SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

South Africa ayaa sheegtay in midnimada somaliya ay agteeda muqadas tahay 

15-16 bisha April 2009   waxaa ka dhacay caasimadda wadanka Libya ee Tripoli kalfadhigii aan caadiga aheyn ee wasiiradarimaha dibadda Midowga Africa AU, kaasi oo lagu lafa gurayey talooyin ay  horay u soo jeediyeen Madaxweynayaasha Africa shirkoodii ka dhacay magaalada Addis Ababa 1/2/2009 oo aheyd  in magaca iyo howlaha ururka AU wax looga bedelo, howshaas oo ay u xilsaareen wasiirada arrimaha dibadda iney ka shaqeeyaan sida ugu haboon ee loo hirgelin karo, 

Arrinka koowaad ee shirkan lagu lafa guray labadii maalmood ee uu socday ayaa aheyd in qaab dhismeedka  guddoonka ururka AU ee hadda jira fadhigiisuna yahayAddis Ababa Wax la bedelo. 

Ururka AU waxaa uu leeyahay goleyaal kala duwan oo ay ka mid yihiin kan madaxweynayaasha qaaradda oo sanadkiiba mar kulma(assembly) golaha wasiirada arrimaha arrimaha dibadda africa (Executive council) iyo guddiga fadhiya Addis Ababa (African commission) waana guddigan danbe ee fadhigiisu yahay Addis Ababa kan magaca, qaab dhismeedka iyo masuuliyadihiisa wax laga bedelayo. 

Guddigan hadda jira waxaa lagu magacaabaa (AU Commission) waxaana uu leeyahay guddoomiye (AU commissioner) iyo ku xigeen ( debuty Commissioner) Iyo gudoomiye waaxeedyo(commissioners) 

Ujeedada shirkan ayaa aheyd in guddoomiyaha (commissioner) la siiyo magaca madaxweyne(presedent) ku xigeenkiisana lagu magacaabo madaxweyne ku xigeen(vice-presedent)

Iyadoo la sameeyey 8 xoghaye oo uu yeesho maamulkan cusub oo hadda wixii ka danbeeyey loogu yeeri doono maamulka AU(AU Authority) 

Kulankaas Somaliya waxaa uga qeyb galay wefdi uu hogaaminayey wasiirka qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga mudane C/raxmaan C/shukuur warsame oo madaxdii shirka ka soo qeybgashay uga warbixiyey xaaladda somaliya iyo dedaalada ay waddo dowladda midnimada qaran ee Somaliya isagoo sheegay in dowladda KMG ay ahmiyadda gaar ah siineyso arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidii khilaafka somalida dhexdeeda ah loogu dhameyn lahaa wada hadal ku dhisan somalinimo iyowalaalnimoiyadoo iyadoo la sii marayo culimaa udiinka iyo guurtida beelaha kala duwan isagoo sheegay ineysan dowladdu wax shuruud ah ku xiri doonin wada hadal ay lagasho dadka somaliyeed ee diidan wuxuuna tilmaamay in aysan kadaali doonin iney wadaan dadaalkooda nabad raadineed. 

Intii uu shirku socdey waxaa uu wasiirku kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar kamid ah madaxdii ka soo qeyb gashay shirka oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha dibadda ee wadanka koofur  africa, Dr Zuma oo ay isla soo qaadeen sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal iyo weliba sidii ay South Africa gacan uga geysan leheed dib u dhiska Somaliya,  Dr Zuma ayaa ku dheeratay sida ay dowladda koofur Africa uga go-antahay ilaalinta midnimada iyo madaxbanaanida wadanka somaliya, iyadoo sheegatay ineysan koofur afrika marna ka tanaasuli doonin mabaadiideeda ku dhisan in aan la fara gelin arrimaha gudaha ee wadan kale.

waxaa wasiirka somalidu si gaar ah ula soo qaaday wasiiradda arrimaha dibadda ee koofur Africa dhibaatada lagu hayo dadka Somaliyeed ee ku dhaqan wadanka koofur Africa oo uu sheegay in loo geysto dhibaato isugu jirta dil iyo dhac joogto ah ayna ka rajeynayaan dowladda koofur Afrika iney arintaa tallaabo deg deg ah ka qaado.

Mudane C/raxman C/shukuur ayaa sheegay in dhibaatada ay qabaan shacabka somaliyeed eek u dhaqan koofur africa uu isaga laf ahaantiisu wax badan ka soo ogaadey mar uu dhowaan booqday wadanka koofur Africa. 

Waxaana ugu danbeytii ay laba wasiir isku afgarteen in si arrimahaas wax looga qabto iyo weliba sidii ay dowladda koofur Africa dowladda somaliya uga kaalmeyn laheyd tababarada shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciidamada nabad gelyada ay ugu horreyn lagama maarmaantahay in labada dowladood samestaan xiriir diblomaasi ah ay ugu horreyso in ay somaliya dhaqso safaarad uga furato wadanka koofur Africa.

Wasiirku Mudane C/shukuur waxaa kale oo uu kulan gooni ah la yeeshay wasiir ku xiriinka arrimaha dibadda ee wadanka masar gabadha lagu magacaabo Mona Cumar oo iyadu hogaamineysey wefdiga masar oo uu uga warramay halka ay xaalada somaliya mareyso iyo in ay dowladda masar ka filayaan kaalmo dhinac walba leh oo ay ugu horeyso in masar ay gacan ka geysato arrimaga dib u heshiisiinta iyo weliba arrimaha nabad gelyada. Isagoo masar ugu mahad celiyey gacanta ay siiso shacabka somalyeed gaar ahaan waxbarashada ay u fidyaan ardayda somaliyeed. 

Wasiirku waxaa kale uu la kulmay madax ay ka midyihiin wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Siyoum Masfin, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee wadanka sudan, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Wadanka Nigeria iyo madax kale oo fara badan oo uu dhammaantooda uga warramay halka ay xaaladda somaliya mareyso isagoo ka codsaday dowladdahaasi in ay gacan ka geysantaan sidii shacabka somaliyeed looga samata bixin lahaa marxaladda adage e ay hadda ku jiraan. 

Waxaa soo tebiyay:
Yusuf Sheikh
<adiib2000@gmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: