SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

XAFIISKA QARAMMADDA MIDOOBAY U QAABILSAN ARRIMMAHA  SIYAASADDA SOOMAALIYA

 

WAR SAXAAFADEED- 014/2009 
 
 

ERGAYGGA GAARKA AH EE QARAMMADDA MIDOOBAY U QAABILSAN ARRIMMAHA SOOMAALIYA OO AAD U CAMBAAREYEY WEERARKII LAGU QAADAY SIYAASIINTA SOOMAALIYED 
 

NAIROBI, 17 APRIL 2009 
 

Ergaygga Gaarka ah ee Qarammadda Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Soomaaliya Ahmedou Ould Abdullah ayaa si aad ah u cambaareyay weerarkii beeg-sadka ahaa   ee dhawaan  ka dhacay Muqdishu, looguna dan-laaha in dhib loogu dhigo hawlgalka socda ee ay wado xukuummadda cusub si loo soo celiyo nabadda, isla markaasna Golaha Shacabka ay u ansixiyaan ku dhaqanka shareecada islaamka”. 
 

“Shalay, koox is-qari-neysay, ayaa isku dayday in ay disho geesi wadani ah oo ka mid ah Golaha Wasiiradda” ayuu yiri Ould-Abdullah.    “Maalintii ka horeysayna, mudane barlamaanteeriyaan ah oo aan waxba galabsan ayaa la dilay. Waxaan ka xumahay weraradaan lagu qaaday laba nin oo muslimiinta dhabta ah”.  
 

“Waxaa cad in kuwa ka danbeeya qaskaani ay yihiin kuwa aan rajo laheeyn. Waxay ka warqabaan talaabooyinka wax-tarka leh ee ay qaadeeyso xukuummada iyo dadaalada ay wado ee ku aadan in ay kaga jawaabto rabitaanka dadka iyo gobalkaba. Horumar ayaa laga gaaray gudaha, dhammaan bulshada caalamkuna waxay muujinaysaa rabitaankooda ku aadan in ay kaalmo bixiyaan”. 
 

“ Kuwa ka danbeyey werarakaan ka dhanka ah Muslimiinta Soomaaliyeed, kama fakan-doonaan in ay la kulmaan caddaalda Eebe ama tan Aadanahaba. Waxaa cambaareynaaya bulshada caalamka, hogaanka Sare ee Soomaaliyed iyo weliba dadkooda. Ujeedada dhabta oo ay leeyihiin waa in ay Gobalka iyo dibadaba  ku sharaf-dilaan  muuqaalka iyo sumcadda Soomaaliyed, iyo in ay ku hayaan dalka qaska iyo  Sharci la’aanta, taas oo ay ka faa’iidaysteen labaatankii sanno ee la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, waxaan markaan ku kalsoonahay in aysan guulaysandoonin.”

--------------------------------------------------------------------------

For more information please contact: Susannah Price or Donna Cusumano,

Public Information Officers, UN Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya)

Tel: +254 20 762 1192/1625or + 254 733902020/737400133

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: