australia.
Woftigu, wada hadal dheer oo dhexmaray iyaga iyo masuuliyiinta kadib, waxay u gudbiyeen qoraal ka hadlaya dhibaatada Gumeysiga Itoobiya ku hayso shacabka Ogaadeenya iyo asalka dhibaatada oo ah gumeysi caalamku indhaha ka qabsaday iyo in gargaarka caalamiga loo adeegsado in lagu laayo shacabka aan wax galabsan. Wuxuu ku dhamaaday kulankaasi guul iyo is af-garad waxayna halkaas ugu dhibeen qoraal ka socda Jaaliyadda Ogaadeenya ee waddanka Australia.

Bishan 18keedii waxaa kulan khaas ah la yeeshay Prime Ministerka Australiya, Hon. Kevin Rudd, Guddoomiyaha Jaaliyadda Ogaadeenya ee Queensland, Faarax Sheikh Abdiwahab, isaga oo u sharxay dhibaatada Itoobiya ku hayso shacabka Ogaadeenya iyo siduusan caalamku wax uga qabanin. Wuxuu Guddoomiyuhu u gudbiyey Mr Rudd qoraal muujinaya dhibaatada shacabka Ogaadeenya haysate ee ay Itoobiya ku hayso & xaaladda Geeska Afrika guud ahaan.

Jaaliyadda Ogaadeenya ee waddanka Australia ayaa dadaal badan ugu jirta sidii ay waddanka ay ku noolyihiin u gaadhsiin haalayeen dhibaatada lagu hayo shacabka Ogaadeenya oo loo gayto dhibaatooyin aad u faro badan, waxayna Jaaliyadu goosatay in ay kulan yeelato sanadkiiba mar waxaana todobaadkan soo socda furmaya shirkii sanadlaha ahaa ee Jaaliyadaha Ogaadeenay Australiya iyo New Zeanld kulankaas oo lagu lafo guri doono waxqabadka Jaaliyadaha laguna xoojinayo hawlaha Jaaliyadaha ayaa ka 25/04/09 dhacaya Gobalka Victoria magaalada Melbourne.

Siminaarkii ururka Dhalinyarada Ogadenya ee Denmark oo guul kusoo gaba-gaboobay


Ururka dhalinyarada Ogadenya OYL faraciisa Denmark ayaa siminaar ugu qabtay dhalinyarada u dhalatay ogadenya ee dagan wadanka Denmark magaalada Odense maalintii Sabtida ahayd.

Siminaarkaas oo socday muddo laba maalmood ah ayaa lasoo gabagabeeyey fiidnimadii habeenkii siniinta ahayd ee xalay,waxaana siminaarkaas ujeedadiisu ahayd sidii loo kobcin lahaa maskaxda dhalinyarada u dhalatay ogadenya ee qurba joogta ah iyo in la baro dhulkoodii hooyo iyo taariikhdiisaba.

Siminaarkaas ayaa laga bixiyey duruus iyo cashiro waxtar ulahaa dhalinyarada ogadenya ee qurba joogta ah iyadoo ay siminaarkaas bixinayeen aqoonyahano u dhashay ogadenya oo ka kala yimid UK,Holland iyo Denmark.

Gen. Cabdullaahi Mukhtaar la taliyaha gudoomiyaha Jwxo oo kamid ahaa aqoonyahaniintii siminaarka duruusta ka bixisay ayaa ka hadlay:
A-Maxay ururnimadu tahay?
B-Wajibadka xubinka
C-Wada shaqaynta xubnaha

Prof :Yuusuf Cadami oo kamid ahaa aqoonyahadii siminaarkaas duruusaha ka bixiyey kana yimid wadanka Ingiriiska ayaa isagu ka hadlay:

A-Diinta Islamka iyo Halgan Ogadenia
B-Wajibadka muwaadinka Ree ogadeniya?
C-Halgan JWXO iyo Diinta?
D-Jahwareerinta Umada reer Ogadeniya iyada oo diinta la garabsan?

Sidoo kale waxaa kamid ahaa aqoonyahanadii siminaarka kaalinta lixaadka leh ka qaadatay Cabdullaahi Colaad oo si qotadheer uga hadlay Taariikhda Dalka, Halganka Ogadenya iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray iyo dhaqanka ummadda soomaaliyeed.

Ugu dambayntiina waxaa siminaarka darsi xog warran iyo warbixino dheeri ah kabixiyey Mudane Bashiir Yuusuf oo kamid ahaa aqoonyahaniintii sida rasmiga ah siminaarka loogu marti qaaday isagoo ka yimid wadanka Holland waxaana kamid ahaa qodobadii uu ka hadlay:

A-Xadgudubka Shacabka So. Ogadeniya Gumaysigu ku hayo.
B- Isu barbar dhigit: Dowrka Halgan ee Dhalinta Gudaha iyo Dhalinta Qurbaha ku nool.



20 April 2009

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 31 MB iyo 41 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: