SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweynaha DFKMG oo weli ku guda jira booqashadii Turki 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed ayaa maalintii Jimcaha gelinkii danbe soo gaaray magaalada Ankara, ee dalka Turkiga. Madaxweyne Sharif ayaa soo dhoweyn heer sare ah loo sameeyey oo isaga iyo Madaxweyne Abdullah Gul ay salaan sharaf ka qaateen ciidamada Turkiga, isla markaana loo riday 21 madfac oo soo dhoweyn ah. 

Madaxwaynuhu waxa uu isla markiiba kulan fool ka fool ah kula yeeshay aqalka madaxtooyada Md Cabdalla Gool madaxwaynaha Turkiga, iyadoo labada Madaxwayne ay isla soo qaadeen qodobo muhiim u ah labada dal . 

Labada Madaxwayne waxa ay ku qabteen xarunta Madaxtooyada ee Turkiga shir jaraaid oo lagu marti geliyay qaybaha kala duwan ee warbaahinta gudaha iyo dibada, waxana ugu muhiimsanaa arrimihii looga hadlay shirkaas wada jirka u qabteen labada Madaxwayne sidii loo xoojin lahaa boorkana looga jafi lahaa xiriirka faca wayn ee ka dhexeeyay labada dal , iyo iskaashi ay yeeshaan labada dal. 

Madaxwayne shariif waxa uu mahadcelin ka dib si aad uga faalloday isbeddeladii ugu danbeyay oo ka dhacay dalka Soomalaiya iyo sida dawladdiisu ugu heellantahay dardargelinta arrimaha dib u hishiinta iyo wax ka qabashada arrrimaha ammaanka ,iyo soo noolaynta haya’dihii dawladda. Madaxweyne Sheikh Sharif iyo wefdigiisa waxey xalay casho sharaf la qaateen Madaxweyne Gul iyo wasiiradiisa.  

Madaxweyne Sharif iyo wafdigiisa waxey maanta duhuradii soo gaaray magaalada caanka ah ee Istanbuul oo ay caawana casho sharaf la leeyihiin mas’uuliyiinta dowladda Turkiga. 
 

Abdirahman Omar Osman <engabdirahman@googlemail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: